Home Blog Page 1138

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Tababar usoo xirtay qaar kamid ah Haweenka Barakacayaasha ah

0

Muqdisho (SNTV) Tababarkaan oo ay ka faaiideysteen 25-hablood oo laga soo kala xulay Xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho ayaa socday muddo 3 isbuuc ah, waxaana lagu baray xirfado dhinaca gacanta ah oo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo soo qaban qaabisay tababarka ay ugu talo gashay in shaqo abuur ay u noqoto hablahaasi, iyadoo isla maantaba Wasaaraddu ay ku  wareejiyey shahaadooyin iyo qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen.

Qaar kamid ah Hablaha ka faaiideystay Tababarka ayaa sheegay in xirfadda ay barteen ay noloshooda ku maareyn doonaan, iyagoo u mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo fursadan siisay.

Ibraahim Xuseen Cali lataliyaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa la dardaarmay Hablaha tababarka loo soo xiray, isagoo xusay in looga baahanyahay in xirfadooda ay hormarin ku sameeyaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Isxaaq Xaashi ayaa sheegay in ujeedka Tababarkan uu ahaa sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa Hablaha Barakacayaasha ah oo u baahan garab istaag.

Hablaha tababarka ka faaiideystay ayaa kamid ah qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha Baralacayaasha ee Muqdisho, kuwaas oo ay heysato xaalad dhanka Nolosha ah.

Norway oo 54.3 milyan oo doolar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya.

0

Oslo (SNTV) Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto  xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya la soo dersa.

Wasiiru dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsanNikolai Astrup ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaag-sanaanaya.

Maamulka dekedda Muqdisho oo sheegay in ay howlbilaabayso shirkadda MAERSK LINE

0

Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.

Qoraalka ka soo baxay maamulka Dekedda Muqdisho oo laguna wargelinayaya ganacsatada Soomaaliyeedd ayaa ayaa u qornaa sida tan.

Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan.

Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyo sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Line iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan.

Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdisho muddo dheer ka dib-  Burburkii heyádaha dowladda  ayaa waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.

Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo saarka Dalka, kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida si fudud. Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u wajahan dib-u-dhiska dalka.

MAAMULKA DEKEDDA MUQDISHO

WARSAXAAFADEED-DEKEDDA

 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda J/Hoose iyo Gedo

0

Kismaayo (SNTV) Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan gobolada Jubada hoose iyo Gedo ayaa wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo si gaar ah ugu wajahan gobolka Jubada dhexe.

Taliyaha qaybta 43-aad ee Xoogga Dalka Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Taliska Xoogga Dalka ay ka go’antahay sida ugu dhaqsiyaha badan inay maleeshiyada Al-shabaab ka saaraan gobolka Jubada dhexe oo kooxdu ay sanado dhibaato ku haystay.

Dhinaca kale duqaymo lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay gobolka Jubada dhexe, kaas oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Kooxda oo kuwa Ajnabi ah ay ku jiraan.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo kawado Gobolada Dalka kaas oo laga gaaray guulo badan, waxaana laga dareemayaa deegaanada Kooxda argagixisada ku harsanyhiin kala carar iyo dagaallo dhexdooda ah, kadib shaki soo dhaxgalay iyagoo cabsi ka qabo Gulufka Xoogga Dalka ee ka dhanka ah Kooxda.

Antonio Guterres oo aqbalay go’aankii Dowladda Federaalka, Wakiil cusubna u soo magacaabaya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in xoghayaha Guud uu aqlabalay Go’aanka Dowladda Federaalka ay ka qaadatay Wakiilkii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom,kaasoo ahaa inaan dalka laga rabin kana sii shaqeyn Karin (persona non grata).

Wuxuuna Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres sheegay inuu soo magacaabayo Wakiil cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha Guud wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay Mr. Haysom,islamarkaana uu ahaa shaqsi khibrad leh oo la ixtiraamo lehna door hoggaamineed oo muhiim ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee (Persona Non Grata) aanay qaban xubnaha Qaramada Midoobey, loona isticmaali karin shaqaalaha UN-ka, sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna ee 1961, balse arrintaas ay tahay mid loo adeegsado wadamada, sidoo kalena aanay Qaramada Midoobey aheyn dal.

Waxaa uu xusay in dadka mas’uuliyiinta ee Qaramada Midoobey aanay u baahneyn aqoonsi, kuna hoos shaqeeyaan oo kaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed kaalmaha hore kaga jiraan dalalka baahiyaha weyn u qaba taageerida Qaramada Midoobay,waxayna Qaramada Midoobay shaacisay iney sida ugu haboon u gudaneyso fulinta taageeradeeda Soomaaliya.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u soo xirtay 280 Macalin

Muqdisho (SNTV) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xarunta jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nambar afar tababar ugu soo xiray macalimiin wax ka dhiga iskuullada dowladda ee gobolka Banaadir.

Tababarkan ayaa  socday muddo 15 maalmood ah  iyadoo tababarkan kor loogu qaadayay aqoonta macalimiinta wax ka dhiga iskuullada dowladda, sidoo kale waxaa tababarkan lagu baranayay cashir ku saabsan qaabka loo dhigayo manhajka cusub ee dhawaan ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

In ka badan 280 macalin oo kala socota gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa ka qeyb galay tababarkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in macalinka uu muhiim u yahay dalka, sidaas darteed ahmiyad gaar ah la siinayo sidii kor loogu qaadi laha aqoontiisa.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macaliminta Soomaaliyeed si loo soo saaro dhalin aqoon leh oo dalka anfacda.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta Soomaaliyeed, si loo helo dhalin dadka anfacda.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed lagu dhammaynayo Colaaddii Kaxandhaale

0

Caabuud-waaq (SNTV):-Magaalada Caabuud-waaq ee gobaka Gal-guduud waxaa maaanta gaaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo ay wehliyaan odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay waxgaradka Caabuud-waaq oo uga hor tegay magaalada bannaankeeda.

Soo dhawaaynta wafdiga kadib, odayaasha ka kala socda Caaabuud-waaq, Galinsoor, Cadaado iyo wafdiga Nabadeed ee wasiir Sabriye ayaa tegay duleedka Caabuud-waaq oo la dhigay gogosha nabadda ee lagu dhammaynayo colaaddii Kaxandhaale.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo furay kulanka ayaa odayaasha dhaqanka ee gogosha jooga waxa uu ka codsaday in ay la yimaadaan aragti fog, tanasul iyo xushmad dheeraad ah si loo dhayo boogihii colaadda dibna looga heshiiyo wixii dhacay, looguna diyaar garoobo in laga fogaado dagaallada soo noqnoqda ee dadka iyo deegaanka dhibaatada badan ku haya.

Odayaasha dhinacyada dirirtu ka dhexeysay oo soo dhaweeyay gogosha nabadda ayaa rajeeyay in dadaallada nabadda ee ay hormuudka ka tahay dawladda Federaalka Soomaaliya ee wakiilka ay uga yihiin wafdiga wasiir Sabriye hoggaaminayo ay mira dhali doonaan, lagana gudbi doono colaadaha soo laalaabta ee mar waliba ay ku daataan dhiigga dadka walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha XFS oo shalay ka hadlay marti qaad ay u sameeyeen odayaasha Cadaado ayaa ballan qaaday in wafdiga uu hoggaaminayo ay ku laalaaban doonaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Eng. Sabriye waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, xildhibaan Abdikarin Khaliif iyo taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay danjirayaasha wadamada IGAD ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda. Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Hab maamuuska, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Afrika Mudane Cabdiladhiif Maxamuud Cali.

Howl-gal lagu laayay Malleeshiyaad Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Aw-dheegle

Muqdisho-(SNTV)- Howl-gal ay Xalay ka fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu laayay xubno ka mid ahaa argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay Malleeshiyo ka tirsan nabad-diidka.

Madaxmed Ibraahim Barre, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleda hoose ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu Ciidanku ay bur-buriyeen goobihii ay Al-Shabaab kasoo maleegi jireen weerarrada iyo qaraxyada oo ku yaalla isla Degmada Aw-dheegle.

“Tirada guud hadda ma hayno, laakiin Xalay markuu howl-galku dhacay illaa Afar meyd ah ayaa meesha yaallay, laakiinse tira ka badan ayaa jirta oo qaar xitaa lagu soo qabtay ayaa jira, dhaawacooda way la baxeen oo duurka ayay la galeen, ayuu yiri Guddoomiyhu.

Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa intaa ku daray in ay dib kasoo sheegi doonaan tirade dhabta ah ee ay Ciidanku dileen iyo xubnaha ay soo qabteen, howl-galkana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loogu tala galay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay wafdi Finland ah

0

Muqdisho (SNTV): – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale.