Home Blog Page 112

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan doceedyo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti iyo Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, xilli uu ku sugnaa magaalada Baqdaad si uu uga qeyb galo Shirka Heer Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Jabuuti in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Attaf, ayaa ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay labada Wasiir sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga, isaga oo xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sii amba-qaaddo wada-shaqeynta dhow ee kala dhexeysa labada dal.

Kulammadan ayaa ka tarjumaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay magaalada Baqdaad dhiggiisa Masar, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha, Dr. Badr Abdelatty, intii uu socday Shirka Heer Wasiir ee Arrimaha Dibadda Carabta, kaas oo gogol-xaar u ah Shir-madaxeedka 34-aad ee Jaamacadda Carabta oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo Wasiir Cabdisalaan uu uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ku aaddan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda iskaashiga labada dal iyo ka faa’iideysiga khibradaha Masar ee dhinacyada kala duwan.

Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo xusay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer istiraatiji ah kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Qaahira bishii Janaayo 2025.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasilloonida gobolka iyadoo la adeegsanayo dadaallo wadajir ah.

Shir u dhexeeya hay’adaha Maaliyadda DFS iyo Hay’adda IMF oo ka dhacay Nairobi

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF). Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda mudan in la maalgeliyo, oo ay ka mid yihiin kuwa wax-soo-saarka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa hoggaaminayay wafdi ballaaran oo ka koobnaa xubno ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka, iyo xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo hadal ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirka, ayaa xusay sida ay Dowladda Soomaaliya u siinayso ahmiyad gaar ah helitaanka maalgelin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka dalka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Dowladda ay ka go’an tahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta, si loo kordhiyo dakhliga gudaha.

Shirkan oo ah mid saddex-biloodle ah ayaa inta badan lagu sameeyaa dib-u-eegis ku saabsan horumarinta maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay hannaankii cafinta deynta.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha, gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee laga doonayo in Golaha uu ka shaqeeyo inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.

Intaa kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa warbixinno ka dhiibtay xaalada shuruucda horyaalla guddiyada iyo habraacyada dhiman. Ugu dambeyn, waxaa la sameeyay ajandeyn iyo jadwaleyn ku saabsan howlaha Golaha toddobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga dardargelinta shaqooyinka Golaha, maadaama uu marayo gabagabadii kalfadhiga lixaad.

 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli lagu guda jiro xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada la xiriira dhallinyarada iyo isboortiga, si loo xoojiyo ka qeybgalka dhallinyarada ee horumarka dalka.

Dhagax-dhiggan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso horumarinta dhallinyarada, iyadoo la tixgelinayo doorkooda muhiimka ah ee dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa sanadkan lagu xusayaa iyadoo la xusuusanayo halgankii ururkii SYL ee horseeday xornimada dalka, waxaana la adkeynayaa muhiimadda ay dhallinyaradu u leeyihiin horumarka iyo midnimada Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga,Mudane Omar Cali Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-xigeenka Safiirka, Mudane Dahir Salaad Xasan, iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Suldaan Faarax Axmed,oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la socotay Wasiiru Dowlaha.

Danjire Farabadan ayaa Wasiiru Dowlaha uga warbixiyay adeegyada ay safaaraddu u hayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka, isagoo xusay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada ay safaaraddu siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota safaaradda, isagoo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada iyo ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha ayaa magaalada Berlin uga qeybgalay shir ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay, kaas oo socday 13–14 May 2025, laguna falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Danjire Farabadan iyo Ku-xigeenkiisa, Mudane Dahir Salaad Xasan, ayaa uga mahadceliyay Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen xarunta safaaradda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee dibadda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga, kaas oo ay Soomaaliya la gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Madaxda Hay’adda SoDMA oo Nairobi uga qeybgaleen Kulan looga hadlayay arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay daahfurka kulan la xiriiray uruurinta, falanqaynta iyo faafinta macluumaadka ku saabsan dadka ku barakacay gudaha iyo dibadda.

Kulankaasi oo ay  isugu yimaadeen khubarro, xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya,sameeyayaasha siyaasadda , maamulka sare ee SoDMA iyo wakiillo kale waxaa Kulankaasi looga hadlay  qodobbo ay kamid yihiin wada tashi laga yeesho xoojinta nidaamyada digniinta hore ee halis-wadareedka, dhiirigelinta tallaabooyinka degdegga ah iyo kor u qaadidda adkeysiga bulshada .

Xubnaha  ka qeybgalay kulankaasi waxa ay xaqiijiyeen  in bulshooyinka nugul la ilaaliyo kahor, inta lagu jiro iyo kadib dhacdooyinka Isbadalka-Cimilada ee ay sababaan.

Nidaamka IOM ee saadaasha Socdaalka dadka barkaco (DTM) wuxuu bixiyaa xog muhiim ah oo lagu hago qorsheynta iyo wax-ka-qabashada arrimaha muhiimka ah ee barakacayaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta Safaaradda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baqdaad ee caasimadd dalka Ciraaq.

Booqashada wasiirka ayaa qeyb ka ah la socodka dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha muhiimka ah oo ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed, oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bixiso.

Wasiir Abdisalaan oo hoggaaminaya wafdi ayaa lagu wadaa inuu magaaladaasi kaga qeybgalo Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, kaas oo la qorsheeyay inuu furmo 17 May.