Baydhaba oo laga xusay Maalinta Booliska Soomaaliya

Date:

Baydhaba-(SNTV)-Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Dec 2018-ka, laga xusay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koofur galbeed, 75-guuradii kasoo wareegatay markii la asaasay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabaddii xuskan, ayaa waxaa ka qayb galay, Guddoomiyaha Baarlamanka Koofur galbeed ee Soomaaliya, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiirka amniga ee KG, Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) , taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, Guddoomiyeyaasha Gobolka, kan Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha qaybta Boliiska Gobolka Baay, Mahad C/raxmaan Aaden, ayaa sheegay inay Ciidanka Boliiska iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedba ahmiyad aad u weyn u leedahay xuska Maalinta 20 Dec, taasoo ah markii la unkay Boliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Koofur galbeed, ayaa hambalyo diirran u diray , taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada , debleyda iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Shacabka ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan, isagoo Boliis la’aan ku tilmaamay meel ayan nabad jirin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...