Home Blog Page 1166

Jubbaland oo dayactireysa Buundooyinkii ku burburay fatahaaddii Webiga Jubba

0

Kismaayo-(SNTV)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland , Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa Maanta kormeer ku tagey Buundada Baar-Sanguuni oo uu dayactir ku samaynayo maamulka Jubbaland.

Buundadan oo bur-bur xooggan uu kasoo gaaray fatahaaddii Webiga Jubba uu dhawaan sameyay ayaa Bulshada Gobolka Jubbada hoose u ah muhiim iyo marin aan laga maarmi karin.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay Buundadu ka mid tahay marinnada isku xira degaannada Gobolka iyo kuwa ka baxsan, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso.

Wafdi uu hoggaaminayo Abshir Bukhaari oo gaaray Cadaado

0

Cadaado-(SNTV)-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigenka 1-aad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamanka Galmudug.

Guddoomiyha oo ay safarka ku wehliyaan qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10-aad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay Xildhibaanno, Wasiirro iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Cadaado.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, C/raxmaan C/laahi Tootoole, oo ka hadlay soo dhoweynta wafdiga ayaa sheegay inay si weyn ula dhacsan yihiin masuuliyiinta halkaasi gaaray iyo howlaha horumarineed ee u tageen Cadaado.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa ah inuu Xarigga ka jaro Maktabad dhawaan laga hirgeliyay Magaalada Cadaado, taasoo ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda, Aqoon yahannada iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug , ayaa mashaariic ka hirgeliyay degaannadaas.

Rag lagu doonayo 10 Milyan oo Doollar

USA-(SNTV)- Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa 10 Milyan oo Doollar u ballan qaadday ciddii keenta xog lagu soo qaban karo, Abdullah Ahmed Abdullah iyo Sayf al-Adl, oo lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii 7-dii Augost 1998-dii ka dhacay Safaaradaha Maraykanka ee Daaru salaam, Tanzania iyo Nairobi, Kenya.

Raggan oo kasoo jeeda Dalka Masar ayaa Sanaddii 2000 la dul dhigay Madaxooda 5 Milyan oo Doollar, iyadoo ay hadda Laba jibbaartay Dowladda Maraykanka qiimihii lagu raadinayay xogtooda.

Labadan Nin oo 50 Jirro ah ayay FBI-da Maraykanku ku eedeeysay in ay Gacan ka geysteen qorsheynta iyo fulinta weerarradii 20 Sana ka hor ka dhacay Tanzania iyo Kenya ee lagu dilay 224-ka Qof, Dadkaas oo 12 ka mid ihi ay ahaayeen Maraykan

Sayf al-Adl, oo Kornayl hore oo ka tirsanaa Ciidamada difaaca ee Dalka Masar, isla markaana Khibrad u leh walxaha qarxa ayaa haatan ka tirsan Guddiga Milliteriga ee Ururka Al-Qaadidda, halka Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi, isna lagu eedeeyay inuu tababarro kusoo qaatay gudaha Dalka Afgaanistaan Sanado ka hor.

Isha/ Agencies

Shir looga hadlayo xaaladda Dhulka Soomaalida Itoobiya oo la filayo inuu ka dhaco Addisababa

0

Addis ababa-(SNTV)-Madax sare oo ka tirsan Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Addis Ababa Maanta oo Jimac ah, si looga xaajoodo xaaladda adag ee ka jirta halkaas, sida laga soo xigtay Wargayska Addis Standard News ee kasoo baxa Addis Ababa.

Warka ayaa intaa ku daraya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka socda Golaha fulinta Xisbiga talada haya (Xisbiga Dimoqraaddiga Soomaalida Itoobiya, (ESPDP) ay ka mid yihiin wafdiga la filayo inay shirka ka qayb galaan.

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga ESPDP oo ahaa Madaxwaynihii hore ee Gobolka, Cabdi Maxamuud Cumar,  ayaa weli ku jira xabsiga dhexe ee Addis ababa, tan iyo markii ay Ciidamada Federaalka Itoobiya qabteen Talaadadii Todobaadkan, isagoo talada hayay tan iyo iyo 2005-tii.

Lama oga Ajendaha dhabta ah ee shirka loogaga hadli doona, balse waxaa lagu wadaa in arrimaha ugu weyn ee Miiska saaran ay noqon doonaan Awoodda xad dhaafka ee ay adeegsadeen Ciidamada Federaalka, rabshadihii dhacay iyo xarigga Cabdi Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu geystay gabbood fallo ka dhan ah Aadanaha, xabsi dheer, dilal iyo jirdil, waxaa sidoo kale loo haystaa adeegsiga Ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo Dad ku laayay Gobolka Oromada.

Ururrada u ololeeya xuquuqul Insaanka iyo Dadka adeegsada baraha Bulshada ayaa sare u qaaday kiisaska lagu soo eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya, taasoo keentay inuu is casilo xilkana ku wareejiyo Wasiirkiisii hore ee Maaliyadda.

 

Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda

0

Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa ah mid joogta ah oo isbuuc walba ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Maamulka heer Gobol iyo heer Degmada, ganacsatada iyo shacabka. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka lagu dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow.

Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Amin Ambalaas u ballan qaaday garab istaag

0

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarka deg-degga ah ee hay’addan uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay badbaadinta muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhaawacmay falalkii arxan darrada ah ee kooxda argagixisada Alshabaab ay ka geysatay Gobolka Banaadir.

“Shaqadii iyo dadaalkii aad soo waddeen muddada 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd mid muhiim ah oo ay idiin ogsoonyihiin shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in aad dadaalkiinna sii waddaan una dhabar adeygtaan duruufaha idin soo food saari kara.”

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta Aamin Ambalaas, isagoo ku baaqay in taageero badan la siiyo Aamin oo ah adeegga Ambalaas kaliya oo bilaashka ah ee ka jira Caasimadda shaqeeyana afar iyo labaatanka saacadood maalin kasta.

Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen baaqii ay dhaween soo saartay hay’addu.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Hay’adda Aamin Ambalaas ayaa isla qaatay in la sii wado shaqada ay hayaan gaadiidka deg-degga ah ee Aamin, iyadoo qorshe laga yeelanayo xal u helista caqabadaha ka haysta dhanka dayactirka iyo xereynta gaadiidka, xafiisyada shaqada iyo tayeynta shaqaalaha.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka

Muqdisho (SNTV), Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS, ayaa  waxaa kulankaasi looga hadlay shantii cutub ee dastuurka ee dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga madaxa banaan iyo la socodka dastuurka, iyaddoo guddiga ay wasaarada kala hadleen waxa ka quseeya shantaasi cutub sida Maqaamka caasimada, Jinsiyada, Federaalka ,qaabka ay u dhismeen Dowlad goboleedyadda, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.

Kulanka oo saacado qaatay ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ugu horayn Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in howlaha wasaaradda ay waxbixn ka siiyeen guddiga iyo waxyaabaha ka quseeya Shanta cutub ee dastuurka, kaasi oo dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga dib u eegista dastuurka.

Sanatar Cabdi xasan cawaale qaybdiid guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqaynayeen hal shaqo, balse loo baahan yahay in guddiga ay hay’adaha dowlada ee ay quseyso dastuurka la shaqeeyaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka , wasiiru dowlaha , wasiir ku xigeenka iyo howl wadeenada la socday, labada dhinac ee guddiga iyo wasaarada hal shaqo ayaan wada heynay hay’adaha kale ee dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Muddooyinkii ugu danbeeyay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay kulamo la qaadanayeen hay,adaha dowlada iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda.

Kulan looga hadlay Wada shaqeynta Booliska iyo Bulshadda oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Kulan looga hadlay wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan”, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, Saraakiil ka socday AMISOM, Taliyeyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha kala ee duwan C.B.S.

Kulankaasi, ayaa aad waxaa looga hadlay sida ay wada shaqeyn karaan Bulshadda iyo Booliska, waxaana Saraakiil ka hadashay kulanka ay soo jeediyeen Talooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana ay sheegeyn in Booliska uusan shaqeyn Karin kaligiis, haddii uusan helin la shaqeyn iyo garab istaag ka imaanayo Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa kulankaasi ka sheegay Muhiimadda ay leedahahay in Bulshadda inay la shaqeeyaan Booliska, isaggoo tilmaamay in xoogga ay saari doonaan siddii Shacabka ay u kasban lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , oo gabogabada kulanka hadlay, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hadda laga darreemayo inay sameynayaan Horumar si xowli ah ku socda, waxaana isna dhankiisa uu soo bandhigay sida u wanaagsan ee ay uwada shaqeyn karaan Booliska iyo Bulshadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka

0

Muqdisho (SNTV), Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan sidoo kalena uu goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,waxa uu guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu la qaatay guddiga madaxa banaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Guddiga ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka u soo bandhigayay warbixin ku saabsan waxqabadka guddiga iyo intii la aas aasay qaabka ay u shaqeynayeen iyo kulamadii shaqo oo ay yeesheen, sidoo kale guddiga faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Dalka sida uu sheegay guddooomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegisa iyo hirgelinta dastuurka Dr Maxamed Daahir Afrax.

Xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulanka ka dhiibtay aragtiyadooda, waxyaabaha ay aadka uga hadleena waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira cutubyada dastuurka ee guddiga ilaa hadDa uu kasoo shaqeeyay iyo arrimaha miisaaniyada.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in kan guddoon ahaan ay la socon doonaan arrimaha dib u eegisa iyo hir gelinta dastuurka siddii loo dar dar geliyo.

Guddoomiyaha golaha shacbaka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u mahad celiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hir gelinta dastuurka warbixinta kooban oo ay guddiga siiyeen, isaggoo sheegay in golaha shacabka ay sii joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanayaan guddiyada madaxa banaan si loola socdo howlaha ay haayaan.

Madaxweynaha oo Garsooreyaal cusub u magacaabay Maxkamadda sare

Muqdisho, Ogoosto 9, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

–      Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

–      Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

–      Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

–      Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

–      Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

–      Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

–      Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

–      Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

–      Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

–      Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

–      Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.