Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Date:

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.

‎Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee labada dal iyo shucuubtooda.

‎Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la garab taagan tahay walaalahood reer Suudaan, xilli dalkooda uu wajahayo xaalad adag.

‎Dhankiisa, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa tilmaamay in Suudaan ay tahay dal walaal ah oo abaal weyn ku leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...