Home Blog Page 1166

shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ka furmay Istanbul

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay maanta shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.

Waxaa ka qeyb galay 200 Shirkadood oo Turki ah, Dhanka Soomaaliya, waxaa uga qeyb galey wafdi uu hogaminayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Madaxa Iskaashiga Maalgashiga Turki iyo Carab, Mudane Cadhar subuxi.

Wasiir Cabdifataax Geesey oo kahadlay furitaankii shirka ayaa sheegay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya qalabkan dhismaha, maadaama aanan dib u dhis lagu sameyn ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe oo hada dib looga soo kabaneyo qalabkana uu wax wayn ka bedeli doono muhiimna uu u yahay Soomaaliya.

Shirka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah oo ay Ganacsatadu ku soo bandhigi doonaan qalabka dhismaha qeybihiisa kala duwan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO GABOGABEEYAY BOOQASHADII RASMIGA AHAYD EE UU KU JOOGAY TALYAANIGA

0

Istanbul (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabogabeeyay booqasho rasmi ah oo uu muddo saddex cisho ah ku joogay dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intii uu Rome ku sugnaa waxa uu wada hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte iyo Madaxweyne Sergio Mattarella, isaga oo inta aanu soo ambabixin kulamo la qaatay Afhayeennada labada aqal ee Barlamaanka Talyaaniga Marwo Maria Alisabetta Casellati iyo Mudane Roberto Fico.

Wada hadallada uu Madaxweynaha la yeeshay dhammaan madaxda Talyaaniga ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul halkaas oo uu maanta wada hadallo kula yeelanayo Madaxweynaha Turkiya Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo maanta ka qeyb qaatay Ololaha IS-XILQAAN

0

Muqdisho (SNTV)-Maamulka, howlwadeennada iyo ciidanka Madaxtooyada ayaa maanta ka qeyb qaatay olalaha Barnaamijka ISXILQAAN ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Dhismaha ka socda Tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda ayay howl wadeenaddu ka qeyb qaateen iyaga oo lix saacadood oo xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey soo nooleynta xarumaha danta guud ee dalka.

Maareeyaha tiyaatarka Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha hoyga murtida iyo hanuuninta ee National Theatre. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shaqaalaha madaxtooyada ee maanta shaqada lahaa iyo dhammaan shaqaalaha dowladdu ay meel fiican soo gaarsiiyeen dhismaha Tiyaatarka.

Dhinaca kale maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha tiyaatarka ugu qeyb qaatay agab isugu jira Shamiito, badiillo, Sakeello, Xaaqimmo Iyo fargeetooyin kuwaas oo lagu wareejiyay guddiga gacanta ku haya dhismaha.

Shaqaalaha maanta ka qeyb galay Barnaamijka ISXILQAAN ee ka socday Madaxtooyada ayaa gaarayay 600. Iyada oo 200 oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo 26 July ee sanadkaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.


Taliyaha CXDS iyo Saraakiisha Dugsiga TurkSom oo kawada hadlay howl gelinta Ciidanka dugsigaasi tababarka ku qaatay

0

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga, kuwaasi oo tababareyaal ka ah Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee Magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay dardar-gelinta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, Si gaar ah waxay uga hadleen siddii CXDS ee tababarka ku qaatay dugsiga TurkSom ugu qeyb qaadan lahayeen Howlgalada Dalka looga Saarayo Nabadiidka, islamarmaana loo howl gelin lahaa, si Qibradooda looga faa’iideysto.

Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay kaalinta muuqata ee dawladda Turkiga ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TurkSom ayaa waxaa hadda tababar uu uga socdaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga, iyaddoo horay dugsigaas ay uga qalin jabiyeen dhowr dufcadood, kuwaasi oo Taliska CXDS uu qorsheynayo in la howl galiyo oo ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada arxanka darran ee Alshabaab.

Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya+Sawirro

0

Muqdisho, Nofembar 22, 2018 Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya.

Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta.

“Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri wasiirka.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo maanta u fariistay Imtixaan aqoon guud ah“Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta ka qaaday Imtixaan aqoon guud ah, kaasi oo lagu hubinayo aqoonta Saraakiisha, si loo kala saaro.

Qeybta koowaad ee Imtixaanka ayaa maanta waxaa u fariistay Xidigle ilaa iyo Dhamme, waxaana lagu kala qabtay Taliska guud ee Ciidanka Asluubta iyo xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddiga loo xilsaaray in ay diyaariyaan Imtixaanka ayaa kor joogto ka ahaa goobaha uu Imtixaanku ka socday.

Ujjeedka Imtixaanka ayaa Taliska Ciidanka Asluubta waxa uu ku sheegay in  la hubinayo Aqoonta Saraakiisha sare iyo kuwa hoose ee Ciidanka, si kii ay wax ka dhimman yihiin dhanka Qibradda loogu diro Koorso Ciidan oo dalka Gudahiisa ama dibadiisa ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Imtixaanka looga qaadayey, isaggoo soo indho indheeyey sida ay u socdaan howlahaasi.

Qeybta Labaad ee Intixaanka ayaa dhawaan bilaaban doona, waxaa u fariisan doono Saraakiisha sare ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Howlgal Lagu Dilay 7 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Muqdisho (SNTV):-Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al Shabaab lagu laayay howlgalkaankaas ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Sidaad ogtihiin shalay waxaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka Howlgal qorsheysan kaas oo ciidanku qaadeen Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab halkaas waxaa lagu dilay 7 kamid ah Maleeshiyada kuwo kalena dhawaac ayaa loogu geystay” sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Caalamka ayaa Howlgallo Lagu baacsanayo Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed kawada Gobolada Dalka,iyagoo khaarajiya Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad  ka tirsanaa kooxdan Argagixisada.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHIGGIISA TALYAANIGA MATTARELLA OO KA WADA HADLAY FURSADAHA ISKAASHI EE LABADA DAL

0

ROME, 21 Nofeembar, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintiii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga. Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda ayay uga hadleen sida ay ugu han weyn yihiin dadaallada horu socodka ah ee ay haatan ku tallaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee ku dhisan iskaashi, isdhexgal dhaqaale, is-ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Madaxweynaha ayaa, sidoo kale, Jaaliyadda uga xog warramay Barnaamijka Isxilqaan ee sida mutadacnimada ah dib loogu dhisayo dhismayaashii danta guud, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan tageerada barnaamijkan lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka Soomaaliyeed.

Gebogabadii kulanka, Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, ayna kala shaqeyaan dowladda hirgelinta dadaallada ay waddo ee dib loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhallinyarada oo ka arrinsaday horumarka iyo ammaanka Gobolka

0

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay kumannaan dhallinyarada Gobolka ah ayaa sheegay in la dardar gelinayo fursaadaha shaqo ee dhallinyarado, maadama ay aasaas u yihiin horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey fursado shaqo oo kun ah kuwaas oo dhawaan lagu shaqaaleysiin doono qaar ka mid ah dhallinyarada, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si hufan loo maareeynayo fursadahaas, si loo xulo dhallinyaro hormuud u noqon kara horumarka Gobola Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa bogaadiyey dadaallada joogta ah ee shaqaalaha Gobolka Banaadir ay ku bixinayaan oleleyaasha kala duwan ee Barnaamijka Isxilqaan, iyadoona haatan ay meel wanaagsan marayaan hawlaha dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Garoonka Muqdisho, Madxafka iyo Tiyaatarka Qaranka.

“Horumarka Gobolka waxaa udub dhexaad u ah dhallinyaradeenna oo haatan dadaal joogta ah ku bixinaya sidii aan ula tartarmi lahayn Caasimadaha kale ee Dunida. Waxaa naga go’an in aan mideyno dadaalladaas, innagoo gacmaha is-haysanna aan gaarno halka aan higsanayno.”

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay dhallinyara Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, gacan weynna ka geystaan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darrada ah ee argagixisadu ay u maleegaan shacabka, maadama dadka ugu badan ee gumaadka ay ku hayaan argagixisada Alshabaab ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Dhallinyaradii ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey qorsheyaasha horumarineed ee Gobolka Banaadir, iyagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, horumarka iyo isdhex galka bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar lagu Khaarajiyay 6 ka tirsan Al-shabaab

0

Muqdisho (SNTV):-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya  ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.

Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Argagixisada Shabaab.

Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.

Dawladda iyo Saaxiibadeed  weey  sii wadayaan  Dagaalka Ka  dhanka ah Alshabaab oo ah Cadaw utaagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.