Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha XFS oo Jabuuti uga qeyb galay Furitaanka Tababar aqoon isweydaarsi

Date:

Muqdisho (SNTV) Wafdi  uu  Hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga  Gudaha Xuuumadda Soomaaliya ayaa  dalka dalka Jabuuti uga qeybgalay Furitaanka  Munaasabada  #Cutlass express 2019 oo la qabto sanadkiiba mar waanna tababar aqoon isweydaarsi ay ka qaybgalaan dawladaha gobolka iyo dawladaha  Caalamiga  ah, wuxuuna  ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xeebaha Gobalka iyo xuuraan wadaagga dawladaha degen gobolka dhinaca xogta ah.

Hadafka ugu wayn ayaa ah sii loo  mideeyn lahaa  howlgalada baddaha Gobal iyo si Heer Caalami, iyadoo laga hortagayo Qatar walba oo lidi Ku ah Maraakiibta maranka u ah xeebaha bdabaha,lagana hortago kaluumeesiga Sharci Darada ah , Burcad Badeeda iyo Argagaxisada.

Wasiir ku xigeenka  Xukuumadda Soomaaliya Cabdinasir Saciid  oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay dadaalada socda dowladda gobalka iyo kuwa Caalamiga ah si layskala kaashado ilaalinta xeebaha iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka qatarka ku ah xeebaha gobalka.

Wasiir Cabdinaasir ayaa soo dhaweeyay tababarada ay qaadanayan hanaanka tababarka ciidanka ilaalinta xeebaha ee booliska gobalka dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad xubin buuxda ka ah iskaashiga oo ahmiyad wayn ugu fadhiso, waxaana taasna qeexayso in in ka badan 25 ciidan,Sakaariil iyo Saraakiil xigeeno  ay soomaaliya tababarkaasi qeyb uga yahiin.

“Waxaan ku kalsoonahay in wiilasha iyo gabdhaha  Somaaliyeed ee matalaya dalka ay muujin donaan garti iyo hufnaan shaqo waana  muhiimad aan dhamaanteen wada dareemayo in xeebaheena ilaalsano ayuu yari Wasiir Cabdinaasi”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa booqday  Academyada Booliska Dalka  DJIBOUTI (FAARAH CABANE) tasoo halkaasi kula kulmay saraakiisha Booliska dalkaasi ay ka wada hadleen dar dargalinta tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

W/Q” Abdirashiid Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...