Home Blog Page 1165

Ciidanka Amniga oo Suuq Bacaad ku toogtay Dhagar qabe katirsan Argagaxisada Al-shabaab

0

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta khaarajiyey dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo qof Muwaadin ah ku dilay Suuq Bacaad.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen dhagar qabahaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, isla goobtii uu dilka ka geystayna ciidamada ay ku toogteen.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u khaarajiyey Maleeshiyaad badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood isku dayayey iney dhibaato ugeystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay lagu furay Kaaraan

0

Muqdisho (SNTV)- Daahfurka Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay ka hirgalay Degmada Kaaran.

Masuuliyiin ay kamid tahay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Maamulka degmada Kaaraan iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay barnaaamijka iyadoo daawasadiisuna ay goob joog u ahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir.

Barnaamijkan ayay dhalinyarada Muqdisho ku soo bandhigi doonaan  Hibada Allh siiyay, waxaana sidoo kale barnaamijkan lagu wareejin doonaa qeybaha kale ee degmooyinka gobalka Benaadir.

Dhawaan ayay aheyd markii gobalka Banaadir uu qabtay tartanka Feerka sodon-sano kaddib kaasi oo isna ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobalka Benaadir.

Xukuumadda Soomaaliya oo wax ka badaleysa habka dhoofinta Xoolaha

0

Muqdisho(SNTV) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay,isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday.

“Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday,hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa  Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan  Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.

Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda.

“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeyn doonto

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay In Dekedda Muqdisho ay habeenkii shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay dekadu shaqaynayso, si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kaladuwan.

“Farxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda ay shaqeyso in habeen iyo maalin ay shaqeyso,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiiusl Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay u dhigantahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaano”. Ayuu yiri raiisul wasaare kuxigeenka Dalka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqdad Dekedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.

“Caawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixikaraan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalin”. Ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa dhankooda ka hadlay ahmiyadda arrin ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay,iyagoo guul ku tilmamaya,wasiir Maareeye ayaa bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddada Liido

0

Muqdisho Sabti August 11 (SNTV);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee xeebta Liido ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay ka qayb galka dadaallada isku tashiga ah ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacbka Soomaaliyeed iyo Dawladda Federaalka ah ay hor yaallaan qorsheyaal muhiim ah oo ku aaddan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, kaabayaasha nolasha iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixiyeen sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda, isagoona tilmaamay in dhismaha wadada Liido ay leedahay ballaaran maadaama ay marin u tahay goobo dalxiis oo soo jiidanaya dalxiiseyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha kaalinta ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay dhismaha waddadaan oo noqonaysa middii 5-aad ee la hirgeliyo tan iyo bilowgii sannadkan 2018-ka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo fulinaya barnaamijka xukuummadda ee dib usooo celinta kaabyaasha dhaqaalaha dalka iyo bilcda magaalada Muqdisho ayaa horay u dhisay wadooyin muhiim ah oo burbursanaa waqti dheer.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada XFS ee dhawaan la magacaabay oo maanta xafiiskiisa la wareegay.

0

Muqdisho (SNTV) Tani waxay qeyb ka tahay dardar-gelinta howlaha shaqo ee horyaala wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada loogana fadhiyo fulinta waajibaadka loo igmaday.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa shegaay in loo bahan yahay in si mideysan looga wadda shaqeeyo ka mira dhalinta howlaha loo hayo Qaranka.

“Waa inaan masuuliyad gaar ah iska saarnaa sidii aan uga mira dhalin laheyn howlaha Qaranka ee naloo wakiishay”ayuu yiri Mudane Saqar Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya xildhibaan Salax Axmed Jaamac  ayaa alle ugu baryay wasiirka inuu u fududeeyo  waajibaadka loo igmaday.

Wasiir ku xigeenka ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay wasaaradda isagoo kulan la qaatay howlwadeenada wasaaradda, islamarkaana kula dardaarmay in la hormariyo shaqada loo hayo Bulshada Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay Oo baareysa Carruurti lagu laayey Yemen.

0

New York Sabti August 11(SNTV):- Kulan ay ku  yeeshaan magaalada Newyorka,Golaha Ammaanka ee JImciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayey  kaga hadleen duqeyntii lagu dilay caruur badan oo Yemaniin ah,iyadoo dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen,xili ay saarnaayeen gaari bus ah.

Waxaa kulanka kadib Goluhu uu isku raacay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga,xili Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen uu khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Karen Pierce oo ah kusimaha Madaxa Golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in loo baahanyahay baritaan dhab ah oo arrintaasi ku aadan,si looga jawaabo.

Duqeymahaasi ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo lagu dilay duqeyntaasi,halka tiro intasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in baadhayaan dhacdadaas.

Dalka Yeman ayaa dagaalada ka socda waxaa ay saameeyeen nolosha malaayiin ruux  oo ka barakacay guryohooda,kumanaan ayaa ku geeriyootay,halka tiro kale aad u badana ay dhaawacyo ka soo gaareen.

 

Ra’iisul Wasaara Khayre oo daah-furay Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho, August 11, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre.

“In kasta oo ay tahay dhammaan mas’uuliyad na wada saaran hadana golaha dhaqaalaha qaranka ee aan maanta daah-fureyno ayaa hormuud ka noqon doona sare u qaadista dakhliga soo gala qof walba oo Soomaali ah loona abuuro shaqooyin cusub si xal waara loogu helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysato. Sare u qaadista celceliska dakhliga soo gala qofkiiba waxa lagu gaari karaa in la kordhiyo saacadaha shaqada, la tayeeyo shaqaalaha ayada oo la tabo-barayo lana siinayo agabka u saamaxaya in ay gutaan waajibaadkooda si loo helo cudud shaqaale sare u qaadi kara dakhliga lehna xirfadihii iyo aqoontii loo baahna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in maal-gelin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa isku xira dhul-beereedka iyo caasimadda, ayna dhimayso qiimaha dalagga, sarana u qaadeyso wax soo saarka dalka, sidaa darteed dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay xoraynta deegaannada wax soo saarka beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa si loogu soo xiro dhaqaalaha rasmiga ah ee Soomaaliya.

“Golaha dhaqaalaha qaranka waa in uu dhaxda u xirtaa sidii loo xaqiijin lahaa in wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ay gaaran heer lagu faani karo. dhaqaalaha Soomaaliya waxaa laf-dhabar u ahaa welina u ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ma gaarsiisna heerkii loo baahna waayo wali waxaa liita dhoofinta wax soo saarka beeraha”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay, “Waxaa kaalin muhiim ah kaga jiro dhaqaalaha Soomaaliya soo saaridda kheyraadka badda ee loo yaqaan ‘Blue Economy’. Waa muhiim ah in Soomaaliya ay safka hore ka gasho waddamada sida sare uga faa’iidaysto badahooda maadama aanu nahay waddan leh xeeb aad u dheer, badda Cas iyo badweynta Hindiyana aanu xuduud dheer la wadaagno, khayraadka badda Soomaaliya waxaa lagu tilmaama dhab ahaanna yahay mid ka mid ah kuwa ugu tayo iyo tiro badan aduunka. Ka faa’iidaysiga khayraadka badda waa in la siiyo ahmiyad gooni ah si looga faa’iideeyo dadka Soomaaliyeed ee tabalaysan”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa sheegay in Soomaaliya lagu sifeeyay gaajo, qarax, afduub iyo burcad-badeednimo ayna uuhiim tahay in waqti iyo kheyraad badan la geliyo si magaca Soomaaliya looga dhigi lahaa mid muujinaya dhaqaala soo koraya, nabad ah, xasilloon, iyo dal loo dalxiis tago, waxa uuna ku baaqay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hey’adaha dowliga ah ee ku howlan horumarinta dhaqaalaha.

“Si sare loo qaado dakhliga celcelika soo gala qof walba oo Soomaali ah, si loo kobciyo wax soo saarka beeraha iyo xoolaha, si looga faa’iideyso kheyraadka badda, shidaalka iyo macdanta kale, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, dhallintana loogu abuuro shaqo, Waa in aan garab siinnaa hey’adaha dowliga ah ee ku howlan horumarinta dhaqaalaha. Waxan kalsooni buuxda ku qabaa in ay Soomaalia soo kabaneyso, adinkana aad arrimahan culus ee idin horyaallo aad ka soo dhalaali doontaan”.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo uu hogaaminayo madaxweynha dalka, Ra’iisul Wasaaruhuna uu bedel u yahay Madaxweynaha, waxaa xubna ka ha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, gudoomiyaha bangiga dhexe, shan xubnood oo madax bannaan kuwaas oo leh khibrado iyo xirfado dhaqaale, Maamul Maaliyadeed, Dowladeed, daah-furnaanta iyo hufnaanta ama aqoon kale oo la xiriirta leh waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale yahan oo aan Soomaali aheyn.

Laba ruux oo loo xiray waxyaabaha maanka dooriya

0

Gaalkacyo (SNTV) Ciidanka Booliiska Gobalka Mudug ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay 2-ruux oo  qeyb ka ah shabakad  ka shaqeysa sameeynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya. taasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka in isticmaalka maandooriyeyaashu ay sabab u noqdaan amaan darada mararka qaar ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobalka Mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka ahaayeen falalka amni dari ee magaalada, maadaama ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Gaashaanle sare Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu soo qabto istimaalka sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, maadaama maandooriyaha loo arko in uu qeyb ka yahay waxyaabaha fududeeya fulinta falalka ammaaan darada ah.

Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab  ka sameeyey deegaano hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose  ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay  ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan lagu khaarajiyey Farxaan daahir xiirane oo isna  Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, waxaana ay tilmaameen Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.