Home Blog Page 1164

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta u fariisaneysa dhageysiga codsi dammaanad siin Mas’uul ku eedeysan Masuq maasuq

0

Muqdisho(SNTV);-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa SONNA u sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka.

Cabdi Daahir Karoore ”Buulo burde shabaab wada joogi meyno”

0

Baladweyn (SNTV)- Guddoomiyaha Dagmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa waxa uu ka hadlay howlgalo ciidamada xooga dalka ayaa ka sameyen Degmada waxa ay ku guuleysten in Nalaalka magaalada ay dib ushidan maamulka degmada.

Hawlgalkan ayaa ah mid lagu bacsanayo Maleeshiyaad Shabaab ee cadaystay dhibtaynta shacabka ku dhaqan degaanadda hoostaga gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay in magaalada gudaheeda laga wado dib u dhis balaaran  kaso ay qaybka tahay sidi lo dayac tiri laha  garoonka diyaaradaha  magalada Buula burdi si dadku ay u isticmaalan garoonka diyaardaha ee degmada.

Gudoomiyaha  Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xooga dalka aay wadaan howlaglo amniga lagu xaqiijinayo si aay u xoojiyaan amaanka isku socda wadada isku xirta  Buula-burde iyo magaalada Baladweyne.

Shacabka gobolka waxa ugu baqaay in aay la shaqeeyaan ciidanka xooga dalka soomaliyeed madaama wadada xiriirsa labada degmo aay  baahi u qaban isticmaalkeeda hatan lajoogo xiligi aay dadku iska fogeeyn lahayen haraadiga yar ee faro ku tiriska Maleeshiyaad Shabaab.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Osman Salah iyo La taliyaha madaxweynaha dalkaas Mr. Gebreab  ayaa goor dhow Muqdisho ka soo dagay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Cali  Khayre oo uu wehliyo  wasiirka Arrimaha Dibedda  Axmed Ciise Cawad.

Wafdigan  ka socda Dalka Eritrea ayaa la kulmi doonna madaxda dalka.

Dhowaan madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaas tan iyo intii uu xor noqday.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea Essias Efwarki, ayaa ku heshiiyay arrimo ay ka mid ahaayeen in labada dal yeeshaan xiriir diblomaasiyaadeed iyo in la iska kaashado xasilloonida gobolka

Dowladda Soomaaliya oo u ballan qaaday shaqa abuur kun dhallinyara ah

0

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay xuska maalinta dhallinyarada aduunka (Agoosto 12) ayaa 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed u sameeyay ballan qaad shaqo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ku adkeeyay in uu codsiyada shaqo ka qabto kun dhalliyaro Soomaaliyeed ah uguna qaybiyo si caddaalad ah, daacad ah, daah furan, isaga oo dhallinyaradana kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadda shaqo.

“Sannadkii hore waxa aan shaqaalaysiinnay 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, guddoomiyaha gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah uguna qaybi si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilliga ugu wanaagsan ee uu leeyahay qofka bini’aadamka ah uuna samayn karo Raasumaal qarannimo iyo mid qofeed uu yahay xilliga uu dhallinyaryahay, waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwii dhaliyay Xornimada in ay ka midaysanyihiin in mar waliba yihiin in rajada kaliya ee ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed.

“Xornimada aan haysanno waxaa keenay dhallinyaro la noolaa wacyi kiinna ka dhib badan, gumaysi uu haysto, hadii ay bannaanka u baxaan qatar ugu jiray in uu dilo qof ajnabi ah hase yeeshee goostay in ay qaataan qatartaas si aan innagu u helno nolol ka wanaagsan tii ay haysteen. Gumaysi ayey la dagaallameen waana ku guulaysteen iyada oo Afrika inteeda kale aysan hurdada ka kicin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Dhallinyarada maanta iyana waxa ay kala simanyihiin in ay la dagaalayaan Jahli, faqri, gaajo, argagaxiso, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kuwa doonaya in ay dalkeenna u dummiyaan dano gaar ah” ayuu munaasabadda ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Shaqo abuurka dhallinyarada ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in ay qayb ka qaadanayso horumarinta dhaqaalaha iyo amniga maadaama dhallinyaradu yihiin xoogga, maskaxdda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamayo aduunyada inteeda kale.

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”

Muqdisho, Ogoosto 12, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo hor-u-socodka dalka, dawladdiisuna ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqayso, fursadna ay u siiso dhallinyarada in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib u curashada dawladnimadeenna, waxaan ugu baaqayaa in ay muruqooda iyo maskaxdooda si mutaddawacnimo ah ugu adeegaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan xog isweydaarsi ah kula yeeshay Madaxtooyada xubno ka tirsan ururrada Dhallinyarada ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dhallinyarada uga warbixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, amniga, dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dawladda, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin sugidda amniga qaranka, maadama ay yihiin tirada ugu badan shacabka Soomaaliyeed, kartida iyo howlkarnimana ay u leeyihiin difaaca dalkooda iyo dadkooda.

“Dhallinyaro, waxa la idinka rabaa in aad dawladda gacan ku siisaan dadaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ee sida joogtada ah u gumaada haldoorka dhallinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu joogteyn doono kulamada dhallinyarada si ay u kala helaan xog rasmi ah, una kala qaataan talooyinka wax ku oolka ah.

Muhiimad intee la eg ayey leedahay in dekedda Muqdisho ay shaqayso xilli habeen ah

0

Muqdisho Axad August 12 (ANTV):-Wadanka Soomaaliya oo Alle ku manaystay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, wuxuu leeyahay Dekado dhowr ah oo isugu jira kuwa rasmi ah iyo kuwa Dabiici ah ah:-

Dekedaha Rasmiga:- 1- Muqdisho,  2- Berbera,3- Kismaayo,4- Boosaaso.

Dekedaha Dabiiciga:- 1- Baraawe, 2- Marka, 3- Ceel Macaan, 4- Cadale, 5- Mareeg, 6- Gaan, 7- Hobyo, 8- Garacad iyo 9- Saylac

Dekeddda Caalamiga Muqdisho (Port of Mogadishu) Waa mid ka mid ah Dekedaha Rasmiga ah ee dalka Soomaaliya leeyahay, waxaana jirtay xilli ay ahayd tan ugu weyn isla markaana ugu mashquulka badan  Geeska Afika.

Marsada Muqdisho waxay leedahay taariikh aad u fog, taasi oo taariikhyahanadu ku sheegaan in dekedani jirtey wakhtigii  Boqortooyadii Roomaanka, waxayna muddo dheer  ahayd il dhaqaale oo lagama maarmaan u aha Nolosha bulshada Soomaaliyeed  ku noolayd Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dekedda wayn ee Muqdisho oo horay u shaqayn jirtay maalintii kaliaya, ayaa hadda waxay shaqayn doontaa habeen iyo maalin, kadib cabasho ka timid ganacsatada Somaaliyeed, si waqti badan loogu helo fududaynta  adeegyada ballaaran ee dekaddu u hayso bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay  tallaabada cusub oo Dekedda Muqdisho habeenkii ku shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay si isku mid ah dekadu u shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kala duwan.

“Farxad iyo guul bay inoo tahay in aan daah furno in Dekedda shaqeyso habeen iyo maalin ,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda,raiius Wasaaraha,iyo Madaxweynaha JFS waxaan ku dhawaaqayaa in Dekedda Muqdisho ay diyaar u tahay in xiliyada habeenkii ah ay shaqeyso,Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeysa waxay ka dhigan tahay horumar deg deg ah oo dhaqaalaha dalkeenu ku talaabsaday,taasina waxay noo sahleysaa in aan isku filnaano”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka wuxuu intaasi raaciyay in aad loo adkeeyay amniga Dekedda, lana diyaariyay dhammaan agabyadii gacanta ka gaysan lahaa Xaqiijinta nabadgalyada, maadaama ay tahay il dhaqaale oo lagama maarmaan u ah nolosha umadda Soomaaliyeed.

Wasiiradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac ayaa tiri ” Waa guul wayn oo shacbiga Soomaaliyeed u soo hoyatay in Dekedda Muqdisho ay habeen iyo maalinba shaqayso, waxaanan rajaynayna in dhammaan dekedaha Soomaaliyeed sidaasi si la mid ah u howlgalaan.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada Dakedda xiliyada habeenkii ay kaalin ka qaadanayso horumarka dhaqaale ee Dalka.

“Caawa waxaa noo suuro gashay in aan daahfurno in Dakadda Muqdisho ay shaqeyso 24saac, Ganacsataduna ay Badeecadohooda kala soo bixikaraan kana dhoofsan karaan Habeen iyo Maalinba”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay ahmiyadda arrintan ay leedahay iyo dadaalkii lagu bixiyay sidii lagu gaari lahaa,isagoo guul ku tilmamay,Wuxuuna bogaadiyay in fursado la siiyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Tallaabadan lagu horumarinayo Adeegga Dekedda Muqdisho u hayso Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ah mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa oo ay ku tallaabsatay Xukuumadda Soomaaliya, sida dib u soo celinta Maamulka Hawada Soomaaliya iyo  Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde oo asna habeen iyo maalin Shaqeeya.

Ciidanka xoogga Dalka iyo AMISOM oo kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Muqdisho Axad August 12 (SNTV):-Ciidamada wada jirka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa dar-dar geliyay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ay Todobaadkan ka wadeen degaanno ka tirsan Shabeellada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka midowga Afrika ayaa Maanta oo Axad ah Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegtay in howl-gallada ay soo billoowdeen Khamiistii inna dhaaftay, haatanna ay marayaan meel wanaagsan.

Col; Xuseen Xoosh, oo ah taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howl-gallada Milatari ee wadajirka ah ay ujeedadoodu tahay in lagu baabi’iyo fariisimaha ay kooxda xiriirka la leh  Al-Qaacidda ku leedahay degaannada muhiimka ah ee Gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Hawl-galku waxa uu  fariin xooggan u yahay Kooxda argagixisada ah, si ay isu soo dhiibaan oo ay ugu baxaan falalka gurracan ee ka dhanka ah Shacabka iyo Dowladda sharciga ku dhisan ee Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Xoosh.

Ciidamada wada jira ayaa Maalmahan Laba jibbaaray howl-gallada ka dhanka ah arxan laawayaasha Al-Shabaab, iyagoo ka saaray degaanno badan oo hoos taga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada hoose, waxanay sidoo kale ku dileen horjoogayaal ka tirsanaa nabad diidka.

Ciidanka Amniga oo Suuq Bacaad ku toogtay Dhagar qabe katirsan Argagaxisada Al-shabaab

0

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta khaarajiyey dhagar qabe katirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo qof Muwaadin ah ku dilay Suuq Bacaad.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen dhagar qabahaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, isla goobtii uu dilka ka geystayna ciidamada ay ku toogteen.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u khaarajiyey Maleeshiyaad badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood isku dayayey iney dhibaato ugeystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay lagu furay Kaaraan

0

Muqdisho (SNTV)- Daahfurka Barnaamijka Dhalinyarada iyo Habeenka Muqdisho oo xalay ka hirgalay Degmada Kaaran.

Masuuliyiin ay kamid tahay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho, Maamulka degmada Kaaraan iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay barnaaamijka iyadoo daawasadiisuna ay goob joog u ahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir.

Barnaamijkan ayay dhalinyarada Muqdisho ku soo bandhigi doonaan  Hibada Allh siiyay, waxaana sidoo kale barnaamijkan lagu wareejin doonaa qeybaha kale ee degmooyinka gobalka Benaadir.

Dhawaan ayay aheyd markii gobalka Banaadir uu qabtay tartanka Feerka sodon-sano kaddib kaasi oo isna ka dhacay degmada Xamar-jajab ee gobalka Benaadir.

Xukuumadda Soomaaliya oo wax ka badaleysa habka dhoofinta Xoolaha

0

Muqdisho(SNTV) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha dalka,isagoo xusay in ka ganacsiga Xoolaha Nool ay yihiin lafdhabarka dhaqaalaha ee dalka,xili uu ka qeybgalay xil wareejinta wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay,isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseen in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday.

“Waqtiga waa uu ordayaa sanad iyo 4 bilood waxaa inoo qabsoomay waxbaday,hadii ay ahaan lahayd arrimihii Dastuurka,horumarka dhaqaalah sida ka ganacsiga Xoolaha,iyo sida wasaraadda Xanaanada Xoolaha ay horumar u sameysay maadaama ay tahay lafdhabarka dhaqaalaha Dalka,sidii aan uga fekeri lahayn in aan horumarino xoolaha nool oo habkii dhoofintuna waxbadan aan ka bedelno,lana helo Xoolo caafimaad qaba,taasi ayaa waxtar weyn inoo leh”. Ayuu yiri Raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka.

Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa  Xukuumadda SoomaaliyaMudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo lagu qabtay Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan  Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.

Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa balanqaaday in uu dardargelindoono howlaha horyaala wasaaradda.

“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.