Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Danjire Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska dalkaasi H.E. Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Wasaaradood ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Qoyska, hormarinta Haweenka iyo daryeelka carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo hormarintxa Xuquuqul Insaanka XFS ayaa la wadaagtay dhigeeda hormarka ay ku talaabsatay dowladeenna Soomaaliya gaar ahaan Wasaarradda ay hogaamiso, iyadoo la wadaagtay hormarro badan oo lagaga dayan karo Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiiradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalka Qatar ayaa la wadaagtay Wasiiradda iyo wafdigeeda qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradeedu, hay’adaha hoos yimaada iyo sida ay ugu adeegaan bulshadooda iyadoo soo bandhigtay hormarro badan oo looga dayan karo.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in la abuuro iskaashi u dhaxeeya labada Wasaaraddood, taasoo la isku weeydaarsanayo arrimo badan oo ay kamid yihiin in la is weeydaarsado wixii khibrad iyo aqoon kororsi ah iyo sidoo kale in laga sii baaraan dago sidii loo sameyn lahaa heshiis isfagarad oo u dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska H.E. Khadija Al-makhzoumi ayaa uga mahad celisay soo dhaweynta diiran ee ay u sameeysay Wasiiraddu iyada iyo wafdigeeda, iyadoo sidoo Kalena bogaadisay in labada Wasaaradood ay yeeshaan iskaashi rasmi ah mustaqbalka dhaw, ka horna labada Wasaaradood ay kasii wada shaqeeyaan hawlaha mudnaanta gaarka ah leh oo ay wadaagaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...