Madaxda 54-ta dal ee ururka Midowga Afrik oo qodobo muhiim ah kasoo saray shir ay ku yeeshen Adis ababa

Date:

SNTV;- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galay shirka  ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia.

shirka ayaa intii u socday waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa  arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

“Waxyaabaha looga  hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ah dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...