Home Blog Page 1172

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo magacaabay Wasiiro cusub

0

Axad, 25, August, 2018, Muqdisho (SNTV) Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisulwasaaraha JFS ayaa lagu magacaabay wasiirro cusub kuwaasi oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hadaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goordhow ka baahiyay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) Magacyada iyo xilalka Wasiirada Cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin sidan soo socota.

1- Mudane C/laahi Goodax Bare oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.

2- Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

3- Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4- Mudane C/laahio Bidhaan Warsame oo loo magacaabay Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda.

5- Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bakhdaadi oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

6- Iyo Mudane Showaqar Ibraahim Cabdalla oo loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wasiirada la magacaabay ayaa lagu wadaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan xilalka wasaaradaha loo igmaday.

 

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirto xal u helidda Suudaanta Koonfureed

0

Muqdisho (SNTV)- Wafdigan uu hoggaaminayo ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta u amba baxay dalka Suudaan, iyadoo mas’uuliyiin  ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka ra’iusl wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay uga qeybgali lahaayeen shir looga hadlayo arrimo la xiriir anabadeynta Suudaanta Koonfureed iyo qeybsiga khayraadka ka dhexeeya labada dowladood ee Suudaan..

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre inta uu joogo magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa lafilayaa in uu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha kuyaala dalkaasi.

Duqa Muqdisho oo ciidamada amniga ku ammaanay kaalintooda shaqo

0

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan isku dhafka ciidammada ammaanka Caasimadda, iyadoona cutubyo ka-tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA lagu biiriyey Taliska Booliska Soomaaliyeed ee sugaya amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida, taas oo horseedday in laga hortago falal arxan darro ah oo ay maleegayeen argagixisadu, gacantana lagu soo dhigo dhagar-qabeyaal khatar ku ahaa nolasha shacabka.

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin shaqo hufnaan iyo in ay saaxiib dhow la yihiin bulshada. Waxaan rajeynaynaa in ay ka soo dhalaalaan shaqada adag ee loo igmaday, taas oo ay indhaha ku hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidanka amniga caasimadda in ay mudnaanta siiyaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen bulshada isu-socodka, uguna dulqaadi lahaayeen caqabad kasta oo culeys ku keeni karta nolashooda iyadoona la gudanayo waajibaadka kale ee la xiriira ammaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Soomaaliyeed dadaallada joogta ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga bulshada, dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliska oo horseedaysa horumar deg deg ah oo laga gaaro ammaanka guud ee dalka.

Ciidamada Amniga oo soo qabtay Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab

Muqdisho (SNTV) Howlgal ay ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen sarkaal katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisiow ayaa sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya  Shacabka degmada Wadajir ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Alshabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ciidamada Amniga ayaa howlgalo xoogan ka wada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo cid waliba oo carqalad ku ah amaanka Caasimadda

Hub iyo Shaqsiyaad lala xiriirinayo Al-shabaab oo la soo bandhigay

Muqdisho (SNTV) Howlgalkaan ayaa lagu soo qabatay shan bambaano, labo bistoolad iyo dukumiinti  ay soo qoreen kooxda Al-shabaab iyo 6-ruux oo midi ay haween tahay, iyadoo lagu soo bandhigay saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolka banaadir, waxaana kiiskooda lagu wareejiyay ciidanka dambi barista eeCID.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedoow ayaa sheegay in door weyn ay ka qaateen Bulshada Degmada howlgalka nabadiidka lagu soo qabtay.

“Howlgalkaan waxaa door weyn ka qaatay shacabka, waana muhiim wadashqeynta shacabka iyo laamaha amaanka, sidaa daraadeed waan u mahad celineynaa Bulshada reer yaaqshiid “ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa  sheegay in looga Baahanyahay dadka kireeya guryaha iyo kuwa ganacsatada ah  in ay waajib ku tahay hubinta dadka ay guryaha ka kireynayaan, taasi oo qeyb ka ah sugiddaAmniga.

“Dadka kireeya guryaha waxaa looga baahanyahay in ay hubiyaan dadka ay ka kireynayaan”ayuu yiri guddoomiye Tuulax

Barnaamijka Kulanka todobaadka (Daawo)

Muqdisho (SNTV)- Barnaamijk kulanka Todobaadka, waa todobaadle kamid ah barnaamijyada ka baxa Telefeshinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, waxaa diiradda lagu saaraya arrimaha jaamacadda Umadda, waxaana marti ku ah guddoomiyaha jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale.

Tabiye, Feysal Muuse Maxamed.

 

Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Kuuriyada Waqooyi inay sameysaneyso hubka Nuclear-ka

0

New York 4 August 2018 (SNTV):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dowladda Kuuriyada Waqooyi inaysan joojinin sameysashada barnaamijyadeeda la xiriira Nukliyeerka, gantaalada riyadda dheer ee madaxa hore looga xiro hubka nuclear-ka iyo kuwa kale.

Warbixin ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay sii wadato qorshaha la xiriira dhoofinta hubka sharci darrada ah iyo shidaalka, kuwasi oo ka mid ah waxyaabaha laga saaray cunuqabateynta oo ah inaysan dhoofin Karin.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in Xukuumadda Pyongyang ay sii waddo sameysashada hubka nuclear ka, iyagoo soo jeediyay in talaabo cad laga qaado.

Dowladda Waqooyi Kuuriya ayaa weli ka hadlin eedeymaha ay u soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku saabsan inaysan weli joojinin sameysashada hubka Nuclear ka.

Todobadkii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay u muuqato mid weli ku adkeysaneysa inay sii sameysato gantaalada riddada dheer ka sameysan balaastikada, taasi oo ay  ku sheegeen inay sii xumeyneyso cilaaqaadka bilowga ah ee ka dhexeeya dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa sheegay in setelite-ka ay soo qabatay muuqaalo iyo sawiro muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay sameysaneyso hubka Nuclear ka.

Bishii June Madaxdweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  Kim Jong-un ay ku kulmeen dalka Singapore, kuwaasi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Xukuumadda Pyongyang ay u joojin lahayd sameysashada hubka nuclearka.

 

 

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in maxkamad la horgeyn doono wasiir ku xigeen Arrimaha Dibedda(DAAWO)

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa sheegay in 4-tii April ee sannadkaan uu Gal-dacwaddeed ka dhan wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda u gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas  oo la xiriirrtey ku tagrifalka Hantida Qaranka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.

Link KA DAAWO

 Haweeney Al-shabaaabnimo loo xukumay.

Muqdisho (SNTV)– Basra Maxamed Cali Warsame  ayaa 21/05, ee sanadkan   ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada maniga helaan xog  sheegaysa  in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida  Bistooladaha iyo Bam-booyinka maleeshiyada amniyaadka ee kooxda arga-gixisada ah ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,   wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen  jiritanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,  waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga  waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya  kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynu  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta  soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali  Warsame  ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

Qalalaase iyo rabshado ka dhacay magaalada jigjiga

0

Muqdisho 4ta AUgust 2018 (SNTV);-bannaanbaxyo rabshado wato iyo xaalad kacsanaan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka somalida ee Ehiopia.

rabshada ayaa la sheegay inay ka bilowdeen kadib markii ciidamada ka tirsan dowlada federaalka Ethiopia  ay tageen magaaladaas arintaas shacabka ay ka dhiiidhiyeen.

dad badan oo kamid ah shacabka kudhaqan jigjiga ayaa isugusoo baxay waddooyinka Waxaana  waddooyinka lagu gubay taayaro, iyadoo la arkayey  qiic iyo uuro cirka isku shareeray,

Goob joogayaan ku sugan halkaas oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay inay arkayeen bililiqo loogeysto goobo badan oo ganacsi oo halkaas kuyaalla.

ciidamada magaalada tagay ayaa la sheegay inay la wareegeen goobo badan oo muhiim ah sida xarunta parlamaanka, qaar kamid ah wasaaradaha looga arimo magaalada iyo xarunta TVga dowlada.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday ESTv isagoo u tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay rabshidihii maanta ka dhacay Jigjiga.

Madaxweynaha warkiisu aad u koobnaa ayaa dadka kula dardaarmay inay dhowraan hantida iyo amniga.

warar aan la xaqiijin baa sheegaya inay gudaha magaalada isaga baxeen ciidamadii milatariga ahaa ee saaka soo galay, lakiin wali waxay fadhiyaan hareeraha magaalada.

majirto illaa iyo hadda khasaare rasmi ah oo kadhashay rabshadihi maanta ka dhacay magaalada jigjiga hase yeeshee wararka waxay sheegeen in boqolaal dad ah ay kudhaawacmeen.