Muqdisho (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkaddaย MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.
Qoraalka ka soo baxay maamulka Dekedda Muqdisho oo laguna wargelinayaya ganacsatada Soomaaliyeedd ayaa ayaa u qornaa sida tan.
Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5thย Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader inย Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan.
Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaaloย muuqdoย u tahayย Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyoย sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Lineย iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan.
Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdishoย muddo dheer ka dib-ย Burburkii heyรกdaha dowladdaย ayaaย waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSCย iyo CMA-CGM oo ah Shirkadahaย ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.
Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo saarka Dalka,ย kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida si fudud. Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u wajahan dib-u-dhiska dalka.
MAAMULKA DEKEDDA MUQDISHO
