Haweeneey u dhalatay Dalka Yemen oo loo diiday inay booqato Wiilkeeda oo ku xanuunsanaya Mareykanka

Date:

Ehellada Haweeyey Yemaniyad ah oo uu Wiiilkeeda ku xanuusanayo Isbitaal ku yaal Gobolka Kaliforniya ee Dalka Maryeykanka ayaa la sheegay in Dowlada Mareykanka ay u diidday Fiisaha Dal ku galka, si ay u booqato Wiilkeeda .

Qoyska Haweynadan ayaa caddeeyay in tallaabadaasi ay la xiriirto go’aan ka mamnuucaya Fiisaha Dalka ku galka Maraykanka oo uu hore Madaxweyne Donald Trump u saaray muwaadiniinta qaar ka mid ah Dalalka Carbeed , oo ay  Yemanna ka mid tahay.

Cabdalla Xasan oo Laba Sana ah, ayay Dhaqaatiirta la tacaalaysa ka deyrinayaan xaaladdiisa Caafimaad, iyagoo sheegay in ay adag tahay inuu ka badbaado xanuunka haya oo ah xagga Maskaxda.

Qoyska Cabdalla Xasan, ayaa sheegay in Hooyada dhashay ay rajeyneyso in mar uun ay nolol ku aragto Wiilkeeda, ka hor inta Dhaqaatiirtu aysan ka siibin qalabka neefsashada oo iminka  suran , waxayna intaa raaciyeen in tallaabada Haweeneydani loogu diiday Fiisaha ay la xiriirto go’aan hore uu Madaxweyne Trumo,  Dalkiisa kaga mamnuucay inay galaan muwaaddiniinta ka soo jeedda qaar ka mid ah Waddamada Carbeed ee Bariga dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...