Home Blog Page 1138

Turkiga oo Cambaareyey Weerarkii Argagixisada ahaa ee Xarunta Degmada Hodan

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii kooxda xagjirka ee Alshabaab ku qaadeen xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin, uuna yahay mid argagixiso oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo dad aan waxba galabsan ee xarunta Degmadaasi iyo nawaaxigeeda ku sugnaa.

Sidoo kale bayaankaasi ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falka noocan ah uu waxyeelaynayo sugnaashaha nabadgelyada ee Soomaaliya,waxayna Tacsi u dirtay Xukuumadda  iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ilaah ugu barisay dadkii shilkaasi ku dhaawacmay caafimaad ded deg ag.

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Degmada Hodan subaxdii sabtidii la soo dhaafay wuxuuna sababay geeri iyo dhaawacyo dad maato ah ,wuxuuna dhibaato gaarsiyay  Masaajidyo iyo Guryo dadweyne oo ka ag dhawaa goobtaasi.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo sheegay inay ka madax banaan yihiin arrimo siyaasadeed

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiskaasi uu ka madax banaan yahay laamaha kala duwan ee dawladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaran uu dardar geliyey sare u qaadida dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, islamarkaana muddo 30 sano kadib ay fuliyeen howlgallo lagu dagaalamayo lunsashada Hantida Qaranka

 

 

Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskii Falastiiniyiinta uu ku lahaa magaalada Washington, DC.

0

Muqdisho september 10 (SNTV):-Hadalkan waxaa Isniintii ku dhawaaqay, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa taasoo sheegtay xafiiska Falastiiniyiinta (PLO) in la xirayo.

“Waxaan u fasaxnay xafiiska PLO in ay qabtaan howlgalo taageeraya ujeedada ah in lagu gaaro nabad waarta oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin tan iyo markii la joojiyey bishii November 2017,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa hoggaanka PLOP ku eedeyey in uu ka soo horjeedo dedaaladda nabadda ee Washington ay waddo.

Si kastaba, Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay go’aanka maamulka Trump mid u oggolaan doonaIsrael in ay sii wado siyaasadeeda ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo dhulkooda.

Xoghayaha Guud ee PLO Saeb Erekat ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa Mid kalsooni siinaya Yuhuudda isla amrkaana lagu ciqaabayo dadka reer Falastiin.

Waxa uu sheegay in maamulka Trump uu horrey u joojiyey dhaqaalihii lagu bixinayey adeegyada  bani’aadamnimada oo ay ku jiraan caafimaadka iyo waxbarashada”.

Taliyaha nabad sugidda qaranka Trump, John Bolton, ayaa isniintii ku hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) iyada oo cunaqabteyntu socoto haddii baaritaan lagu sameeyo Maraykanka iyo Israel.

“Maraykanku wuxuu mar walba la jiri doonaa saaxiibkiisa iyo isbahaysigeena, Israel,” ayuu yiri Bolton oo hadal ka jeediyay Fiktooriya, oo ah koox dhexdhexaadin ah, Washington, DC.

Bolton ayaa sheegay in Maraykanku uu beegsan doono ICC-da  haddii baaritaan lagu sameeyo dambiyada dagaal Afgaanistaan.

Dumar xildhibaano ah oo loo diiday inay isqurxiyaan

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa dalka Tanzania, afhayeenka baarlamaanka dalka dalkaas Job Ndugai ayaa ku dhawaaqay in fadhiyada baarlamaanka laga mamnucay in ay dumarka la soo galaan iyagoo xiran ciddiyo been abuur ah iuo iyagoo indhaha ku soo xardhay wax yaabaha lagu qarxiyo.

Mr Nduga ayaa sheegay in arrintan loo sameeyay markii mamnuucay markii Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Faustine Ndugulile uu walaac ka muujiyey khatarta caafimaad ee ay lee yihiin ciddiyaha been abuurka ah iyo wax yaabaha indhaha lagu qurxiyo.

Xayiraaddan ayaa sidoo kale lagu soo dabbaalay martida baarlamaanka immaanaysa sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Tanzania.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu mamnuucay in ay xirtaan dhar gaaban iyo in ay surwaalada Jiinisyada ay baarlamaanka la yimaadaan.

Hadalkan ayuu sheegay Mr. Nduga kaddib wax yer markii wasiir ku xigeenka caafimaadka Dr Faustine Ndugulile uu sheegay dumarka ku jira xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka in cidiyaha been abuurka iyo wax yaabaha dumarka ay wajiga ku qurxiyaan ay dhibaato caafimaad ay lee yihiin sidoo kale qarash badan lagu iibiyo.

Waxa uu sheegay in sannad kasta isbitaalka MNH ay ee ku yaalla Caruusha uu qaabilo ugu yaraan 700 oo dumar ah kuwaasoo ka cabanaya markii ay xirteen cidiyaha been abuurka ah iyo wajiga oo midabeeyeen.

Sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Tanzania, sheeyadan la mamnuucay ma ahan wax yaabaha la oggolyahay ee dumarka isku qurxiyaan ee dalka ka soo baxa sida cuntooyinka iyo khudaarta laga sameeyo.

Haddaba, mar haddii dumarka baarlamaanka ee Tanzaia laga mamnuucay cidiyaha been abuur ah ee dumarka xirtaan iyo wax yaabaha wajiga lagu qurxiyo waa sidee Soomaaliya oo ka mid ah meelaha laga isticmaalo sheeyadaas, jawaabta Akhristayaasha  ayaan u deyneynaa.

 

 

Muddo 20 sano kadib oo xuduudaah Itoobiya iyo Eritrea dib loo furay

0

 (SNTV)-:Madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Talaabadan oo dib loogu fuaray xuduudaha labada dale e dhanka dhulka ah ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Waxaa ay arrintani ka dambeysay Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo in muddo ah qilaaf ka dhextaagnaa ayaa bilaabay in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda,wixii ka dambeeyey markii hoggaanka Itoobiya uu qabtay raiiusl wasaare Abiye Axmed,kaasi oo wadamada Geeska Afrika hoggaamiyaashooda la yeeshey shirar kaladuwan oo ku aadan xoojinta iyo iskaashiga ku dhisan waxwada qabsiga

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Qeyb galaya Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka

0

Muqdisho (SNTV) -:Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa ka Warbixiyay Qodobada looga hadlayo Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka uu kaga qeyb galayo Dalka Koonfur Africa.

“Shirkan waxaa looga hadlayaa Madax banaanida dacwad oogayaasha, qodobo badan ayaa lagu soo bandhigayaa oo ay ka mid yihiin isku xernaanta caalamka iyo wada shaqeyntooda, sidii Dalalka ay iskaga kaashan laheyn Baaritaanada iyo sida Shacabka looga ilaalin lahaa in Xad gudubyo joogta ah lagu sameeyo”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in si gaara loo soo dhaweeyay Soomaliya oo markii ugu horeeysey xubin ka noqotey Ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, isagoona xusay in Fursad wanaagsan ay u tahay Soomaaliya.

“Soomaaliya si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay inay ka mid noqoto ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, Qodobada shirka looga hadlayo dhamaan waa muhiim laakiin waxaan si gaara u dul istaageynaa kuwa Soomaaliya sida gaarka ah u quseeya maadaama dalka uu mudo badan burbur ku jiray, iyadoo hada aan dooneyno dhamaan Hay’addaha Dowlada inay wada shaqeyn wanaagsan la yeeshaan saaxiibada Caalamka”.

Shirka Dalladda Xeer Ilaaliyeyaasha Aduunka waxaa kumidoobay illaa 185 Dal,  sidoo kale 350,000 oo Xeerilaaliye ayaa xubin ka ah.

 

Mareykanka oo u hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka

0

Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu cunaqabateyn saarayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka,haddii ay isku daydo in ay sii waddo in ay dacwad ku soo oogto dadka Ameerikaanka ah.

Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ayaa iminka ka baaraandegeysa in ay dacwad ku soo oogto shaqaale Mareykan ah oo loo heysto in ay falal anshax xumo ah, jirdil iyo heysasho  ku fuliyeen dad reer Afganistan ah.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ninka lagu magacaabo  John Bolton,ayaa ugu yeeray Maxkamaddaasi mid sharci darro ah,wuxuuna wacad ku maray in dalkiisu uu qaadi doono wax kasta oo lagu ilaalinaayo muwaadiniintooda.

Mareykanka ayaa ka mid ah wadamo badan oo dadkooda lagu helay in ay dambiyo ka geysteen dalka Afganistan,sanadkii 2002-dii.

Wasiir Maareeye oo Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Qadar

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.

Wasiir “Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed al-Sulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0

Muqdisho, Sebteembar 10, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.

“Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

“Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka.

Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika.

“Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.

“Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.

Talisyada ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Suudaan oo iska kaashanaya xoojinta wadashaqeyn ee labada dhinac

0

Muqdisho september 10 (SNTV);-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa  u ambabaxay magaaladda  Khartuum ee dalka Sudan, kadib casuumaad rasmi ah oo ay  ka heleeny Taliyaha ciidanka Booliska Dawladda Suudaan.

Taliyaha iyo wafdiggiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho kusii sagootiyey qaar kamid Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin magaaladda Khartuum in ay la kulmaan Madaxda sare ee Ciidanka dawladda Suudaan.

Labada dhinac qodobada ay kawada hadli doonaan waxaa kamid ah  siddii  loo xoojin lahaa wada shaqeynta ay leeyihiin Booliska Soomaaliya iyo Suudaan, kordhinta taageerada iyo tababarka ciidanka booliska Soomaaliya iyo qodobo kale.

Dawladda Suudan ayaa waxay kamid tahay Wadamada Soomaaliya ka caawiyo dib u dhiska dalka, tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.