Home Blog Page 114

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim (Soomaali), ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo sirta, badbaadada iyo amniga nidaamyada dhijitaalka ah, isla markaana lagu xoojinayo difaaca danta guud iyo dhaqaalaha qaranka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa xoogga saaraya:

Ka hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarada iyo aaladaha kale ee casriga ah.

– Ilaalinta sirta, amniga, iyo akhlaaqda guud ee bulshada.

– Difaaca dhaqaalaha qaranka iyo kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

– Dejinta xeerar iyo ciqaabo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya yeelato isgaarsiin ammaan ah, casri ah, sharciyeysan, isla markaana la jaanqaada horumarka tiknoolojiyadda caalamka, taasoo laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha iyo ilaalinta amniga dhijitaalka ah.

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

0

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeyb-galaya Shirweynaha 9-aad ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) oo ka socda magaalada Yokohama, Japan.

Wasiirka waxaa wehlinaya Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Marwo Hodan Cismaan, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullaahi Cali.

Intii lagu jiray furitaanka shirka, Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay:

1′ Guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, oo ay ka mid tahay dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka barnaamijka cafinta deynta.

2′ Kalsoonida ay muujiyeen maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ay taageerayaan jihada dhaqaale iyo xasilloonida ganacsiga.

Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Hiigsiga 2060 (Centennial Vision), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado waara.

Wasiir Beenebeene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan Japan, in ay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee Soomaaliya sida:

– Kalluumeysiga badda hodanka ah,

– Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef,

– Fursadaha tamarta qoraxda iyo maalgashiga ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal leh fursado badan, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan-wadaag iyo horumar waara,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene).

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, sirta, bed-qabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka, shabakadaha iyo barnaamijyada, ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka argagixisada looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka Agoosto 2025.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo ka hortagga dhibaatooyinka deegaanka.

Waxaa ka qaybgalaya dhallinyaro ka kala timid gobollada dalka, masuuliyiin dowladeed iyo daneeyayaal caalami ah. Shirkan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka dhalinyarada si ay door firfircoon uga qaataan dadaallada deegaanka lagu ilaalinayo.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug.

Xafladdan waxaa soo qabanqaabiyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku martiqaaday wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddadii uu halkaasi ku sugnaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed, isagoo sidoo kale xusay in Galmudug ay mareyso meel wanaagsan oo tusaale u noqon karta Dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Munaasabadda casho-sharafta ah waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka tirsan labada Aqal ee Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarigga ka jaray xarummo muhiim ah oo laga hirgeliyey caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug, oo si casri ah loo dhisay, isaga oo khudbad bogaadin ah ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

“Maanta Galmudug waxa ay maraysaa meel wanaagsan oo ay tusaale ugu noqon karto Dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Farxad bay ii tahay in aan goob joog u noqdo qorsheynta iyo fulinta mashaariicdan, kuwaas oo wax badan ka beddeli doona horumarinta iyo adkaynta maamulka Dowlad-goboleedka Galmudug”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dowladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb oo loo qaabeeyey hannaan casri ah, taas oo bixin doonta adeegyada aas-aasiga ah, waxa uuna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku ammaanay dowladda iyo shacabka Galmudug sida ay u hirgeliyeen mashaariicda loo qorsheeyey.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Shaybaarka Tayada Dhismaha ee Jidadka, kaas oo lagu hubin doono tayada dhismayaasha iyo waddooyinka la hirgelinayo, si loo xaqiijiyo in ay waafaqaan heerarka la aqoonsan yahay.

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

0

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo tartanka sannadlaha ah ee Lady Justice Joyce Aluoch International Intervarsity ADR Moot, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda United States International University,Africa (USIU,Africa), oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalaya arday ka kala socda jaamacadaha ugu waaweyn qaaradda Afrika, iyadoo sanadkan diiradda lagu saarayo xalinta khilaafaadka ganacsiga furan iyo murannada xuduudeed ee dalalka Afrika.

Danjire Jibriil oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka tartanka, ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay ganacsiga xorta ah ee Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in xal waara loo helo caqabadaha hortaagan horumarka ganacsiga qaaradda.

Xafladda furitaanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Professor P.L.O. Lumumba, Lady Justice Joyce Aluoch, iyo madax kale oo caan ah.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

0

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Qeybta Booliska Hirshabelle Jeneraal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Muuse

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Hirshabelle ku garab istaagayso ciidamada deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee ku sugan degmada Cadalle iyo nawaaxigeeda oo safarkan lagu dhiirrigelinayay, ayaa door muuqda ku leh dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka.

Masuuliyiinta ayaa ciidamada ku boorriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in maamulka Hirshabelle iyo dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan yihiin howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa horey Maxkamaddu ugu ridday xukun dil toogasho ah.

Xubnahan la toogtay ayaa kala ah:

Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo loo yaqaanay Cali iyo Siyaaf.

Cabdqaadir Abuukar Axmed, oo magacyada Afgarashada lagu yaqaanay Nasru-diin iyo Saabir

Labada xubin ayaa lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunkooda ku saleysay caddeymo buuxa oo laga helay falalkii amni-darro ee ay horey u geysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la yeelan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.