Home Blog Page 116

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee tebinta Doorashooyinka

0

Aqoon isweydaarsigani oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeeb Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle, oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNTMIS oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista fahamka suxufiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doorashooyinka dalka waxaana ka qeyb galaya 20 wariyayaal oo ah oo ka kala socda qeybaha Warbaahinta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad Goboleedka HirShabelle.

Cabdiraxmaan Xuseen Waddani Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku hadlay afka suxufiyiinta ayaa bogaadiyay tababarka tabinta doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanku galayo doorashooyin.

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo kaalinta warbaahinta ee geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo tilmaamay in tababaro la mid ah horey loogu qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo furay tababarka, ayaa mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada ay bixiyeen UNTMIS ee suurta gelisay qabsoomidda aqoon isweydaarsigan waxaana uu ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay dhaqan galiyaan waxa ka faa’iidaan tababarkani

Aqoon isweydaarsigan ayaa qeyb ka ah barnaamij qaran oo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaadato tabinta doorashooyin hufan si waafaqsan anshaxa iyo mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

0

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah usoo saaray Liiska Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in kulankooda ugu horreeya in ay yeeshaan iyada oo Xildhibaannada iska dhex dooranaya qofka ugu da’da weyn si uu u shirguddoomiyo, kaddib waxaa la qaban-qaabaninayaa doorashada guddoonka sida qorshuhu yahay.

Hoos ka Akhriso magacyada Xildhibaannada Maamulka Waqooyi bari:

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyey 50 ka mid ah xaq u dirirka deegaanka (Macawiisleey), kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Qaar ka mid ah xubnaha Ciidamada Deegaanka ee maanta u safray magaalada Buuloburte ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle uga mahadceliyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyey, iyagoo dib ugu laabtay furimaha dagaalka, dibna ula midoobay qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaan ka 𝗦𝗮𝘅𝗶𝗶𝘅𝗮 𝗗𝗮𝗻𝗮𝗯𝗲𝘆𝘀𝗮𝗻 ee maamulka lacag bixinta Hay’adaha Dowladda, kadib munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dowladeed. Adeegsiga hannaankan cusub ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ka dhigaysa nidaamka maamulka maaliyadda mid casri ah, hufan, isla markaana ka madax-bannaan buug iyo waraaqo badan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hirgelinta saxiixa dhijitaalka ahi ay wax weyn ka tari doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, ayna dardar-gelin doonto adeegyada dowladda ee la xiriira bixinta dhaqaalaha.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ku soo kordhaysa maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la filayo in ay fududeyso habraacyada lacag-bixinta, isla markaana sare u qaaddo hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka dowladeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

0

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda, kuwaas oo taageerayay hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan la filayo in dalka laga qabto.

Isu soo baxa ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir iyo shacabka ka kala yimid 20-ka degmo ee caasimadda, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageerada ay u hayaan doorashada golayaasha deegaanka, si ay iyagu u soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Qaar ka mid ah shacabka ka qeyb galay dibadbaxa ayaa la hadlay warbaahinta.

Caaqil Nuur oo ka mid ahaa dhalinyarada Muqdisho ayaa yiri:  “Dadka caawa isugu yimid Taleex waxay muujinayaan shucuurtooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin doorashooyinka qof iyo codka ah.”

Maama Suldaano oo sidoo kale goobta joogtay ayaa tiri:   “Caawa Taleex waxaa joogay dad ka kala yimid 20-ka degmo ee Gobolka, qof iyo codkana shacabka caasimaddu waa u diyaar.”

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo goobta ka hadlay ayaa xusay in hal milyan oo shacab ah oo isdiiwaangeliyay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

“In hal milyan oo shacab ah ay is diiwaangeliyaan waa guul ummadda u soo hoyatay,” ayuu yiri Yabooh.

Dhawaan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada golayaasha deegaanka, taas oo noqon doonta markii ugu horraysay 56 sano kadib, ay shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay si toos ah ugu soo doortaan hoggaankooda

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku dhaamaaleysanayaan Khawaarijta, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

0

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah diyaarad aan duuliye laheyn oo kormeereysa xeebaha Badeed ka shaqayneysa, taasoo dib u soo nooleyneysa Tiknoolajiyada caalamka gaar ahaan saameynta garabka-gudaha ee Cold War–ka ama dagaalka qaboow ama dagaalka casriga ah ee Badda, waana diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha laheyn ee u gaar ah howlaha Badda, islamarkaana uu soo saaro dalka turkiye.

Diyaaraddaan Qaab sameyskeeda ayaa ah inay Baalka laalaabi karto, waxaana loogu talagalay howlgallada Badda iyo Xeebaha oo ay ku jiraan weerarrada, ilaalinta, iyo sahanka, iyadoo ku duuleysaa joog hoose 3 mitir (9.8 cagood) oo ka sarreysa Biyaha, waxayna hoos ugu dhici kartaa 30 sentimitir (1 cagood), si looga fogaado in uu ogaado Raadarka.

TALAY waxa ay ku duuli kartaa xawaare dhan 124 mph (200 km/h) saacadiiba, waxayna shaqeyn kartaa ama hawada ku jiri kartaa ilaa seddex saacadood, waxayna qaadi kartaa culeys dhan 66 rodol ama (30 kg) oo Hub ah.

Diyaaraddaan Drone ka ah waxay ku shaqeysaa Matoor koronto ah iyo nidaam xakameyn duulimaad oo caqli macmal ah (AI) ku saleysan, taasoo u ogolaaneysa inay fuliso howlgallo ay ka mid yihiin Roondo ama fiir fiirin, weerarro toos ah, ama weerarro saldhigyada Badda ah, xitaa waxay ka howlgali kartaa marka biyuhu kacsan yihiin.

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

0

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kulankan ayaa waxa soo Qaban qaabiyey Hoggaanka Xiriirka Bulshada ee ciidanka Booliiska oo ay Hoggaaminaysay Taliyaha Hoggaanka Gaashaanle Qaali Axmad Caddaan.

Kulanka ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Haya’addaha Amniga iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoo looga hadlay kulanka kor u qaadida Wacyiga Bulshada iyo kaalinta ay ka geysan karaan la dagaalanka Amni daradda,

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Dhiirigelintooda Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Wuxuu u Arkaa In ay muhiim u tahay Amniga iyo wax ka qabashadiisa “.

Waxa sidoo kale isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Dharkenlay mudane Cumar Meyre oo xusay in Degmadu tahay mid aad u degan xagga Amniga Shacabka iyo Ciidankuna iska kaashadaan wax ka qabashada Amniga isagoo u mahadceliyey dhamaan laamaha Amniga “dhamaan laamaha amniga waa u mahadcelinaynaa laakiin Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Kaalinta Koowaad ayuu Noogu jiraa “ayuu yiri guddoomiye Cumar.

Kulankan ayaa qabsoomidiisa waxa door weyn ka qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha iyo maamulka Qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyadoo kulan kani yahay mid soconaya oo lagu wada qaban doono dhamaan Degmooyinka gobolka Banaadir.