Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda oo ka wada hadlay iskaashiga arrimaha amniga iyo dhaqaalaha

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo maanta kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka.

BAYAANKA WADAJIRKA AH EE MUNAASABADDA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA JFS EE UGANDA ayaa sidan u qornaa:-

1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

2. Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

3. Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga

4. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya.

5. Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo.

6. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

7. Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

8. Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin.

9. Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...