Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC

Date:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Hay’adda Danish Refugee Council (DRC), oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee DRC xafiiska Soomaaliya mudane Filip Lozinski. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo DRC, gaar ahaan dhinacyada Kormeerka iyo Qiimaynta (M&E) iyo hufnaanta barnaamijyada horumarineed.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa soo dhoweeyay madaxda DRC, isagoo ku adkeeyay muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah iyo isku xirnaanta barnaamijyada hay’adaha caalamiga ah ee la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee DRC, Mudane Filip Lozinski, ayaa soo bandhigay hawlaha hay’adda ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dib-u-dejin, taageerada barakacayaasha, iyo kor u qaadista nolosha bulshada danyarta ah.

Kulanka waxa uu sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isdhaafsiga xogta, qorsheynta wadajirka ah, iyo kormeerka mashruucyada si loo hubiyo in barnaamijyadu ay gaaraan natiijooyin waafaqsan himilooyinka dowladda.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay kooxda DRC booqashada iyo wada-shaqeynta, isagoo ballanqaaday in xiriirka labada dhinac la sii xoojin doono si loo gaaro horumar waara oo bulshooyinka Soomaaliyeed ka faa’iideysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...