Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Daah-furay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2020-2024

Date:

Muqdisho (SNTV)—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu daah furayay qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024 kaas oo gundhig u noqonaya horumarka la doonayo in dalku gaaro muddda shan sano gudahood ah.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in la diyaariyay hannaanka iyo qaab dhismeedka qorshaha horumarinta qaranka ee 2020-2024, lana billaabayo la tashiyo lagala samaynayo mawaadiniinta Soomaaliyeed meel waliba oo ay dunida uga suganyihiin si qorshaha loogu saleeyo rabitaankooda.

Bulshada ayaa ka talo bixinaysa sida uu qorshuhu u ekaanayo, ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta dalka iyo muuqalka ay rabaan in dalku u ekaado si dawladda iyo hay’adaha kale ay ugu shaqeeyaan qorshaha laga sameeyo natiijada kasoo baxda xog iyo talo aruurinta bulshada Soomaaliyeed.

Qorshaha horumarinta qaranka ee maanta la daah furay oo noqonaya kii sagaalaad laga soo billaabo 1960-kii iyo sidoo kale qorshihii 2-aad tan iyo bur-burkii, ayaa bedelaya qorsha hadda jira ee 2017-2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...