8 Qof oo ku dhimatay qarax Miino oo ka dhacay Dalka Itoobiya

Date:

Addis ababa-(SNTV)-Ugu yaraan Siddeed Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Degmada , Mao-Komo, oo ka tirsan Gobolka, Benishangul Gumuz, ee Dalka Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Gaarigan oo ahaa Bas yar, isla markaana ay saarnaayeen 11 Qof oo rakaab ah,  ayaa dul maray Miino nooca Dhulka lagu aaso ah, meel ku dhow xadka kala qaybiya Gobollada , Benishangul Gumuz iyo Oromiya, sida uu Saxaafadda u sheegay, Kamaal Idriis, oo ah madaxa ammaanka iyo siyaasadda ee Degmada , Mao-Komo.

Boliiska Itoobiya ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan sidii ay ku heli lahaayeen Cidda halkaasi gelisay Miinadan, mana jirto Koox sheegatay falkan.

Dhulka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha Caalamka ugu Miinada badan, iyadoo horay loo diiwaan geliyay caddadka Miino ee ku jira halkaasi inuu gaarayo, 250,000.

Isha/ Anadolu

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....