Home Blog Page 1137

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay agaasime waaxeedyada ee Wasaaradda

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sanadka 2019ka ee hiigsiga Wasaaradda,isla xisaabtanka shaqada iyo su’aalo la iska weydiinayay waxyaabihii u qabsoomay la qaaday agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Kullanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa la-taliyeyaal sare oo ku xeel dheer arrimaha ganacsiga,taasoo looga gol-leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxyaabaha kale ee sida aad ah diirrada loogu saaray kulanka waxaa ka mid ah in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sanadkan xoogga saari doonto suuq geynta wax-soo-saarka dalka iyo taya dhowrka badeecadaha dibada laga keeno.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa sheegay in wasaaraddu ay u diyaargaroowday kor u qaadista ganacsiga ee sanadkan,islamarkaana la qorsheynayo ruqsooyinka shatiga ganacsiga laga dhigo hab casri ah si Bulshada Soomaaliyeed ugu heli karaan meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan marka ay eegaan awooda shaqaalaha ay wasaaraddu heysato iney ku guuleystaan qabashada howlo badan oo horyaala sanadkan.

 

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare oo sheegay in sare loo qaadayo tayadda Tacliinta sare ee dalka

0

kulankann ayaa ahaa mid su,aalo lagu weydiinayay wasiirka
waxbarashada,hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka Mudane Cabdullahi
Goodax Bare  ,waxaana  ka qeybgalay Ardayda waxkabarata Jaamacaddaha
Dalkaa, intii uu soday kulanka ayaa lagu lafa guray hanaanka ugu
wanaagsan ee lagu hormari karo Tacliinta Sare ee Dalka.

gudoomiyaha Jaamacadda Umamadda Soomaaliyeed Maxamed Jimcaale ayaa
tilaamay in doodanaha caynkan ah ay sare uu qadi doonaan dadaalada waxbarashada
dalka  lagunna horumarinayo heraarka waxbarasho ee ay wax ku bartan Ardayda Soomaaliyeed .
wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka
Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Xukumadda Fedaraalka
Soomaaliya  ee uu Hogaamiyo Xasan Cali Kheyre  ay ka go,aantahay  in ay  xooga saari doonaan  sara u qaadista,iyo tayeenta Macalimiinta Soomaaliyeed.

Cabdullahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dalka ayaa sidoo kale sheegay in ay hadda   isku raaceen hal manhaj,islamarkaana loo baahan yahay in lagu sameeyo Horumarin Si tayadiisu ay u noqto mid wanaagsan.

“wasaaradda waxbarashadu waxaa ay ku guuleysatay in wadanku uu yeesho hal manhaj,waxaa uu ubaahanyahay in manjaka la hormariyo,islamarkaan la qor oo Buugaaga laga dhigo,ilaa haddana lagu guuleystay Fasalada koowaad ilaa Afaraad ee dugsiyada Dalka,inta hartayne Gacanta lagu hayo qorshuhuna yahay in lasoo dhameystiro inta an la gaari sanad dugisyeedka Soo aadan”Ayuu intaa raaciyay Cabdullahi Goodax Barre”

intii uu socday kulanka ayaa waxaa ardayda kasoo qeybgay wadatashigan
waxaa ay is dhaafsadeen doorka dhalinyarada waxbarata ay ka qaadan
karaan Horumarinta waxbarashada Sare ee Dalka.

 

Baarlamaanka Puntland oo maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta

0

Qaban qaabo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe,taasi oo la filayo in ay dhacdo maalinta beri ah.

Baarlamanka Puntland ayaa maanta qorshuhu uu yahay in ay dhageystaan musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha iyo kuxigeenada,kuwaasi oo soo bandhigaya waxqabadkooda u qorsheynsan kadib guusha doorashada.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la soo geba gebeeyey diwaangelinta musharixiinta,iyadoo xubnaha Guddiga dorashada Puntland aya shaaciyay musharixiinta isku diwangeliyay in ay tartamaan.

Halkan hoose ka Akhriso:

1: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

2: Siciid Cabdulaahi Deni

3: Cali Cabdi Awaare

4: Cabdisamad Gallan

5: Maxamud Axmed Gar libaax

6: Cali Ciise Cabdi

7: Khaliif Ciise Mudan

8: Daahir Mire jibriil

9: Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)

10: Aadan Maxamed Ciise Gaadaalle

11: Maxamed Cali Cismaan Maad

12: Asad Cismaan Cabdulaahi.

13: Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)

14: Cali Xaaji Warsame.

15: Maxamed Axmed Shaale

16: Maxamed Xirsi moorgan

17: Cabdi Faarax Siciid juxa

18: Maxamuud Xasan Khaliif

19: Faarax Cali Shirre

20: Cabdiqaadir yaasiin cabdi

Sidoo kale halka hoose ka kahriso Liiska ku xigeenka.

1: Cabdi Ibraahim warsame (Qowdhan)

2: Cabdiraxmaan Guuleed Cali

3: Dhegacade

4: Saadiq Axmed Eenow

5: Cabdi Salaan Salwe.

6: Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade)

7: Axmed Karaash

8: Cabdixakiin Camey

Xukun dil ah oo lagu fuliyay 2 dhagar qabe oo Alshabaab ka tirsanaa

0

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo dhagar qabe oo k atirsanaa Alshabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

“Taariikhdu markey ahayd 3/8/2017,Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay markii saddexaad u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keerow 25-jir ah iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidow 22-jir ah,kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab una qaabilsanaayeen fulinta dilalka ay kooxdu qorsheyso,iyagoo si barer ah u dilay Marxuum nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen taariikhdu markey ahayd 2/11/2016,dambigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taariikhdu markey ahayd 22/8/2017,waxayna Labada eedeysane Maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 7/1/2019 lagu fuliyay dilkii toogashada ahaa,” ayuu yiri xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/llaahi.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dhagar qabayaal ka tirsanaa Alshabaab,waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu Sheekh caan ahaa dil u geystay.

Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo Abaalmarin la Guddoonsiiyay

0

Muqdisho (SNTV)  Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya ee gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka qibradaha Ciidanka booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Waxaa lagggudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino oo ay ku mutaysteen shaqo waanaag,waxaana goob joog ahaa Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka booliska AMISOM,kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria in ay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan in ay yihiin safiiro dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika,kadib markii booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen khibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

“AMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan booliska Nigeria,iyagoo muujiyay shaqo wanaag,kaalina ka qaateen nabadda iyo amniga Soomaaliya,waxay muujinaysaa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda,iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kale”. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah la yeelatay Ururada Bulshada rayidka

0

Muqdisho (SNTV):- Wadatashigan Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay la yeelatay Ururada Bulshada rayidka ayaa ku qotomo dardar gelinta diyaarinta qorshaha horuamrinta sagalaad ee dalka uu yeelanayo,kaasoo wadatashi lagala yeelanayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan.

La taliaha Wasaaradda Qorsheynta Abuukar Saneey ayaa qeexaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Ururada Bulshada rayidka.

“Maanta waxan kala hadlaynay ururada bulshada rayidka qaabkii aan u bilaabi lahayn diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka iyo qaabkii ay wadatashiga uga qeyb qaadan lahaayeen bulshada oo dhan,waxayna noo soo gudbiyeen qodabo muhiim ah,kuwaas oo dhaxal u noqon doona shacabka Soomaaliyeed.

Ururada Bulhshada rayidka ee ka qeybgalay wadatashigan ayaa soo bandhigay talooyin ku aadan qorshaha horumarinta Qaranka,qaabka loo bilaabi lahaa wadatashigiisa iyo hanaanka lagu eegayo qeybaha kala duwan ee tiirarka qorshaha ka kooban yahana lagu dhax muujiyo ahmniyada dalkeenna.

Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa wado wadatashi ku aadan diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo qorshahii sagaalad oo ay dowladda Soomaaliya ay yeelato tan iyo Dowladdii dhaxe. waana talaabooyin muujinayo heygalka dowladnimo.

W/Q: Abdirashiid Nur Ibraahiim.

Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka

0

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qeyb-galay Degmada Waaberi Munaasabad lagu taageerayay aqbalaaddii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qaadatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhiirigelisay kalsoonida ay shacabku u hayaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatino dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, isla markaana lagu caddeynayay mowqifka wadajira ee ku aaddan go’aankii laga qaatay ergay Nicholas Haysom .

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in marnaba aan la aqbali doonin faragelin shisheeye ee gudaha dalka, taasoo ah mid laga soo gudbay, waqtigana ay Soomaaliya hayso horumarka iyo wax-wadaqabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada-jeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku nool afarta Degmo ee Waliyoow Cadde.

Weerar Ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac geestay oo ka dhacay Deegaanka lagu Riiqsay ee Gobolka Mudug

0

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Deegaanka Riiqsay, oo hoostaga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, lagu dilay ugu yaraan 15 qof, halka in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii koox hubeysan ay beegsadeen kulan ay Culimada Ahlusunna Waljamaaca ku qabteen deegaankaas, kaas oo lagu xusayay dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) iyo sidoo kale siyaarada Sheekh Cali Cilmi Yare.

Sida uu sheegay wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gaalkacyo, Cabdirisaaq Maxamed Axmed, dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ahaa dad badan oo halkaas ku sugnaa, waxaana laga soo warinayaa dhaawacyo tiro badan.

Magacyada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa:

Sheekh Cabdi Xareed Cali

Mukhtaar Nuur

Nuur Cabdi Xareed

Xuseen Guuleed Faarax

Maxamed Cali Cusmaan

Axmed Yaaquub Cali

Macalin Geedi Cali

Weerarkan waxaa lala xiriiriyay kooxda AS, kuwaas oo horey u fuliyay falal noocan oo kale ah.

Ra’iisul wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka,kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud.
Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, waxa uuna kulamo la qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda.
Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah.
Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaan iyo daah-furnaan.

Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray shuruudaha Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa

0

Garoowe (SNTV) Waxaa maanta lasoo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Guddiga doorashada Puntland oo maanta la magacaabay ayaa sheegay in Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland laga doonayo in ay buuxiyaan shuruudaha isdiiwaan gelinta oo ay qeyb ka yihiin soo gudbinta araajida musharaxnimo iyo bixinta lacagaha isdiiwaan gelinta.

Hadaba Halkaan ka Akhriso magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabay 12-kii duhurnimo ee maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January, iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo.

Musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayay gudigu sheegeen in laga doonayo bixinta lacag dhan $20,000 oo doolar halka ku-xigeenkiisana laga qaadayo $10.000 oo doolar taas oo ah lacagaha isdiiwaan gelinta.

Waxaa sidoo kale guddiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in da’dooda aanay ka yaraan 40 sano, iyadoo la waafajinayo qodobada ku xusan dastuurka Puntland.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida guddiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.