Home Blog Page 1137

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirri geliyey barnaamijka isxilqaan

0

Muqdisho (SNTV), Sebteembar 12, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in barnaamijka Isxilqaan ee DFS ay ka hirgelinayso dalka uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maamulka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

Kulankan Todobaalha ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiye Kuxigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Gobolka dhiirigelinta iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen qorshaha dib-u-soo celinta goobaha danta guud ee Caasimada, waxaana la isku raacay in la sii wado qorshahan, dibna loo hirgeliyo goobihii ay ku nasan jireen bulshadu.

Sidoo kale, Guddoonka heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si wada jir ah u bogaadiyey habsami u socodka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Garoonka Koonis, iyagoona hambalyo u diray degmooyinka u soo gudbay wareegga labaad.

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BFS oo Warmurtiiyeed soo saaray “AKHIRSO”

0

Muqdiso (SNTV), Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Kulan ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare ,waxaana shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayadoo laga soo saaray War murtiyeed ka kooban Afar qodob.

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu maanta kulankiisa 17aad ee 12 September 2018 ku guddoonsaday qodobada soo socda:

1- Guddigu isaga oo tixraacaya go’aannadii ka soo baxay kulankii 16aad ee September 10, 2018 waxa uu guddoonsaday in uu wufuud u kala diro dhammaan Dowlad Goboleedyada; si ay ugu kuurgalaan, warbixin dhab ahna uga keenaan xaaladda amni, siyaasadeed, nololeed iyo midda federaaleynta Dalka si xal looga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka hadda ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2- Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.

3- Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.

4- Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.

 

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Jaamacaddaha dalka

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay  hoggaanka Ururada ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha dalka.

Kulankan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Xassan Maxamed Cali iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay wada shaqeyn dhow la yeelato bahda waxbarashada , islamarkaana dhankooda looga baahan yahay  inay la shaqeeyaan wasaaradda si horumar loo gaaro.

Guddoomiyaha Ururada ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha dalka Daahir Xassan Carab ayaa sheegay in waxbarashada dalka ay soo martay marxalado kala duwan hadda ay mareyso meel wanaagsan, isagoo wasiirka ka dalbaday inuu ka firsado dhismaha guddiga tacliinta sare islamarkana uu soo xulo dad aqoon u leh waxbarashada.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa kulanka ka sheegay in wasaaradda bishan gudaheeda qorsheyneyso inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo ay kafaalo qaadi doonto wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Wasaaradda waxbarashada waxaa bishan gudaheeda u qorsheysan inay la wareegto 26 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, waxaan bixin doonnaa wax kasta oo ay u baahan yihiin, sannadka soo socda waxan rajeyneynaa anngoo kaashaneyna wasiirada waxbarashada maamulada dalka ka jira oo wada shaqeyn wanaagsan naga dhaxeyso in gobolladana iskuulo ka hirgelino’’ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in la dhameystiray islamarkanaa hadda uu socdo qeybinteeda manhajka fasalada afaraad, haddan waxaa socota qorida manhajka fasalada 5-aad iyo 12-aad , sannadka soo socdana la dhameystiri doono isagoo  sheegay in  kaalin ay ka geysteen daalladaha waxbarashada dalka.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe lagu horumarinayo waxbarashada dalka, iyadoo wasaaradda ay gacanta ku heyso iskuullo ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo si lacag la’aan ah wax uga bartan caruurta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

0

Muqdisho, Sebteembar 12, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika .

Madaxweyne Farmaajo oo u baxay ka qeyb galka shirka IGAD

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa mudo 20-sano ah.

Ciidanka Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku dilay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab halka kuwa kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada oo ku Howlanaa Weeraro ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa israsaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Alshabaab ah kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho.

Taliska NISA ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay dib kaga soo baxeen Deegaanka Mubaarak si Shacabka aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., Ciidamada Amniga waxaa ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjooge ka tirsanaa Amniyaadka Al shabaab

Muqdisho (SNTV)- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xalay ka hortagay weerar nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar fashilmay ay kusoo qaadeen magaalada Marka, iyadoo dagaalka looga dilay nabadiidka Al-shabaab labo dhagarqabe uu ku jiro horjooge sare.

Horjogaha la dilay ayuu Taliyaha magaciisa uu ku sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr.

Axmed cabdi Cali (Axmed Gaashaan) Taliyaha guutada 14-ka Octoobar ayaa ugu dambeyntii sheegay in Horjoogaha la dilay uu ku xigeen u ahaa Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Magaalada Marka.

 

Wasaaradda Cadaalada oo maanta tababar u furtay Garqaadayaasha Xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaadka G/Banaadir

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Tababarkaan oo soconaya seddex Maalin ayaa waxaa maanta furay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana loo qabtay garqaadayaasha xarumaha habka dadban ee xalinta khilaafaaadka gobolka Banaadir kuwaas oo dhawaan Wasaaradu ka hirgalisay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Odayaasha dhaqanka iyo hooyooyinka ayaa ka dhex muuqday dadka loo furay tababarka, Muhiimada laga leeyahay ayaana wasaaradu ku sifeysay inay tahay in isku dhacyada iyo khilaafaadka bulshada dhex yaala lagu xaliyo hab xeer beegti ah kiisaska xarumahaan soo dhaafana loo gudbiyo maxkamadaha caadiga ah ee dalka.

Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka dalka oo furay tababarka ayaa u sheegay ka qayb galayaasha inay muhiimad weyn siiyaan habkaan xalinta khilaafaadka isla markaana ka faa,iideystaan daruusta laga bixin doono madasha

“Xarumahaan faa,iidooyinka ay leeyihiin waxaa ka mid ah tusaale hadda labo bilood oo ay shaqeynayaan waxaa ay qabteen wax ka badan 60 kiis oo dacwo ah 35 ka mid ah waa la xaliyay oo xarumahaan ayaa ku guuleystay taasina waa muhiimada loo sameeyay waxaan idiin sheegayaan aas aaska in laga dhiso ayay u baahan tahay cadaaladu”ayuu yiri wasiirku.

Turkiga oo Cambaareyey Weerarkii Argagixisada ahaa ee Xarunta Degmada Hodan

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii kooxda xagjirka ee Alshabaab ku qaadeen xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin, uuna yahay mid argagixiso oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo dad aan waxba galabsan ee xarunta Degmadaasi iyo nawaaxigeeda ku sugnaa.

Sidoo kale bayaankaasi ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falka noocan ah uu waxyeelaynayo sugnaashaha nabadgelyada ee Soomaaliya,waxayna Tacsi u dirtay Xukuumadda  iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ilaah ugu barisay dadkii shilkaasi ku dhaawacmay caafimaad ded deg ag.

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Degmada Hodan subaxdii sabtidii la soo dhaafay wuxuuna sababay geeri iyo dhaawacyo dad maato ah ,wuxuuna dhibaato gaarsiyay  Masaajidyo iyo Guryo dadweyne oo ka ag dhawaa goobtaasi.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo sheegay inay ka madax banaan yihiin arrimo siyaasadeed

0

Muqdisho september 10 (SNTV):- War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiskaasi uu ka madax banaan yahay laamaha kala duwan ee dawladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaran uu dardar geliyey sare u qaadida dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa, islamarkaana muddo 30 sano kadib ay fuliyeen howlgallo lagu dagaalamayo lunsashada Hantida Qaranka