Wasiirka maaliyadda oo shirar muhiim ah uga qayb galay Washingtom dc

Date:

Iyada oo uu gabo-gabo ku dhaw yahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhan yahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva isla markaana ay soo qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Shirkan loo dhan yahay ayuu Wasiir Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ka jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray saameynta Isbaddalka Cimiladu ku yeeshay dhaqaalaha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii la socday ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK ee shirka ka soo qayb galay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgashiga iyo saameynta isbaddalka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan doceed wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, kulanka ayaa looga wada hadlay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, Maalgalinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha. Hay’adda AMF ayaa door muhiim ah ka soo qaadatay hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...