Ku-simaha ra’iisul Wasaaraha Oo Daah-furay Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ku-simaha ra’iisul wasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta daah-furay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha ayuu ku-simaha ra’iisul wasaaruhu ka billaabay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo horay ra’iisul wasaare Khayre kula ballantay in sannadkaan ay soo dhamaystiri doonaan shan halbeeg oo waawayn.

Wasiirka caafimaaka iyo daryeelka xukuumadda ayaa maanta saxiixday shanta halbeeg ee horay u ballan qaaday in ay fulin doonto sannadkaan 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo mas’uul ka ah daba galka hannaan fulinta ballan qaadyada uu si joogta ah wasaaraha u booqan doono si uu u hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishaan Janaayo waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...