Home Blog Page 1164

Shirka bilaha ah ee Adeega kaalmada Sharciga oo maantay uu furmay Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka.

0

Shirkan oo ay soo qaban qabisay  wasaaradda  Cadaaladda iyo garsoorka dalka ayaa waxaa looga hadalay Adeega kaalmada Sharciga , iyadoo ay ka qayb galeen Xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka.

wasiirka  Cadaaladda  iyo garsoorka  dalka  Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa Shirkaan maanta uu furay Xubno ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka, waxaa uu kula dar daarmay in ay si hufan uga doodaan qodobada muhiimka ah ee  horyaala isla markaana laga soo saaro dood muhiim u ah garsoorka wasaaraduna ay dhageysan doonto.

“Shirkaan aan bishiiba mar iskugu imaano waxaa looga hadlaa kaalmada sharciga waxaad halkaan u joogtaan inaad ka doodaan barnaamijkaas iyo tayeynta guud ahaan hay’adaha cadaaladda dalka wasaaradu waxaa ay dhageysan doontaa doodaha aad keentaan” ayuu yiri Mr Xasan.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cadaaladda XFS waxaa uu sheegay in wasaaradu diyaarisay Sharciga  adeega kaalma sharciyeedka oo uu hadda marayo heer gaba gaba ah isla markaana dhawaan la horgeyn doono Xukuumadda ka dibna Baarlamaanka.

“Waxaan la diyaariyay qabyo qoraalka sharciga Kaalamada Shariga waxaa uu hadda ku jiraa wada tashi wasaaradda ayaa diyaarisay waxaan horgeyn doonaa golaha wasiirada ka dibna golaha Baarlamaanka ujeedka laga leeyahay waa in qof walba helo xuquuq sharciyeed”ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalku waxaa ay dhawaanahaanba ku howlaneed sidii loo hormari lahaa adeegyada garsoorka ee ay bulshadu u baahan tahay iyo shirkaani uu qayb ka yahay wada tashiyada barnaamijkaas lagu hormarinayo.

Shirka Dhaqaalaha Badaha oo maantay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka ay ku yaalan  xeebeed,maadaama dalka uu leeyahay  xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar  la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha qar ka mid ah 160ka dal ee ka soo qayb galaya shirka,  waxayna kawadda hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka,Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya,

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu labtay magaalada Baladweyne

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa horay u gaaray wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka,kuwaas oo ujeedkooda uu yahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyo tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka.

Madaxweyne Waare ayaa inta uu joogo magaalada Baladweyne wuxuu la kullamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka,kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimaha amniga iyo in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xogga dalka oo soo afjaray Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Guri ku yaala Gaalkacyo

0

Muqdisho(SNTV):- Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab,Ciidamada Booliska iyo Nabad usgida Soomaaliya ayaa soo afjaray weerar Argagixisada Al-Shabaab saaka ku qaadeen Guri ku yaala magaalada Gaalkacyo oo uu daganaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare.

Gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in Guriga lagu dhuftay ka dibna Naftood haligayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Guriga.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee sida gaarka u tababaran ayaa mid mid u toogtay dhammaan naftood haligayaasha Al-Shabaab ee doonayay inay shacab badan ku dilaan halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka,waxaana sida wariyaha Warbaahinta Qaranka magaalada Gaalkacyo soo sheegayo weerarka ku dhintay 9-qof oo shacab ah iyo 4-ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigay mid ka mid ah dhagarabayaashii  saakay dagaalka kula  waabarisata  guri ku yaal magaaladda Gaalkacyo isagoo dhaawac ah.

Laamaha amaanka ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gaalkacyo wali war rasmi ah kama soo saarin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha

0

Nairobi, Nofeembar 25, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Difaacyada Ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Dhanaane.

0

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kormeeray deegaanka Dhannaane ee Gobolka Shabellada hoose.

Deegaanka Dhannaane ayaa ka mid ah deegaano dhawaan nabad diidka Al-shabaab laga xureeyay.

General Daahir Aadan Cilmi ayaa mid mid u kormeeray Difaacyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna Halkaasi ku dhiira geliyay Ciidamada Howlgalada ka wada deegaanka Dhannaane.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kula hadlay jiida hore ee dagaalka deegaanka dhannaane, isagoona sheegay in dhawaan Al-shabaab laga saari doono dalka.

General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa bogaadiyay sida geesinimada ah ay Ciidamada Xoogga Dalka ay u fuliyeen Howlgalka deegaanka Gandarshe lagu xureeyay, isagoona tilmaamay in nabad diidka Howlgalkaasi lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Indha-qarshe waxa uu ka hadlay dhibaatada nabadiidka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,iyadoo Halkaas lagu soo bandhigay hub lag furtay Kooxda Argagixisada Al-shabaab.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ugu Baaqay in ay la shaqeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo la kulmay Saraakiisha ugu sareysa Maxkamada Ciidamada

0

Muqdisho (SNTV):- Waxaa Xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Garsoorka, Awqaafta Arimaha Diinta ee Golaha shacabka iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gen: Liibaan Cali Yarow ,Guddoomiyaha Darajada Koowaad Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Xeer Ilaaliyaha  Ciidamada .

Waxay ka wada hadleen sidoo loo xoojin laha wada shaqeynta Guddiga iyo Maxkamada iyo Horumarinta Garsoorka si loo gaaro Cadaalad, waxey kaloo uga mahadceliyeen Maxkamada sida ay gudaneyso Waajibaakeeda Qaran ee Dastuuriga ah.

Dhanka kale, Guddiga Gaadiidka Wadooyinka Dekadaha iyo Garoomada ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Xeerka Duulista Rayidka & Saadaasha Hawada Waxaana goobjoog ahaa inta badan Xubnaha Guddiga.

Guddiga ayaa falanqeeyey Xeerkan oo Soo Maray Akhrinta 1aad, Waxayna ka yeesheen dood dheer siday ugu sameeyaan wax-kabedelid iyo wax ku-daris maadaama sharcigan oo aad muhiim ugu yahay dalka.

Wasiirka Beeraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya,ku-xigeenkiisa iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kullan lagu dardar gelinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda Beeraha la qaaday safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Al- Xuwayti.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd xoojinta wada shaqeynta labada dhinac , qorshe dejinta shir lagu wado inuu ka dhaco Masar,kaasi oo looga hadli doono wax soo saarka beeraha, deyn cafinta Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, tababarsiinta beeraleyda Soomaaliyeed  iyo sidii jaamacadda Carabta ay uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda wax soo saar ee dalka Soomaaliya.

Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Xamuud Samraan Al- Xuwayti oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha kaga mahadnaqay sida sharafta leh oo ay usoo dhoweyeen, wuxuuna ballan qaaday  in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka Soomaaliya .

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in qodob muhiim oo wax ku ool ah Soomaaliya ay labada dhinac ka wada hadleen dhammaana la isku afgartay waxyaabihii laga hadlay.

Kulanka labada dhinac ayaa kusoo idlaaday is afgarad waxaana la isla gartay in la dhaqan geliyo dhammaan qodobadii laga hadlay , Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaana ugu dambeyn  Safiirka u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka ka baxa.

Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho ka furmay

0

Muqdisho (SNTV) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn.

Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada ee Arrimaha Naafada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Hogaamiyayaasha Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Gudoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu u hogaansamayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Wasiir Deeqa Yaasiin oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirka ayaa tilmaamtay muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, iyada oo ku tilmaamtay in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. Wasiirada waxa ay sheegtay in Wasaaradeeda ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”.

Ugu dambayn, waxaa shirka laga soo saari doonaa Talooyin iyo Baaq ku aadan sidii Dastuurka dhexdiisa loogu sugi lahaa Xuquuqda dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Heysan.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo sagootisay Ardey deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Suudaan

0
Muqdisho (SNTV):- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS, Axmed Yuusuf Xasan , lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan ,xildhibaanno iyo  marti sharaf kale.
La taliyaha wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya  Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.
Xildhibaan Yuusuf Xeeyle  oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto  sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.
Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed  deeqo waxbarasho ugu dirtay dalalka Itoobiya iyo Suudaan ardey  Soomaaliyeed.