Wasaaraddaha Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Qatar oo Wada shaqeyn dhow yeelanaya

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed “Amar dambe” ayaa ka warbixiyay Safar uu ku tagay Dalka Qatar iyo kulamo uu lasoo qaatay Masuuliyiinta Dalkaasi.

“Waxaan Dib-ugu soo Laabtay Dalka waxaan Safar Shaqo ugu maqnaa Dalka Qatar Waxaan kula soo kulmay Masuuliyiin kala duwan oo Dalkaasi ka tirsan Waxaana ka Wadahadalnay Xoojinta Xiriirka Milatari ee ka Dhexeeya Labada Dalka’ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar dambe” ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Qatar ay isku af garteen sidii xiriir dhow iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Labada Wasaaradood.

“Waxaan ka hadalnay Wasiirka Gaashaandhiga Qatar Xiriirka iyo wada shaqeynta labada Dowladood iyo sidii xiriir dhow ay u yeelan lahaayeen Labada Wasaaradood, waxaan isku afgaranay in wada shaqeyn dhow aan yeelano ay nagala qeyb qaataan dhismaha iyo hormarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in Talaabooyin hormar leh loo qaaday dadaalka loogu jiro sidii dib loo soo celin lahaa Ciidankii lagu yaqaanay Soomaaliya ee Afrika iyo Geeskaba caan ka ahaa, isagoo u mahad celiyay Dowladaha Qalabka iyo Tababarada ka taageera ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...