Home Blog Page 1165

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha amniga iyo dhaqaalaha

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo maanta kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka.

BAYAANKA WADAJIRKA AH EE MUNAASABADDA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA JFS EE UGANDA ayaa sidan u qornaa:-

1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

2. Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

3. Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga

4. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya.

5. Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo.

6. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

7. Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

8. Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin.

9. Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo maanta gaaray magaalada Baladweyne

0

Muqdisho (SNTV):- Wafdigan uu horkacayay abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Maxamuud Macallim Koronto ayaa ujeedka socdaalka Abaanduulaha ku sheegay iney tahay tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage aya kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay taliska guutada 5-aad ee xoogga dalka Soomaaliyed ee ka howlgala  gobolka Hiiraan,isagoona u kuur galay xaaladda ciidanka ay ku shaqeynayaan.

Gaba-gabadi kormeerka waxaa warbahinta lahadlay taliyaha qeybta 27-aad  ee xoogga  dalka Soomaliyed Generaal Maxamuud Macallim Koronto,wuxuuna sheegay muhiimadda ugu weyn ee socdaalka Abaanduulaha Ciidan Xoogga dalka ay tahay in la ogaado tirada saxda ah ee Ciidanka Xoogga ee ka howlgala gobolka Hiiraan si hadda wixii ka danbeeya musharaarkooda akoonadooda ay ugu qaataan.

Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka go’an fulinta amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in laga wada shaqeeyo taakuleynta iyo dhiira gelinta Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.

Maamulka gobalka oo dib u soo celiyay kooxdii kubadda cagta gobalka

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabadda dib u loogu howlgelinayay Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dadaal la gelinayo kooxdan, maadaama ciyaaruhu ay ka tarjumayaan horumarka bulshada.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay Caasimadda u leedahay kooxda kubadda cagta ee Banaadir oo la asaasay sanadkii 1963dii, iyadoona noqonaysa kooxda matalaysa Muqdisho ciyaaraha heer Caasimadeed ee caalamka iyo in ay Kooxdan ay waajahadda u noqoto horumarka iyo isdhex galka bulshada.

“Kooxda Dawladda Hoose ee Xamar waxa ay ka mid ahayd qorsheyaashii ugu horreeyey ee la hirgeliyey xornimadii kaddib, taas ayaana muujinaysa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka Gobolka. Maamul ahaan waxaan dhexda u xiranaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn kooxdaan, una dhammeystiri lahayn dhammaan baahiyaheeda asaasiga ah.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in garoonka kooxda Banaadir dhawaan dib loo soo celiyey, laguna wareejiyey maamulka kooxda balse haatan laga shaqeynayo in dib loo dayac tiro iyadoo laga faaiidaysanayo Olalaha Isxilqaan ee ka socda Gobolka Banaadir.

Hawlwadeennada Kooxda Dowladda Hoose iyo xidigihii horey u soo matalay ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada dib u soo nooleynta kooxaha iyo tartannada ciyaaraha, iyagoona soo jeediyey in dib loo soo dhiso kooxdii kubadda kolayga ee Dowladda Hoose oo qeyb ka ahayd Naadiga Ciyaaraha Dawladda Hoose ee Xamar.

Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay

0

Muqdisho (SNTV);- Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir qodobo muhiim ah looga hadlay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,waxaana inta badan diirada lagu saaray dhowr qodob oo uu ka mid ahaa diyaarinta ajendaha fadhiga guud ee golaha.

Kullanka Guddiga joogtada ah markii uu soo gaba-gaboobay ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii kullanka looga hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed jaamac.

Xoghaye Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in maalinta isniinta ee soo socota golahu fadhi yeelan doonaan,kaasi oo looga doodi doono aqrinta labaadee hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dardar gelinaya howlaha muhiimka ah ee horyaala,waxayna dhowr maalin ka kulmaan isbuuca si ay uga arrinsadaan howlaha aqalka sare iyo diyaarinta fadhiyada,iyagoo maalmaha qaar soo saara go’aamo ka hadlaya marxaladda dalkeenna.

Guddiga Dib u eegista Dastuurka BFS oo 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka wareejiyay si looga soo shaqeeyo

Muqdisho (SNTV):- Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya cutubyada uu ku wareejiyey Gudiga Madaxa banmaan ee Dastuurka waxa ay yihiin ilaa 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka, si ay uga soo shaqeeyaan.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in labadan guddi ay ka dhaxeyso wada shaqayn ayna diyaarsadeen qorshe howleed ay ku dhammeystirayaan dib u eegista Dastuurka

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka Muumino Sheikh Cumar ayaa dhankeeda sheegtay in 4-tan cutub ay ka soo shaqeyn doonaan, dibna ay ugu soo celin doonaan guddiga si bulshada loogu soo bandhigo

Horay ayaa labadan guddiga uga soo shaqeeyeen cutubyo ka mid ah Dastuurka, waxaana qodobada quseeya arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo awood qaybsiga ku wareejiyeen madaxda Dawladda dhexe iyo Dawlad goboleedyada si ay go’aan uga gaaraan.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka oo sheegay in hab raac sax ah aan loo marin warbixintii guddiga Maaliyada

0

Muqdisho November 24 (SNTV):-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo  shir Guddoominayey Kulan ay yeesheen Golaha shacabka ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay warqad ay ku saxiixanyihiin Toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka, waxaana warbixinta golaha u arkhiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga  ka mid ah.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha ka horjeediyay warbixin miisaaniyadeedka 2018-ka oo eedeymo horey loogu soo jeediyay, waxa uuna ka jawaabay su’aalihii  eedeymahaasi la xiriirtay.

Sidoo kale Wasiiru-Dowlaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Dhexe ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan Miisaaniyadda 2018-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada, isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

“Warbixin guddi marka Golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah, mana la soo marsiin waana gef, raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa, dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala, ansixintii iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii, yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed, intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay

0

Muqdisho November 24 (SNTV):-Shirkaan ay yeesheen Wasiirada Cadaaladda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ah mid sanadle ah ayaa ka qabsoomay sanadkaan Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan halkaas oo uu daah furay Madaxweynaha dalkaasi General Cumar Xasan Al bashiir oo khudbad ka jeediyay .

Soomaaliya waxaa uga qayb galay Wasiirka Cadaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo Shirkaas ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay hanaanka Cadaalada Dalka iyo sida wasaaradu ugu howlantahay hagaajinta Garsoorka dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka oo warbaahinta Qaranka kula hadlay xafiiskiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay Shirkaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qayb gashay.

“Shirka waxaa uu ahaa mid sanadkiiba mar ay yeeshaan wasiirada cadaalada dalalka jaamacadda Carabta waxay ahayd markii ugu horeeyay ee aan ka qayb galnay waxaan ku soo bandhigay dadaalada aan ku xoojineyno hay’adaha cadaalada dalka waxaa uu noo ahaa mid muhiim ah” ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo badan oo muhiim ah isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dadaalkeeda ka gonaanshaha hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Xubno matalaya Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ka qeyb galaya Shir ka dhacaya Istanbul

0

MUQDISHO (SNTV)-  Ganacsato Soomaali ah oo gaaraya ilaa 20-ruux ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalaya shirka Ganacsiga Caalamiga ee shirkadaha Turkiga kusoo bandhigaan wax soo saarkooda ganacsi ee ka socda magaalada Istanbul ee cariga Dalka Turkiga.

Shirkadaha dalka Turkiga ayaa shirkaan kusoo bandhigaya alaabaha kala duwan ee ganacsiga oo ay doonayaan in ay u suuq geeyaan caalamka intiisa kale, waxaana uu soconayaa mudo afar maalin ah .

Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Africa ku nool ayaa xilligaan loo arkaa qaar ka mid ah ganacsatada Caalamka ee dhaqaajin kara wax soo saarka turkiga uu doonayo in uu caalamka gaarsiiyo, waxaana xariir wanaagsan oo ganacsi uu dhaxmarayaa ganacsatada Soomaalida iyo kuwa turkiga oo ka wada shaqeyn doona arrimaha ganacsiga, heshiisyo caalami ahna kala saxiixan doono shirkadaha Turkiga.

Safaaradaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ku leeyihiin dalka Koonfur Africa iyo hey’ada ganacsiga ee lagu magacaabo Muziad Trade ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa iska kaashaday fududeynta in shirkaan markii ugu horeysay ay ka qeybgalaan ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalka Koonfur Africa.

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano hoostaga Balad-Xaawo

0

Baladxaawo (SNTV) Ciidamada ammaanka ayaa hawlagallo ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ka wada deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay maleeshiyaadka Argagixisada ay ka xirtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dagaal maleeshiyada khasaare lagu gaarsiiyey ayaa shalay galab dhex maray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada, kaasi  oo Argagixisada looga furtay saanad ciidan, tira ka mid ah maleeshiyaadkoodana looga dilay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha horgacaysa Howlgalkan.

Bulshada magaalada Baladxaawo ayaa ciidamada ku taageeraya halwgalka jidadka lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolku u sahlanaado oo maciishaddu u raqiisto.

Laba maalin ka hor ayay maleeshiyada Al-shabaab magaalada Baladxaawo ku dishay Nabadoon magaalada caan  ka ahaa, waxaana ay afduubeen laba wiil oo uu dhalay oo mid ka mid uu ahaa saqiir.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal

0

Muqdisho, Nofeembar 24, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.

DHAMMAAD