Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska oo berri u dabaal degaya Sanad-guurada aas aaskooda.

Date:

Muqdisho (SNTV):-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December

S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale