Home Blog Page 114

Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dagay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, waa booqashadii ugu horreysay oo dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka garoonka diyaaradaha ee King Khaalid ee magaalada Riyaad.

Booqashada Trump ayaa qaadan doonta dhoor cisho, waxaa uu booqan doona marka uu ka tego Sacuudiga dalalka Qatar iyo Imaaraadka.

Booqashada Trump ayaa ku soo aaday iyadoo gobolka ay ka taagantahay xiisado xooggan oo ay ka mid tahay dagaalka gardarada leh ee Israel ka wado Qasa, duqaymaha Suuriya iyo weerarada xuutiyiinta gacanta cadan iyo badda cas.

Madaxweyne Trump ayaa ka hor inta uusan ka soo bixin Washinton waxa booqashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah mar uu Isniintii khudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Ugaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Ugaaska, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Howlwadeennada waa as gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa abaarihii 6:32 maqribnimo ku baxay dab ka kacay Suuqa Balaaraha, qeybta Daawada ee Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa ka kacay guri ka kooban lix-qol oo ganacsi ah, kaas oo lagu iibiyo Daawooyinka Kala duwan.

Waaxda Dab-damiska ayaa ku guuleysatay in ay dabkaas ku xakemeeyaan halkii uu ka bilowday, waxayna badbaadiyeen 4-guri oo kale, kuwaas oo ay ku yaalaan 21-qol oo ganacsi ah laguna iibiyo daawooyinka isbeer-baaristiska ah iyo qalabka Elektaroonikada.

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay 38-shaqaale oo ka tirsan naft-hurayaasha waaxda gurmadka deg degga ah,Maamulka degmada Howlwadaag iyo Agaasimeyaal.

 

 

Muxuu Danjire Ilyaas Cali Xasan kala hadlay Danjire Stephen Mbundi?

0

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururla Bulshadda Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire Stephen Mbundi.

Labada mas’uul ayaa wadahadalkooda diiradda ku saarey dardargelinta iyo xiriirka labada dowladood gaar ahaan dhaqan-gelinta is-afgaradyadii labo geesoodka ah er dhowaan kala saxiixdeen labada dal.

“Waxaan kaloo isla gorfeynaya ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Tanzania. Waxaan ku bogaadinayaa Danjire Stephen mudnaanta uu u muujiyay qodobkan iyo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ay ku hirgelin doonto sida ugu dhow,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas sii raaciyay: “Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dalxiiska, iyo aqoon isweydaarsiga ayaan sidoo kale isla soo qaadnay iyadda oo lagu salaynayo mabaadi’da Bulshadda Bariga Afrika”.

 

Wasaaradaha Beeraha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis is-afgarad muhiim ah

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Heshiiskan ayaa xooga saaraya iskaashi balaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeenta, horumarinta cilmi-baarista iyo wada shaqeynta ganacsatada beeraha ee labada dal.

Is afgaradkaan wuxuu qayb ka yahay dadaalada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ee lagu hormarinayo wax soosaarka dalka, iyadoo la adeegsanaayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah. Azerbaijan oo ah dal ku hormaray tiknoolojiyadda beeraha ayaa laga filayaa inuu noqdo lamaane muhiim ah oo beeraleyda Soomaaliyeed wax badan ka faa’iidayaan.

Ugu danbeyntii Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.

 

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga lixaad kulankiisa 11-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa ay mudanayaasha Golaha Shacabka akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD, waxaana warbixinta heshiiskan Xildhibaanadda u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Balcad.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda su’aalo ka weydiiyay qodobada heshiiskan iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya muhiimadda ay u leedahay, waxaana su’aalaha Xildhibaanadda ka jawaabayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka in heshiiskan akhrintiisa labaad soo diyaariyaan oo ay Golaha dib ugu soo celiyaan si looga doodo.

 

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa maalgelin ku saabsan horumarinta ilaha wax soo saarka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala ah Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga Dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

 

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

0

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka barakeysan, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeynaya, kuwaas oo wajiyadooda laga dheehan karo farxadda ay u qabaan gaarista dhulka Barakeysan.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaaraya ilaa 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka baxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waawayn ee dalka sida Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso, taas oo qaadistooda ay socon doonto illaa 31-ka bishan May.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan 1446.

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

0

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay xafladda Abaalmarinta Habeenka Soomaalida ee 5aad oo ka dhacday magaalada Nairobi, isagoo oo wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Nairobi, Mudane Njoroge Muchiri.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey hal-abuurka, kartida, iyo doorka muuqda ee ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dhinacyada ganacsiga, cilmiga, hoggaaminta, farshaxanka iyo isbedel-doonka.

Safiir Jabril ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii abaalmarinta helay, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay guushan u adeegsadaan horumarinta naftooda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin iftiin hagaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Khawaarijta ka fuliyey tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka, kuwaas oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay, gobolka Baay.

Howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo muhiim ah oo Khawaarijtu ay ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo u adeegayey abaabulka falalka amni-darrada ah. Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad G/le Awul Ibraahim Cabdullaahi ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay ahayd xaqiijinta amniga, ciribtirka Khawaarijta, iyo xoojinta haykalka dowladnimo ee deegaanka.

Taliyayaashu waxay xuseen in shacabka deegaanka ay si wanaagsan u garab taagan yihiin ciidanka, taas oo sahashay in howlgalka lagu fuliyo si hufan.