Home Blog Page 1168

Kumanaan Qaxooti Soomaali ah oo laga daadgureeyay dalka Yeman

0

Geneva Arbaca August 8 (SNTV);- U qeybsanaha Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiiyada Aduunka ayaa Talaadadii shalay aheyd  shaaca ka qaaday in lagu guulaystay in 2000 qof Soomaali ah laga daadgureeyo dalka Yeman iyadoo laga dejiyay Dekedda magaalada Berbera.

Warku wuxuu intaa ku daray, in daadgureynta dadkaasi oo aheyd mid mutadawacnimo ah ay iska kaashadeen Hay’adda Socdaalka Aduunka , Maamulayaasha dalka Yeman iyo kuwa Soomaalida.

Afhayeen ku hadlayay Magaca Hay’adda Qaxootiga Aduunka,  ayaa shir jaraa’id oo lagu qabtay Dekedda Cadan oo lagu ambabixinayay qeybtii ugu dambeysay ee qaxootigaasi Soomaaliyeed ka sheegay in Dekedda Berbera uu ku xirtay markab siday 116 Qaxooti Soomaali ah wuxuuna intaa raaciyay in howshaasi daadgureynta ah uu qeyb  ka yahay Barnaamijka Hay’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR)  ay ku saacidayso sidii dadka dalkooda dib uga laaban lahaayeen dhaamaanba Somaalida ku sugan Yeman siiba meelaha ay dagaaladu ka socodaa.

Wuxuuna intaa raciyay in  dalka Yeman ay ku harsan yihiin 270.000 Qaxooiiti ah oo 256 ka mid ah ay ahaayeen Soomaali kuwaasoo dhamantood saamey weyn ku yeeshay dagaalada ka socoda dalkaasi Yeman oo colaadu la degtay.

Wuxuu kaloo sheegay in Qaxootiyada  weli ku harsan Yeman cidii dalkeeda dib ugu laabanaysa kana mid ah qaxootiyada weli ku sugan Yeman ay hay’addu diyaar ula tahay kaalmo bini’aadanimo loona fidinayo tashiilaadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka Dalka oo maanta ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Waxbarashada

0

Muqdisho Arbaco  August 8 (SNTV):-Ra’iisalWasaare ku xigeenka dalka, Madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada isagoona yiri:

“Waxaan leenahay soo dhawow mudane Wasiir, waxaan kuu balan qaadeynaa inan si wanaagsan oo qalbi furnaan ah aan kuula shaqeyno”ayuu yiri wasiiru dowlaha waxbarashada.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda uu ku hagi doono siyaasad hufan isaga oo kaashanaya madaxda kale iyo howlwadeenada wasaaradda.

“Waan ku faraxsanahay in la igu aaminay siyaasadda waxbarashada dalka, waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbedel wanaagsan oo aan hormarino waxbarashada dalka, waana u mahad celinayaa cidii masuuliyadaan igu aamintay”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gaba gabadii hadlay ayaa muujiyay in wasaaradda waxbarashadu ay tahay meel laga jiheyn karo bulshada.

“Wasaaradda Waxbarashadu waa meesha kaliya ee laga jiheeyo Bulshada dal bu buray oo jahli kasoo kasoo kabanaya, waxaana rajeynayaa in wasiirka cusub oo shaqo wanaagsan qaban doono”ayuu yiri ra”iisul was are ku xigeenka dalka.

Ra’isalwasaaraha xukuumada jamhuuriyada soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan soo dhameystiray  wasiiro ka dhinnaa x gukuumadiisa . kuwaasoo isugu jira wasiir iyo wasiiro kuxigeeno kamid noqonayo xukuumadiisa.

 

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay Mowqifkeeda Sacuudiga iyo Canada

0

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Canada ayaa todobaadyo ka hor ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay sii deyso dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqda haweenka oo ay dhowaan xabsiga u taxaabtay, waxaana ka mid ah haweeney caan ah oo lagu magacaabo Samar Badawi.

Dowladda Sacuudiga ayaa aad uga carootay hadalka Canada, waxaana ay joojisay dhammaan iskaashigii ganacsi iyo maalgashi ee labada dal u dhaxeeya, iyadoo u yeeratay Safiirkeeda, isla markaana ku amartay in muddo 24 saac dalka uga baxo safiirka Canada u fadhiya Riyadh.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Al-Bashiir oo wada kulmay

0

Khartuum(SNTV):Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada Khartuum ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, amniga, kobaca dhaqaalaha, horumarka, maal-gashiga iyo iskaashiga horumarka gobalka guud ahaan.

“Kulan mira dhal ah ayaan la yeeshay madaxweynaha Suudaan. Waxa aan aad uga mahad celinayaa soo dhawaynta wanaagsan. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, amniga, horumarka, kobaca dhaqaalaha, maal-gashiga, sida aan isaga kaashan karno arrimaha gobalka iyo sida Soomaaliya ay uga qaadan karto dawr dhaxal gal ah oo ku salaysan khibradeenna iyo Khayraadkeenna”, ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Qiyaastii todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah ayaa wax ku barta dalkaan, kummannaan kalana horay ayey uga qalin jebiyeen, waxa ayna gacan ka gaysteen dib u dhiska dalka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiskii nabadadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta hoggaanka Suudaanta Koonfureed, isaga oo madaxweyne Al-bashiir ku ammaanay dawrka wanaagsan ee uu ku lahaa, sheegayna in heshiiskaasi uu muujinayay in Afrika ay xallisan karto mashaakilaadka dhexdeeda ah.

“Aniga iyo wafdigeyga waxa aan aad ugu faraxsannahay in aan kasoo qayb galnay heshiinkii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu qaatay dawr hogaamineed, waxa uu si gaar ah u qabtay hawl wanaagsan, isaga iyo shacabka Suudaan waxa aan uga mahad celinaynaa dawrka dhiirri gelinta leh ee ay ka qaateen nabadaynta Suudaanta Koonfudeed. Heshiiska ay saxiixeen dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed ee ay goob joogga ka ahaayeen madaxda gobalka oo dhan waxa uu muujinayaa in xallinta mashaakilaadka Afrika uu u yaallo Afrika”, ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qey galay xafladda xiritaanka taba-bar ciidan

0

Muqdisho (SNTV), Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Ayaa maanta Magaalada Muqdisho Kaga qeyb galay munaasabad Ay Ku qalin jabinayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Isugu Jiray Leyli sargaal iyo Leyli Saraakiil Xiggeen, kuwaasi oo Isugu Jiray Kuwa Cirka, Dhulka, Iyo Badda .

Ciidamaddan Maanta Tababarka Loo soo Xiray Waxaa Ay muddo 12 bilood ah Tababar Ku qaadanayeen Dugisga tababarka ee Turksom ee Ku yaalla Deegaanka Jaziira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  Ayaa Bogaadiyay sida Wanaagsan ee ay Dawladda Turkigu Ugarab Istaagantahay Ciidamadda Soomaaliyeed Iyo Guud ahaan dawladda Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kalena umahad-Celiyay Dhamaan Dadkii Ka shaqeeyay In Dhalinyaradda Maanta Qalin Jabisay Xeradan Ciidanka Ee Turksom.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Ayaa Kula Dardaarmay Saraakiishii Iyo Saraakiil Xigeenadda Dhameystay Tababarka in ay u istaagaan Difaaca iyo Ilaalinta Garab istaagga Qaranimadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Shir-gudoomiyay kulan Looga Hadlay Horumarinta Hawlaha Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-gudoomiyay kulankii ugu danbeeyay ee looga hadlayay qorshaha horumarinta shaqada dekadda Muqdisho, waxaana dhinacyadii loo xil-saaray ay soo dhameeyeen qorshihii ay ku shaqeyn laheyd dekadda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo ka dhacay dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka dekadaha, wasiirka maaliyadda, wasiirka dekadaha, taliyaasha Booliiska iyo asluubta, gudoomiye ku-xigeenka maaliyadda gobalka Banaadir iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qiimayntii iyo talooyinkii qorshaha uu soo dhamaaday sidaa darteed dakaddu ay shaqeyn doonto habeen iyo maalin.

Shirka maanta laga yeeshay horumarinta shaqada dekadda Muqdisho ayaa daba socday laba shir oo kale oo horay ay u yeesheen guddiga loo xil-saaray kadib go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si looga jawaabo baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale  diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Taliyaha Guud ee AMISOM

0

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale  diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Nabad Diidka ah ee Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay

0

Muqdisho Tallaado Augus 7 (SNTV):- C/rxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Inta badan dhalinyaradda ay marin habaabiyeen horjoogeyaasha danleyda ah ee Alshabaab ayuu C/raxmaan sheegay in aysan qanaaco ku qabin, isaggoo ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha JFS iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

C/raxmaan Xuseen Wardheere, ayaa dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxsaday kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Falalkii guracnaa ee kooxda Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii uu kamid ahaa C/rxamaan Xuseen Wardheere, ayuu xusay in uu ka qoomameynaayo, uuna ka xun yahay dhibaatadaasi, isaggoona cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed.

C/rxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka fekerka munxarifka ah ee Alshabaab ku xalaaleysteen dhiigga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Shiinaha oo ballan qaaday inay Xoojineyso Taageerida Soomaaliya.

0

Muqdisho Tallaado August 7 (SNTV):-Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaalia ayaa  ka wada hadlay arrimo muhiim ah kuwaas ay kamid yihiin sida loo xoojin karo Mashaariicda Dowladda Shiinaha ka sameyso Soomaaliya.

Arrimaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xiriirka dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in uu ku furaxsan yahay in uu yimaado Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan soo booqanay xarunta wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada Soomaaliya, waxaaana la kulanay wasiirka wasaarada warfaafinta, iyo Agaasimayaashaba, waxaana ka wadahahadalnay sidii aan usameyn laheyn xiriir dhow oo iskaashi, sidaaad la socotaan soomaaliya iyo shiinaha waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, shiinahana waxay soomaaliya ka taageertay mashaariic badan sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, iyo waxyaabo kaloo muhiim ah, sidaas darteed waxaan ballaan qaadeynaa inaan sii ballaarino taageerida aan siino soomaaliya”ayuu yiri safiirka shiinaha ee soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya dooneyso inay xiriirdhow lasameyso Dowladda Shiinaha.

“waxaan uga mahadcelineynaa booqashada safiirka shiinaha iyo madaxda kale ee la socotaba, waana u ognahay taageerada shiinaha ay markasta lagarab taaganyihiin soomaaliya” ayuu yiri wasiir dahir.

Safiirka Dowladda Shiinaha ayaa waxaa uu soo arkay qeybaha kala duwan oo ay ku shaqeyso Warbaahinta Qaranka.