Home Blog Page 113

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha oo heshiis la saxiixatay dhiggeeda Naigeria

Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Abuja, waxa uu xoogga saarayaa wadashaqeyn rasmi ah oo u dhexeeya labada hay’adood, si ay isaga kaashadaan horumarinta nidaamka dhowrista xogta, kor u qaadidda wacyigelinta, iyo tayeynta awoodda hay’adaha u xilsaaran arrimaha xogta ee labada dal.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali iyo Agaasimaha Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC), Dr. Vincent Olatunji ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska is afgaradka ah oo sare u qaadaya iskaashiga gobolka iyo sidii loo heli lahaa hab-raacyo wadajir ah oo wax looga qaban karo caqabadaha la xiriira xog-ilaalinta iyo asturnaanta.

Wadashaqaynta laba dhinac ayaa sidoo kale dhiiragalinaya in la furo waddooyin rasmi ah oo lagu qaban doono tababaro iyo aqoon-isweydaarsi si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo horumarinayo dadaalada wadajirka ah ee la dagaalanka xadgudubyada xogta, korna loogu qaadayo ilaalinta xogta gaarka ah ee muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali, oo ka hadlay madasha saxiixa is-afgaradka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ilaalinta xogta ee Afrika ay yeeshaan wada shaqayn muuqata, si loo xoojiyo nidaamyada sharci, farsamo iyo wacyigelin ee ilaalinta xogta.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya (TPSS), oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed, kuna saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta.

Kulanka intii uu socday, guddigu waxa uu ansixiyay saddex mashruuc oo ugu horreeyay barnaamijka TPSS, kuwaas oo diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah, waxaana lagu hirgelin doonaa Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Barnaamijka TPSS waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo dheer mid horseedday dib-u-dhac ku yimaadda nidaamka dowladnimada, kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee lagu dhiso hay’adaha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu ka hadlayay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaam doorasho oo si toos ah loogu wakiisho shacabka.

“Muddo dheer dalka wuxuu ku jiray hubanti la’aan siyaasadeed, waxaana kaga bixi karnaa in aan talada dib ugu celinno shacabka si ay iyagu u doortaan cidda matalaysa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Waxa uu xusay in halkaan laga sii wado dadaallada xukuumaddu ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah dariiqa ugu habboon ee lagu kasban karo kalsoonida shacabka, loogana gudbi karo habraacyadii hore ee aan xasilloonayn.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay In la xoojiyo dowladnimada.

In la dhiso hay’ado sharciyad ku yimid rabitaanka shacabka In bulshada loo abuuro rajo siyaasadeed oo hufan.

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu ka gudbo nidaamka doorashada dadban, ayna go’aan ku gaareen in shacabka si toos ah loo siiyo talada dalka.

“Annaga ayaa soo aragnay dhibaatada ay leedahay doorashadii dadbanayd, waxaana dooranay in aan xirno albaabkaas oo aan shacabka u furno talada, si loo gaaro doorasho dadweyne,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu dalka Soomaaliya u socdo hannaan doorasho oo cusub, loogana gudbayo hab-raacyadii hore ee aan si buuxda uga tarjumin rabitaanka shacabka.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku aaddan maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Aadan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo sidoo kale tilmaamay fursadaha ay maalgashadayaasha Turkiye ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha. Safiir Aktaş ayaa dib u xaqiijiyay diyaar garowga dowladda Turkiye ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, ka faa’iidaysiga khibradda, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah.

Kulanku wuxuu kusoo gabagaboobay heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo mashaariic la taaban karo oo labada dal ka faa’iidi doonaan, si loo hubiyo isticmaalka khayraadka iyo horumar dhaqaale oo muddo dheer socon doona.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗞𝘂 𝗦𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem magacaabistiisa, isagoo oo muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qadarinayso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta Midowga Afrika uu kaga jiro taageerada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dowladnimada.

Dhankiisa, Mudane Adebayo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiranna isaga oo ballanqaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono hey’adaha dowladda, isla markaana ku celiyay sida Midowga Afrika ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u gaarto himiladeeda.

 

 

Qoysas danyar ah oo ku Nool degmada Dayniile oo la gaarsiiyay deeq gargaar ah

0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar degdeg ah oo isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay gobolka Banaadir.

Deeqdan oo ka timid Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa qeybisay hay’adda wadaniga ah ee Tadamun, oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo maamulka degmada Dayniile.

Maxamed Sh. Cabdi, oo ka tirsan hay’adda Tadamun, ayaa sheegay in deeqdan maalmaha soo socda si degdeg ah loo gaarsiin doono 21,090 qoys oo ku dhaqan 9 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Xasan Maxamuud Mahadalle, agaasime ku xigeenka waaxda samafalka ee degmada Dayniile, oo goob joog ka ahaa halka lagu qeybiyay gargaarka, ayaa sheegay in deeqdan ay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn jirtay, isla markaana ay si weyn uga caawin doonto dadka deegaanka ee ay musiibadu saameysay.

Qaar ka mid ah dadka ka faa’iideystay gargaarkan ayaa u mahadceliyay hay’adda Tadamun iyo dowladda Sucuudiga, iyagoo xusay in gargaarku ahaa mid si hufan loo soo diyaariyay oo ku yimid xilli loogu baahi qabay.

 

 

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiin ka socdey Maamulka SSC-Khaatumo

0

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhan Warsame oo Xafiisku qaabiley Wasiiro ka socdey Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiir Bidhaan ayaa qaabilay Wasiirada kala ah, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiiradda Dowllad Goboleedka ayaa Wasiir Bidhan uga warbixiyey xaallada guud ee deegaanka iyo hananka dowlad dhiska SSC-Khaatumo, iyagoo wasiirka uga mahadceliyey shaqada baaxada leh, iyo guusha miro dhalka ah ee uu kaso shaqeeyey.

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ayaa ugu horeyn Wasiiiradda uga mahadceliyey dhankiisa booqashada ay ugu yimadeen, isagoo kula dardaarmey inloo baahan yahay sidii loo xejisan lahaa guulaha laga gaarey dhinacyada, Siyaasadda, Aminiga iyo Horumarka.

Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dagay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, waa booqashadii ugu horreysay oo dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka garoonka diyaaradaha ee King Khaalid ee magaalada Riyaad.

Booqashada Trump ayaa qaadan doonta dhoor cisho, waxaa uu booqan doona marka uu ka tego Sacuudiga dalalka Qatar iyo Imaaraadka.

Booqashada Trump ayaa ku soo aaday iyadoo gobolka ay ka taagantahay xiisado xooggan oo ay ka mid tahay dagaalka gardarada leh ee Israel ka wado Qasa, duqaymaha Suuriya iyo weerarada xuutiyiinta gacanta cadan iyo badda cas.

Madaxweyne Trump ayaa ka hor inta uusan ka soo bixin Washinton waxa booqashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah mar uu Isniintii khudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Ugaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Ugaaska, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.