Home Blog Page 115

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

0

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha ugu horeysey oo kuwa xamuulka qaada ah, Kadib markii dhawaan la soo gabagabeeyey Dhismaha garoon diyaaradeed oo kiddo halkaas ka socday.

Duulimaadyada Diyaaradaha ayaa si aad ah baahi weyn ay uqa qabeen bulshada Degmada waana mid fududeyn Doonta Safarada Duulimaadyada Degmada Buur-hakaba.

Shacabka degmada ayaa si aad ah u soo dhoweeyay una bogaadiyay tallaabadan horumarka leh ee degmadu ay ku yeelatay garoon diyaaradeed oo basho weyn u qabeen Bulshada deegaanka.

Raโ€™iisul wasaare ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐šโ€ ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฑ๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐š ๐ฌ๐ข๐Ÿ๐จ ๐ฌ๐š๐ฅ๐๐ก๐ข๐  ๐ฎ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ญ๐š ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐šโ€

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta suโ€™aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hayโ€™adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Korneel Richard Grover.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo farsamo iyo hawlaha wada-shaqeynta maamul ee labada wasaaradood, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dhinacyada maamulka iyo taageerada tababarrada shaqaalaha.

Wasiir Fiqi oo kormeeraya furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

0

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku guda jira booqashadiisa furimaha hore ee dagaalka, ayaa maanta tegay deegaanka Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay hoggaanka ciidanka qaranka iyo bulshada ee ku sugan halkaas, isaga oo bogaadiyay geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada inta uu socday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mideysan yihiin taageerada iyo garab istaagga ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen cadawga, wuxuuna xusay in taageerada shacabka iyo dadaalka ciidamada ay horseedi doonaan in Soomaaliya ku guulaysato dagaalka Khawaarijta.

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali โ€“ Xoosh ayaa kaqeyb galay, khudbadna kajeediyey kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadin iyo dardaaran u jeediyay Xubnaha Golaha oo yeeshay kulanka 2-aad Kal-fadhigiisa 1-aad isaga oo kula dardaarmay in ay waajibkooda u gataan si waafaqsan Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha dhiman.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali ee hoos yimaada degmada Cadale.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay geesiyaasha qaranka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Sidoo kale, waxa ay halkaas ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka iyo istiraatiijiyadda lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee gobolka ku dhuumaaleysanaya.

Wafdigan oo muujinaya garab istaagga shacabka iyo ciidamada, ayaa ballan qaaday in dagaalka socda ee ka dhanka ah khwaarijta la sii xoojin doono tan iyo inta guud ahaan dalka laga xoreynayo argagixisada

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu burburiyay isbaarooyin ay dadka ku baadi jireen Khawaarijtu, iyo goobo kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beerre ayaa ah mid dhagarta Khawaarijta looga dulqaadayay shacabka ku dhaqan deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo soo celiyo nabadda, kalsoonida bulshada, iyo xasilloonida.

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan, H.E. MIYASHITA Tadayuki. Gudbinta waraaqahan waxay xaqiijinaysaa xilkeeda Danjirenimo ee Japan, iyadoo aan degganayn (Non-Resident).

Intii uu socday kulanku, Danjire Hodan ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid la taaban karo oo wax ku ool ah, iyadoo la dardargelin doono wada-shaqaynta dhinacyada muhiimka ah ee labada waddan ay wadaagaan.

Japan waxay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Soomaaliya sanadkii 1960, hase yeeshee Danjirihii ugu dambeeyay ee si rasmi ah u gudbiya waraaqaha aqoonsiga wuxuu ahaa H.E. Col. Hassan Abshir Farah sanadkii 1987.

Tallabadan maanta waa natiijo ka dhalatay aragtida iyo hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya in dib loo dhiso sumcadda dalka, loona muujiyo caalamka horumarka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo bulshada โ€” geeddi-socod ay ku jirto xasillooni, dib-u-dhis iyo horumar joogto ah, iyadoo Soomaaliya maanta dib ugu soo laabatay miiska caalamka oo diyaar u ah iskaashi Dhab ah oo ku qottoma wax wada-qabsi.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ee ๐–๐…๐

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka Hayโ€™adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee lagu yareynayo gaajada iyo nafaqo-darrada, loogana hortagi lahaa dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee la tacaalaysa macaluusha.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta barnaamijyada nafaqada ee bulshada, gaar ahaan kuwa hooyooyinka iyo carruurta, horumarinta xalal hal-abuur leh oo dhiirrigeliya isticmaalka cuntada maxalliga ah, iyo dhisidda nidaam sahay waara oo hubiya in cuntada nafaqada leh iyo daawooyinka muhiimka ah ay si joogto ah ugu gaaraan dadka ugu nugul, gaar ahaan meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka jiraan.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo ururinta kheyraadka si loo fuliyo ballanqaadyadii ka soo baxay shirkii Nutrition for Growth ee la qabtay bishii Febraayo 2025, iyadoo la dhisayo guddi wadajir ah oo mideeya ololaha iyo qorsheyaasha la xiriira. Waxaa intaa dheer in la kobciyo iskaashiga cusub oo ay ku lug leeyihiin ganacsatada dalka, qurbo-joogta iyo hayโ€™adaha samafalka gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo heyโ€™adda WFP ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la helo taageero joogto ah oo wax ku ool ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal caafimaad iyo nolol badbaado leh oo carruurta Soomaaliyeed ay helaan.

Madaxda Gobolka Minnesota oo Abaalmarinaya halyeeyada Soomaaliyeed

0

Hayโ€™adda(VOS) ee fadhigeedu uu yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, 15-kii sanno ee ugu dambeeyey ka shaqeyneysay horumarinta iyo gacansiinta bulshada ayaa dabayaaqada sannadkan 2025, waxay soo agaasintay barnaamijka loogu magacdaray dhiirigelin bulsho (SHA)- Somali Hero Awards.

Cali Gaashaan oo ah aas aasaha heyโ€™adda VOS ahna madaxweynaha Soomaali Hero Awars ayaa wakaaladda warka soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ay Soomaali hero astaanteedu tahay dhiirigelinta kuwa mudan.

Madashan maamuuska weyn leh waxaa isugu imaan doono dhammaan Soomaalida ku nool daafaha caalamka gaar ahaana kuwa kuhowlan wax qabadka bulshadooda, iyadoona lagu xusi doono halyeeyadii qarankeena usoo halgamay.

Abaalmarinta ayaa waxaa lagu bixin doonaa qaab Online ah, barta somaliheroawrds.com ayey bulshada ugu soo dhiiban doonaan codkooda si ay usiiyaan qofka u qalma, madax iyo marti sharaf qiima leh oo kasocda Hayโ€™adda ayaa kamid ah dadka kasoo qeyb geli doona barnaamijka maamuuska halyeeyada.

Barnaamijka maamuuska haleyeeyada Soomaalida ayaa noqon doona mid la qaban doono sanadkii mar iyadoo la dhiirigelin doono kuwa mudan ee guuleystay.