Duqa Muqdisho oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Jabuuti

Date:

Jabuuti, Nofeembar 13, 2018; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay Jabuuti ayaa maanta kulamo muhiim ah la qaatay dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, isagoona kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Dawladda.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horreyn booqday xarunta Dawladda Hoose ee Jabuuti, halkaas oo kulan muhiim ah uu kula yeeshay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, iyadoo warbixin ka siisay shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyo mashaariica qorsheysan ee sanadaha dhow laga fulin doono Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Marwo Faadumo soo dhaweynta hagar-la’aaneed ee ay kala kulmeen Jabuuti, isagoo adkeeyey xiriirka ku qotoma walaaltinimada ee labada dhinac ka dhaxeeya, isla markaana warbixin guud ka siiyey xaaladda Caasimadda dalka ee Muqdisho, gaar ahaan horumarrada isdaba-joogga ah ee la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay.

Dhinaca Kale Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow ayaa booqday xarunta tababarka ee ciidanka Booliska Jabuuti ee Idiris Faarax Habane, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha degaanka ee ciidanka oo hadda tababar uga socday Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo loo tababarayo ka hortagga rabshaddaha iyo isku dhacyada dadweynaha.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Jabuuti, Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinaca amniga ee ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa waxaa kulamada ku weheliyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Maxamed Cali Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...