Home Blog Page 1123

Jowhar iyo Howl-wadaag oo isku arkay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdiso (SNTV)-Degmooyinka Howl-wadaag iyo Jowhar oo ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir ayaa caawa isku arkay wareega 1-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Ugu horreynba waxaa nasiib u yeelatay in su’aalaha lagu bilaabo degmada Howl-wadaag oo 7-dii su’aal ee loogu tala galay ka jawaabtay mid qura, sidoo kale su’aalo 5-ah oo ay garan waayeen jowhar ka jawaabi weyday, waxa ayna sidaas ku heleen dhibo gaarayo 2-dhibcood.

Jowhar oo Iyana u muuqatay  mid aan shideyn dab-yar ayaa  habeenkan garatay 2-kamid ah 7-dii su’aal ay xaqqa u lahaayeen, sidoo kale waxa ay fursad ahaan kaga faa’ideysteen laba kamid ah su’aalo ay lumiyeen Howl-wadaag, waxa ayna wadarta guud isu geyn ay heleen 8-dhibic.

Wareegga 2-aad ee tartanka waxaa ku biiray degmada jowhar halka ay howl-wadaag ay kamid noqotay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe Tartan aqooneedka  ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaan uu taaba gelinayo Maamulka gobalka  Benaadir  waxaa wada  ballansan Xudur iyo Kaxda oo ka kala tirsan Bakool iyo Benaadir.

 

 

 

Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Shaqo-howleed u jooga Nairobi

0

Nairobi(SNTV):–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.

Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka XFS oo maanta lacagihii ay qaban jirtay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

0

Muqdisho(SNTV);– Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lacagihii ay qaban jirtay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka qeyb qaadaneysa korarka dakhliga iyo hufnaanta nidaanka Maaliayadeed ee dalkeenna.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Tallabada lagu mideynayo hanaanka Maaliyadda dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Prof: C/llaahi Sheikh Cali “ Qalloocow” ayaa sheegay in nidaamkan dakhli wareejinta uu yahay mid lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka,isagoona mas’uuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo macdanta ku ammaanay sida hufnaanta leh ee lacagihii ay qaban jireen Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejiyeen.

Arrintaan ayaa waxay qeyb ka tahay hanaan la doonayo in Shacabka Soomaaliyeed kula socdaan lacagaha kala duwan ay qaadaan Hay’adaha Dowladda,iyadoo hanaanka Kombiyuutarka uu sahlayo daahfurnaan iyo isla-xisaabtan cad oo dhanka maaliyadda ah.

Wasaaradda Batroollka iyo Macdan ee  Doowlad Federaalka Somaaliya ayaa  ah hay”addii shanaad ee maanta ku Wareejisa Lacagahii ay qaban jirtay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley

0

Muqdisho, 27 May, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo dhagax-dhigay wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir ayaa boggaadiyey isku-tashiga bulshada deegaanku ay ku dhisayaan jidadka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hor dhagax-dhigga kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Dharkiinley, waxayna isla garteen muhiimadda ay leedahay dhismaha wadadan muhiimka ah, iyadoo la isku raacay in wadajir loogu istaago dhismaheeda, maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadadani lagu hirgelin doono isku tashiga Maamulka Gobolka iyo shacabkiisaa, isla markaana ay wax wayn ka tari doonto horumarka iyo bilicda Caasimadda oo billooyinkii u danbeeyey dib u soo kabanaysay.

“Dhismaha Jidkan halbowlaha ah ee isku xiraya degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir, wuxuu ku yimid iskutashiga iyo aragtida dadka deegaanku ay ku doonayaan in horumarka degmooyinkooda ay u istaagaan. Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dhismaha wadadan ka qeyb qaata, ka maamul ahaana waxaa naga go’an dhismaha waddooyinka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhagax-dhigga ku weheliyey Wasiirro, Xildhibaanno, masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Moussa Faki Mahamat

0

May 27, 2018— Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Moussa Faki Mahamat ayaa si qoto dheer uga wada hadleen nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka.

RW Khayre kahor inta uusan kasoo dhoofin Addis Ababa Waxaa kale oo kulmay Gudoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midawga Afrika, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo qorshaha ay Ciidanka Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Addis Ababa waxa uu horay kulamo ugula yeeshay wasiirka arimaha dibadda iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ay ka wada hadleen arima badan oo labada dal dan u ah.

Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo degmada Warshiiq

0

Warshiiq (SNTV) Mashaariicdaan Horumarineed ee laga  Hirgelinayo  Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka mid ah  Ceel Biyood leh biyo macaan, kaasi oo ay dhagax  dhigeen maamulka degmada Warshiiq iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele, iyadoo uu taaganyahay  riigii ceelka qodayay iyo mashruuc degmada Warshiiq looga  sameynayo  leerarka cadceeda ku shaqeeyo oo laga hirealiyay degmada Warshiiq  ee gobolka  Shabeelaha Dhexe.

Degmada Warshiiq oo ka tirsan  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa horay ugu jirtay biyo xumi iyadoo aysan laheyn ceel biyood wanaagsan, waxaana ku yaala ceel biyood leh biyo dhanaan ah oo  bulshada  ku nool degmada Warshiiq ay  ka haysatay  dhibaatooyin dhinaca helitaanka biyo nadiif ah, iyagoo sidoo kale culeys ku qabay helitaanka koronto joogta ah.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed xuseen Axmed (Shiidka)  ayaa  ka warbixiyay mashaariicda  horumarineed ee laga hergalinayo degmada Warshiiq, waxaana uu tilmaamay in hadii ay soo gaba gaboobaan ay fursad fiican u tahay shacabka degmada.

Xildhibaan  Maxamuud Xuseen  Mooge oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeele  ayaa ka  hadlay muhiimada  mashaariicdan  lagu hormarinayo degmada,  wuxuuna ku booriyay  bulshada  ku nool degmada Warshiiq  in ay ka shaqeeyaan horumarka degamda.

Michael  Kenya kisa oo ka socday  Hay’adda  Ceelka qodaysay oo lagu magacaabo  Somali Stability Fun ayaa ka hadlay faa,iidada ceelkan uu u leeyahay bulshada ku nool degmada Warshiiq.

Wasiirka wasaaradda  Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele Axmed Muuse Xuseen  ayaa sheegay in wasaaradda Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele ay ka shaqeyn doonto horumarka  gobolka Shbeelaha Dhexe.

Kusimaha Danjiraha Soomaaliya ee kuwait oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Kuwait.

0

Kuwait(SNTV):–Kusimaha Danjiraha Soomaaliya ee kuwait Abiib Muuse Faarax ayaa la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Kuwait.

Mudane Abiib Muuse Faarax ayaa ardayda ka dhageystay warbixino la xiriira nolosha guud ee ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha wax barasho ka helley wadanka Kuwait.

Danjire Abiib muuse farax ayaa kula dardaarmey ardaydaas in ay noqdaan kuwo lagu daydo hormuudna u ah ardayda kala duwan ee ay la noolyihiin, sidoo kelina ka qeybqaataan doorkooda ururka ardayda Soomaaliyeed ee kuwait.

Qaar kamid ah Ardeyda oo iyaguna goobta ka hadley ayaa Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada kuwait u mahadceliyey, iyagoona ballan qaaday in ay fulin doonaan dhamaan dardaaranka uu u soo jeediyay ayna ku dadaali doonaan waxbarashada,kana mira dhalin doonaan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale safiirka ku wehliyey xoghayaha koowaad ee Safaaradda Farxaan Gurxan iyo gudoomiyihii hore ee ururka Ardayda Soomaaliyeed ee kuwait Abdiraxman xaji shekh Maxamuud abdibari.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabadda xilwareejinta ah oo ka dhacday Muqdisho  ayaa waxaa  ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, hantidhowraha guud ee qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya mudane Saalim Caliyow  Ibrow, oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay in mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu wasaaradda madaxda ka ahaa guul badan ay gaareen, isagoo sheegay in ay ku dadaaleen sidii wasaaraddu saldhig u yeelan laheyd taasna meel wanaagsan ay mareyso.

C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, ayaa balan qaaday in shaqada wasaaradda la dardargelinayo.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha  mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay ka shaqeyso labo qeybood oo muhiim u ah nolashada bulshada isla markaana ka xukuumad ahaan ay fududeyn doonaan sidii shaqadaas looga miro dhalin lahaa.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada fatahaadaha iyo duufaanada dalka qeybo kamid ah ka dhacaya kuwaas oo dad badan ku naf waayeen isla markaana hanti badan ku burburtay.

Tahriibayaal Afrikaan oo Soomaali ay ku jirto oo lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya

Liibiya(SNTV) Wararka laga helayo Dalka liibiya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashey Rasaas lagu furay dad Tahriibayaal Afrikaan ah oo Soomaali ay kujirto,kuwaasi oo ka soo baxsaday xabsi kuyaalay dalkaasi.

Muqalisiin ku sugan Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramaya in ay rasaas ku fureen illaa 100 qof oo tahriibayaal ah,kuwaas oo isku dayay in ay ka baxsadaan meel lagu hayay,waxaana ka dhashey Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobta ay wax ka dheceen ayaa ah magaalada Bani Walid ee Dalkaasi Liibiya,waxaana ku dhimatay 15 qof oo kamid ah dadkaasi baxsadka ahaa,iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay illaa 25 qof sida ay soo tabisay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF oo war ka soo saartay dhacdadaasi.

War ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay ay ka midyihiin Soomaali, dad u dhalashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Wadanka Liibiya ayaa noqotay dalka ugu badan ee laga tahriibiyo dadka doonaya in ay galaan Qaaradda Yurub,hase ahaatee waxaa ay dadku kala kulmaan dhibaatooyin xooggan tahriibkaasi.

Warka hay’adda ayaa intaasi ku daraya in kooxo kala duwan ay kala iibsadeen tahriibayaasha, iyada oo meel lagu haystay muddo 3 sanadood ah,Balse markii ay u adkaysan waayeen ayay isku dayeen in ay baxsadaan, xilligaas oo rasaasta lagu furey.

Kumanaan muhajiriin Afrikaan ah oo Soomaali kujirto ayaa ku dhimatay Badda  loo yaqaano Mediterraneanka oo isku xirta Afrika iyo Yurub,iyagoo baadi goobaya sidii ay u heli lahaa yeen Nolol ka duwan midda dalkooda kajirta.

Aqalka Sare oo lacag ugu deeqay qaar kamid ah dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo Duufaanada ku dhuftay Dalka

0

Muqdisho(SNTV) Kulankan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan amaanka,iyo arrimaha gurmadka Fatahaadaha,oo guddigaasi ay si weyn uga hadleen.

Guddiga ayaa marka ugu horeysay wuxuu baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,iyagoona fariin loogu diray madaxda Puntland iyo Soomaaliland.

Dhinaca kale intii kulankaasi uu socday ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha ee Aqalka Sare ayaa lacago ugu deeqay dadka ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolada dalka sida deegaanada Jubbaland,Puntland iyo Somaaliland,iyagoo ku sheegay in Aqalka Sare uu dhibaatooyinka la qeybsanayo shacabka.

Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag Dheer ) ayaa sheegay in mar kale Senatorada ay lacago u uruuriyeen dadka Soomaaliyeed oo qaar ka mid Gobolada Dalka ku dhibaataysan.

“Waxaan rabnaa in maanta markale aan idin sheeegno in aan iska uruurinay lacag ka badan 50,000 kun oo dollar,lacagtaasi oo sidoo kale ay iska soo uruuriyeen Xubnaha Aqalka Sare tabarta ayaa intaasi la eg balse kama harayno in aan u gurmano dadka dhibaatadu haysato,waxaa dhacday Musiibo Qaran,waa in lagu buraarugaa meelaha qaar waxaa ka dhacay Duufaanno, markale waxaan ugu baaqeynaa shacabka in ay u gurmadaan walaalohooda,waxaan rabnaa in aan idin sheegno sida aan ugu talagalnay lacagtaasi,inkastoo aysan waxba u tarin”.Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).

“lacagta oo 50,000 kun ah 20,kun oo kamid ah waxaan ugu talagalanay dhibaatadii ka dhacday Soomaaliland gaar ahaan Owdal,waxaan rabnaa in aan hortiina ugu wareejino Senataradii aan u wakiilanay,waxaan sidoo kale aan rabnaa in aan Jubbaland ku wareejino 20,kun oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Jubba,sidoo kale waxaa lacag kale oo dhan 10,kun ugu deeqnay qaar kamid ah dadka kunool goobaha ay dhibaatadu ka jirto ee Puntland”. Ayuu yiri Senator(Dhag-Dheere).