Home Blog Page 115

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo fulinta Qorshaha Cusub ee Isbeddelka Qaranka (NTP), waxaana uu Mudane Xamsa uga mahadceliyey Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyey shir looga hadlayay dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Agaasimeyaasha Hey’adda ee ka kala socday maamul goboleedyada dalka, ayaa wasiirka warbixin faahfaahsan ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee gobolada dalka, lana isku waafajin lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada adeegyada loo hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta hey’adda in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo isafgaradka ka dhaxeeya heerarka kala duwan ee maamulka, si bulshada loogu adeego si hufan, amnigana loo adkeeyo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqaynta & iskaashiga Bulshada Raydka iyo Dowladda isagoo sheegay in ay muhiiim tahay xoojinta Madasha Dowladda iyo Bulshada Raydka, wuxuuna yiri” Bulshada rayidka ahi waa qeyb aad muhiim u ah wadankaana iyo dib u dhiska dowladnimadeena, Waxaan rabnaa in aan wada Xoojinno madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka ah si aan u yeelanno xiriir joogto ah, laguna hago isfahamka, lagu xalliyo arimaha soo baxa, lana dhiso qorshe wadajir ah”.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay sida deeqaha gaabis ku yimid iyo sida muhiim u tahay in looga arrinsado arrinkaas, isagoo yiri” Dunida maanta waxay wajahaysaa hoos u dhac ballaaran oo ku yimid deeqaha caalamiga ah. Soomaaliya si gaar ah ayuu isbedelkaasi u saameeyay – mashruucyo muhiim ah ayaa hakad ku yimid, Waxaa jirta in deequhu sidii hore aysan ahayn, waxaynu u baahanaay in aynu isla aragno xaalku sida uu yahay in saameyntu inta ay la’egtahay”.

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Ururrada Bulshada Raydka ah sida joogtada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegeen iyadoo ay duruuf adag dalka ka jirto.

 

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

0

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi iyo Addis Abbaba, isla markaana ah wakiilada joogtada ah ee Hay’adaha UNEP iyo UN Habitat.

Kulankan wadatshiga ah ayaa waxa uu u dhaxeeyay wakiilada joogtada ah iyo hay’adda UN Habitat. Kulanka ayaa loogu gogol xaarayay kalfadhigii 2-aad ee UNHA oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Nairobi.

Ujeeddada kulanka ayaa waxaa ka mid ahayd in la is waafajiyo mudnaanta guud ee caalamiga ah, tan gobolka iyo tan dalalka iyo in la abuuro mawqif midaysan oo Afrikaan ah oo ku wajahan xal u helidda caqabadaha iyo fursadaha magaalooyinka Afrika heysta,

Malaayiinta ka mid ah dadka ku dhaqan caalamka ayaa waxaa heysata hoy ama deegaan la’aan ama meel ay ku noolaadaan.

Soomaaliya oo xubin firfircoon ka ah howl qabadka hay’adda ayaa ka hadashay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya saartay arrimaha deegaameynta, xal u helidda barakayaasha iyo dhismaha magaalooyinka.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka warbixiyay horumarka uu sameeyay dalka Soomaaliya ee dhanka dhismaha magaalooyinka, kobcinta daqliga Dowladda iyo Sare u qaadidda aqoonta hogaanka maamulada dowladaha hoose.

Barnaamijka degaanka iyo dejinta aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN-Habitat) waxaa uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u xilsaaran inay kor u qaaddo bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba magaalooyinka

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine iyo Rashia ay yeeshaan wadahadal toos ah oo aan ku xirneyn wax shuruud ah,isla markaana 15-ka bishaan ka dhaca Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiye.

Baaqaan oo soo baxay aroornimadii saaka oo Axad ah ayaa yimid saacado ka dib markii hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, Poland iyo Boqortooyada Ingiriiska ay soo jeediyeen xabbad joojin shuruud la’aan ah oo dhaqan-gasha muddo 30 maalmood ah.

“Waxaan soo jeedineynaa in Kyiv ay dib u bilaabaan wada xaajoodka tooska ah, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wada xaajoodka Khamiista ee Istanbul”,ayuu yiri madaxweynaha Raashiya.

Putin ayaa sheegay in uu la hadli doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,si loo fududeeyo wadahadallada ,isla markaana loo gaaro nabad waarta iyo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah” ee colaadda saddexda sano ah.

Hadalladaan ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah wadamada Yurub oo ku shiray caasimadda Kyiv ayaa ku baaqay in Mosco haddii aysan u hoggaansaamin 30 cisho oo xabad-joojin la saari doono cunaqabateyn cusub,taas oo la sheegay in uu ku gacanseyray Mr.putin.

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

0

Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, fududeynta ganacsiga, casriyeynta Kastamyada, mideynta habraacyada iyo hirgelinta heshiiska Kastamyada EAC.

Shirkan ayaa agaasimayaasha Kastamyada Afrika diiradda ku saareen horumarinta iskaashiga Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, fududeynta ganacsiga iyo hagaajinta habka maareynta gaadiidka xamuulka ah ee isku mara gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo ay wehliyaan khubarro ka tirsan Furdooyinka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dib-u-habaynta iyo casriyeynta Furdooyinka Dalka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo iskaashiga gobolka.

 

 

Safiirka JFS ee Masar oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho rasmi ah ku yimid Qaahira

0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Amb. Cali Cabdi Awaare ayaa Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo safar shaqo ku joogo Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ayaa si diiran usoo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, asigoona ugu warbixiyay xaalada ay ku shaqeyso Safaarada iyo baahiyaha jirta oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-dhiska iyo dayactirka hoolka shirarka ee Safaarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Danjiraha ka guddoomay warqadaha Qiimeynta Qarashka ku baxaya dib u dhiska hoolka shirarka ee Safaarada, asigoona balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doonno.

Danjire Awaare ayaa u mahad celiyay Guddoomiye Amiir, waxa uuna sheegay in Safaaradda aysan iloobi doonin taageerada Duqa Magaalada Muqdisho ee ku aadan dhismaha hoolka shirarka ee Safaaradda.

 

 

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo ay wehlinayeen u qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Guuleed Warsame, ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday xarunta dhexe ee shirkadda caalamiga ah ee Alibaba Group ee magaalada Hangzhou.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahayd dadaallada safaaradda ee lagu horumarinayo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta ganacsiga, adeegyada tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray kulanka, Danjire Hodan waxay maamulka Alibaba la wadaagtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan) – oo ah aragti qaran oo cusub oo ku dhisan horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha. Waxay hoosta ka xariiqday sida qorshahan loogu talagalay in uu xoojiyo isbeddel dijitaal ah, dhiirrigeliyo maalgashiga, iyo kor u qaadista kaabeyaasha ganacsiga iyo adeegyada casriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay saddex meelood oo muhiim ah:

1. FinTech – sidii looga faa’iideysan lahaa teknoolojiyadda si loo fududeeyo loona sugo hababka lacag-dirista ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha;

2. Logistics – doorka Soomaaliya ee istiraatiijiga ah si ay u noqoto xarun muhiim ah oo loogu adeego suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika;

3. Tababarka Dhallinyarada Soomaaliyeed – sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado lagu barayo xirfadaha Ganacsiga elektarooniga ah e-commerce si ay ugu helaan shaqooyin iyo fursado ganacsi oo casri ah.

Danjiraha ayaa u mahadcelisay maamulka sare ee Alibaba Group martigelintooda sharafta leh, soo dhaweynta diirran, iyo fahamka ay muujiyeen ee ku aaddan isbeddelka dhabta ah ee ka socda Soomaaliya. Waxayna ku dhiiri galisay Maamulka sare ee Ali-baaba in ay adeegyadaas horumarsan ee ganacsi gaarsiyaan Soomaaliya, si loo xoojiyo Wax isdhaafsiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wang Yu, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, korna loogu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed.

Kulanka oo la isku dhaafsaday ereyo soo dhowayn ah, ayaa intii lagu guda-jiray uu Safiirka ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dhowaan loo magacaabay. Wang Yu waxa uu carabaabay taageerrada Shiinaha iyo ifafaalaha uu ka qabo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka ka dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale u saldhigidda iskaashi xooggan oo dhinacyo badan leh.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

0

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha Guddig doorashooyinka qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, guddoomiyaha ayaa shacab weynihii madasha ka soo qayb galay uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay waydiiyeen ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

Ugu horayn guddoomiyaha ayaa ka jawaabay halka ay marayso diiwaangelinta gobolka Banaadir waxaanu yiri guddoomiyuhu”Diiwaan gelinta doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir meel fiican ayey maraysaa, dhawaana waxaan tagaynaa gobolada dalka.”

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdikariim ayaa madasha kaga dhawaaqay in ay bilaabi doonaan kala xadaynta degmooyinka isagoo ka jawaabayana wuxuu yiri “Markaan dhamayno doorashada waxaa ku xigi doonta in aan xaduudo u sameeno degmooyinka iyo maamulada kale ee dalka.”

Gobolka Banaadir ayey hadda si rasmi ah uga socotaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha taas oo Shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhoweeyeen in taladu gacantooda dib ugu soo noqoto dhowaana ay dooran doonaan masuliyiintii meteli lahaa