Home Blog Page 1173

Soomaaliya oo ka qayb gashay bandhigga Todobaadka dhaqamada oo lagu qabtay Masar+Sawirro

0

 Waxaa Todobaadkan Magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaalidana qayb ka tahay.

Arday ka kala socota dhowr iyo Labaatan Dal oo bandhiggaasi ka qayb gashay ayaa waxaa si weyn ugu dhex muuqatay Ardayda Soomaaliyeed oo halkaasi kusoo bandhigay Ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Dhar, Cunto iyo Alaabada laga adeegsado Miyiga iyo Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Dhallinyaro ku lebbisan isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay Qaahira.

Bandhiggan oo ka dhacay Jaamacadaha 6-da Oktoobar iyo Qaahira ayaa waxaa usoo daawasho tagay Kumanaan Dad ah oo isugu jira, Safiirro kala duwan iyo Arday , kuwaasoo aad ula dhacay bandhig dhaqameedka, gaar ahaan wacdaraha ay muujiyeen Ardayda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wacdaraha ay goobta ka muujiyeen, iyagoo intaa raaciyay inay  jeclaysteen dhaqanka Soomaalida Ardaydii kale ee bandhigga ka qayb gashay, isla markaana ay doonayaan inay bartaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Amb; C/qani Maxamed Wacays iyo u qaybsanaha waxbarashada Maxamuud Gawgawle, oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaan ayaa waxay bogaadiyeen kaalinta ay ka qaateen Bandhig dhaqameedka Ardayda Soomaaliyeed, waxanay kula dardaarmeen inay halkaasi kasii wadaan dedaalkooda.

 

 

Shirkii Madasha Wasiirada Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo gobolka Benaadir oo la soo xiray “SAWIRRO”

0

Shirkii 11 ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Gobolka Benaadir oo uu soo xiray Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 13 qodob oo lagu qeexay caqabadaha haysta dhismaha Golayaasha Degmooyinka Dalka iyo dib-u-heshiisiin, wixi laga bartay iyo sida hore loogu dhaqaajin karo.

Qodobada waxa ka mid ah in la dardargaliyo dhismaha golayaasha deegaanka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, oo muhiim u ah degmooyinku inay leeyihiin maamula la soo doortay.

Cabdifataax Cali Xasan Agaasimaha Siyaasadda iyo dimoqraadiyadda Gobolka Benaadir waxa uu soo dhaweeya go’aanka Shirka Madasha ka soo baxay, ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Koofur Galbeed Maxamed Madobe Nuunoow iyo Wasiirka Arimaha gduaha ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa waxa ay si wada jir ah u tilmaameen in dowlad goboleedyadu qaadanayaan doorkooda ku aadan dhismaha dowladaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshsiisiinta ee Xukuumadda Federaalk ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed  Sabriye ayaa xiritaanka madasha ka sheegay dhismaha dowladaha Hoose inay saldhig u tahay horumarka dowladnimada.

“Dalka dhan waa degmooyin, ciid Wadankan ku taalo oo aan degmo ahayn ma jirto, macnaheedu waxa waaye, wadankan waxa uu u baahanyahay inaan wax gelino oo aan ka mira dhalino, Wasaaradaha Arrimaha gudaha waa saldhigga horumarka dalka, xaqiiqda waa taas, haddii ay doorasho noqoto, haddii ay adeegyo noqoto, haddii ay Kheyraad noqoto, cid ka shaqeyn karta degmo ama dowlad goboleed aan dhisneyn ma jirto, horta aan arrinkaa ku baraarugno oo aan qaadano hogaankeeda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Madasha Wadashiga Wasaaradaha Arrimaah Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Gobolka Benaadir ee hannaanka Qaran ee dowladaha Hoose ee Wadajir oo saddexdii bil mar la qabto ayaa kan xiga lagu qaban doono Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed.

 

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Cambaareeyay Qaraxii Argagixiso ee Muqdisho

0

Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa  si xoog leh u cambaareeyay  qaraxii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu yiri “ Dowladda Sacuudigu waxay si adag u cambaareyneysaa qaraxii shalay ka dhacay bannaanka hoteel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac”

Bayaanka ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu caddeeyay in dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ay walaalaha yihiin ku garab taagan tahay la dagaallanka argagixisada iyo xag jirnimada.

Dowladda Sacuudiga ayaa tacsi u dirtay dadkii ehelkoodu qarax ku  geeriyoodeen iyo dowladda Soomaaliyaba, iyadoo caafimaad qab deg deg  ah u rajeysay dadkii dhaawacmay.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarkii shalay argagixisadu ka geysteen waddada Makka Almukarrama.

Dowladda Imaaraadku waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya ku garab joogto dagaalka ay kula jirto xag-jirnimada, Iyadoo ugu baaqaday beesha caalamka in la isu kaashado la dagaallanka iyo sidii loo xididdo siibi lahaa  Aafadan khatarta ku ah degganaanshaha dalalka caalamka.

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Suudaan oo baroordiiq u sameysay Ra’sul Wasaarahii hore Barkhad Gurad Xamaadu oo geeriyooday(Sawirro)

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku leedahay Dalkane Suudaan ayaa muddo 3maalin ah oo baroordiiq ah u sameysay Ra”sul Wasaarahii ugu waqti dheeraa ee soo mara Jamhuuriyadda Jabuuti Allaha u Naxariistee Barkhad Gurad Xamaadu oo dhawaan ku geeryooday Dalka Faransiiska.

Waxaan Safaaradda Jabuuti ee Suudaan soo booqanyay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan si aay ugu tacsiyadeeyan geerida ku timid Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.

Sido kale waxey tasci u direen Safiiradaasi Dhamaan reer Jabuuti Xukuumad iyo Shacaba inuu ilaahey samir ka siiyo Marxuumka.

Dhanka kale Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Dalka Suudaan Danjire Axmed Cali Barre ayaa tacsi u diray eheladii iyo Qarabadii uu ka baxay Marxuum Barkhad Gurad Xamaadu asigoone Alle ugu baryay inuu Janada Firdowsa ka waraabiyo.

Sido kale Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule ayaa asigana tacsi u diray Qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabkii reer Jabuuti ee uu ka baxay marxuum Barkhad Gurad Xamaadu.

 

 

Xaliima yareey oo ka hadashay nooca doorashada ka dhacaysa Dalka 2020-ka

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegya inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020.

Doorashada ayay sheegtay inay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, waxayna intaa raacisay in nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo, iyadoo go’aankeedana ay leeyihiin madaxda Qaranka.

Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah o biuuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya.

R/wasaare Khayre oo balanqaday in dowladdu ay daryeel u fidin doonto dadka dhaawacyada culus uu ka soo gaaray qarixii shalay

0

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday  qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho” ayuu yiri R/wasaaraha dalka.

“Cadowga aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka s”hacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

R/wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay Dib-u-eegista Hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya,

0

 Shirka Shalay  ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa’iido badana aysan ku haysan Ciidanku”. Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto.

Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.

—— DHAMAAD———

Qarax Geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarrama.

0

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka Hotel-Wehliye  ee Wadada  Maka Al-mukarrama.

Qaraxa oo dhacay xilli galab ah  oo ay waddooyinku saxmad ahaayeen,  goobo  ganacsi oo ayaa  ku yaallo hareeraha wadada ay mashaqadan ka dhacdey,  dad rayid ah ayaa ku dhintay kuwa kale waa eey ku  dhaawacmeen.

Goobta  uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqdey burbur baahsan, gaadiid badan oo wadada isticmaalayey ayaa iyane saameyn kala duwan ka soo  gaartay  qaraxa.

Kooxaha gurmadka degdegga  oo soo gaaray goobta ayaa  waxa ay daad gureyeen dadkii ku waxyeeloobey Qaraxa kadib markii ay  halkaas  ay  soo gaareen ciidammada ammaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis  Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa sharraxay khasaaraha, waxa uu sheegay in 14 ay dhimatay, halka 15 kalena oo dhaawacyo ah  loo qaaday isbitaallada Muqdisho, waxa uu carrabka ku dhuftay in kooxaha argagixisadu ay doonayaan in ay geystaan khasaare intaan ka badan, Afhayeenka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidammada amniga oo wada dadaallo xooggan, si looga hortago dhagarta cadowga  ay umaaleegayaan ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka ayaa iyana dadaal xoogan ugu jiro sidii looga hor-tegi lahaa qataraha kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab, waxana dhawaanahaan jiray in ciidama xoogga dalka Soomaaliyeed ee culeys ku saaraan goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan goballada dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

0

Shirkan ayaa waxa diiradda lagu saarayaa  hormarada iyo caqabadaha dhismaha dowladdaha hoose iyo dib u heshisiinta, waxaana ka qeyb galaya wasiirada Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo gobolka Banaadir oo ku midaysan madasha Hannaanka Qaran ee dhismaha dowladdaha hoose ee Wadajir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Joqombe)ayaa ka hadlay u jeedada shirka

“ Shirkan runtii  Muhiimad weyn ayuu leeyahay Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waayo ma sahlana in la isku helo in la iska xog waraysto hormarada socda iyo caqabadaha jira oo waxyaabaha soo socda sida Wadajir ah looga wada tashado” Agaasime Cali Joqombe ayaa sidaasi yiri

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad  goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka wasiirada dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa tilmaamay inuu shirku muhiim u yahay xalinta caqabadaha wasaaradaha Arimaha gudaha, dib u heshiisinta Iyo gobolka Banaadir.

“ Farxad weyn ayay noo tahay inaan ka soo qeyb galno shirkan 3 biloodlaha ah oo aad moodo inuu maanta qiima gaar ah leeyahay, maadaama uu markii ugu horeysay aan soo wada fariisanay wasiirkeena aad iyo aad ayuu qiima noogu leeyahay” Wasiir Caadle ayaa sidaa yiri

Wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib uheshiisinta XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in haddaan lagu guulaysan dhismaha dowladaha hoose aan la gaari Karin doorasho qof iyo cod, Madashana loo baahan yahay inay ka shaqeyso.

“ Talaabada ugu dhibka badan ayaa inoo harsan oo ah inaan 68 degmo oo ka soo bilaabaynaysa Gaalkacyo ilaa meesha ugu dambaysa Koofurta inaan ka dhisno goleyaasha deegaanka, Hadii la rabo inaan sanadka 2020 aan gaarno doorasho qof iyo cod ah haddaan la dhisan maamul degmo waxba ma shaqeynayaan, waad wada garan kartaan baahida koowaad waa in dadkii deegaanka loo dhisaa maamul ay dareemayaan inay iyagu leeyihiin” Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa yirri

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta Wasaaradaha si loo gaaro Hiigsiga doorasho qof iyo cod ah.

“ waxaan rabaa inaan iraahdo aan wadasheyno aan isaga dhowaano howlaha noo yaala oo aysan suurta gal aheyn in dowladda Federaalka gaar u qabato ama dowlad goboleed uu kaligiis qabto, wadanka waa hal wadan, waxaana uu u baahan yahay waxqabadkiisa in la mideeyo, inta masuuliyiinta ahna ay wadatashadaan dadka la shaqeynayana ay ku garab istaagaan” Wasiir Sabriye ayaa yirri

Shirkan ayaa la qabtaa 3 dii bilba mar si loo wajaho caqabadaha ku hor gudban gaarista dib u heshiisiin waarta oo ku Xeran daadajinta awoodda dowladda iyo dhismahaha dowladaha hoose.