kulanka ayaa la isku weedaarsaday fikrado kala duwan iyadoo si weyn diiradda loo saaray sida ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo barashada farsamooyinka gacanta.
Wakiilka Hey’adda Niis ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Du’ale oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kulankooda diirada ku saarayaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamed Cadde Muqtaar ayaa sheegay iney ka shaqeyn doonaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax baratay.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo shirka soo xiray ayaa sheegay ineey wasaaradda ka go,antahay horumarinta farsamada gacanta oo ay dadkeenu caan ku yihiin.
kulankan oo ay kasoo baxeen qodobo muhiima ayaa hordhac u ah shirweyne weyn oo looga hadli doono siyaasadda guud ee barnaamijka barashada farsamada gacanta oo la qaban doono dhamaadka sanadkan.
Muqdisho (SNTV);- Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin MP, ayaa safarkii ugu horeeyay ku timid daba-yaaqadii todobaadkan Soomaaliya,iyadoona booqatay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Wasiirada Baldwin ayaa safarkeedi imaanaya,xilli dhowaan safar ay ku timid Afrika Ra”iisal Wasaaraha UK, Theresa May, iyadoo shaacisay taageero cusub ay u balan qaaday Soomaaliya, sidii looga xal gaari lahaa arrimaha ammaanka iyo xasiloonida.UK ayaa kamid ah sadeexda wadan ee ugu horeeya, deeq bixinta Soomaaliya.
Wasiirka UK ee Arrimaha Africa, Harriet Baldwin MP,waxay Muqdisho kulan kula qaadatay Ra’isul Wasare Hassan Ali Kheyre, iyadoo ku boogadisay arrimaha hormarineed ay hirgelisay dowladda,waxayna balan qaaday inay Dowladda Ingiirska xoojineyso taageerada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kuna cel celisay mashaariicdii horumarineyd ee muhiimka ahaa oo ay hirgalisay Dowladda UK.
Booqashadan aya imaanayso,iyadoo goor sii horeysay ay Wasiirka shir Guddoomisay kulan looga hadlayay arrimaha amniga Soomaaliya oo ka dhacay magaaladda New York.
Intii ay Muqdisho joogtay waxay booqatay xarunta Boooliska lagu tababaro taaso oo ay maalgaliso UK iyo xarumaha AMISOM, iyadoo ka codsatay wadamada aduunka in ay deeq bixintooda lacageed ku aadan AMISOM ay sii kordhiyaan.
Mar ay kulan la yeelatay wadamada adduunka ee deeq bixinta arrimaha bani’aadmiga ayey ku balanqaaday in ay UK safka hore ugu jirto arrimaha bani’aadmiga iyo deeq bixinta.
Mrs. Harriet Baldwin MP, aya waxay kale oo afka ku dhufatay balanqaadkii $60million ay ubalanqaaday Soomaaliya Raisul Wasaarajha UK Theresa May sidii lagu horumarin lahaa mashaariic farabadan oo arrimaha bini’adminimada qeyb ka tahay.
Maalintii labaad ee boqashadeeda ayaa waxay socdaal ku tagtay magalada Hargeysa. Waxay shir laqadatay Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Muse Bixi, iyado kala hadashay Mashaariicda hormarineed, shaqa abuurka dhalinyarada iyo horumarka dhaqaalaha.
Hadal kooban oo ay jeedisay markii booqashada u soo dhammaaday ka dib ayaa waxay Tiri,”
“Marki ugu horeysay aan booqasho ku imaado Soomaalia, waxa farxad ii aah in an la kulmay Ra”iisal wasaare Kheyre. annigoo ka wada hadalnay arrimaha na quseeyo ee ah arrimaha amaanka iyo horumarka Soomaaliya.UK waxaa ka go’an in ay caawiso Soomaaliya dhinaca amniga, sidii lo qaban lahaa doorasho dumuqraadi ah,taasoo qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka dhinaca dhaqaalaha oo ay ubahantahay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed”.
Harriet Baldwin, UK Minister for Africa, meets with senior officers from the Somali National Army (SNA), during a working visit in Mogadishu, Somalia, on 6 October 2018. AMISOM Photo / Omar AbdisalanAmbassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and other senior officers of AMISOM, meet Harriet Baldwin, UK Minister for Africa, in Mogadishu, Somalia, on 6 October 2018. AMISOM Photo / Omar Abdisalan
Muqdisho (SNTV);- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay.
Ra’iisul wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaaro hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.
Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika.
Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Ku-simaha Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Pinji Gardiyola, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu Ururka Midowga Yurub siiyo M/mulka G/Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada Gobolka Banaadir, isagoo xusay muhiiddda ay leedahay in la sii xoojiyo.
“Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo badan, Maamulka Gobolka Banaadir-na isagoo ka faaiideysanaya fursadahaas wuxuu ka helaa taageero joogto ah, maantana waxaan ka wada hadalnay sidii taageeradaas loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada horumarinta”.
Dhinaca kale, Duqa Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mss Dyane epstein , iyagoo ka wada hadlay arrimaha barakacayaasha, horumarka Caasimadda, arrimaha Socdaalka iyo sidii IOM ay gobolka banaadir gacan uga siin lahayd shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed
Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu diiradda saaraya sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii bulshada ee ku bur-buray dagaalladii sokeeye, isla markaana bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin.
Muuqdisho, Oktoobar 7, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.
Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo.
Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.
Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.
Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo.
Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda.
“Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka.
Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Annett Günther, Safiiradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya.
Wasiir Axmed Cawad ayaa soo dhoweeyay Marwo Annett Günther, Safiiradda loo soo magacaabay dhowaan Soomaaliya, waxa uu u rajeeyay guul inay ka soo hoydo howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku garab siin doonto shaqadeeda danjiranimo ee Soomaaliya.
Safiiradda cusub ee Germany ayaa carabaabtay sida dowladdeedu ugu diyaar tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya si loo gaarsiiyo heerkiisa ugu sarreeya oo dhinac waliba leh.
Intii kulanku socday ayaa waxaa looga wada hadlay qaabka sare loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah oo dhinac kastaba leh, sidoo kale waxaa la isla faaqiday arrimaha ka taaggan xilligan gobolka iyo dunida.
Muqdisho (SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in laga soo dejiyo dekedda iyo dhammaan soohdimaha dhulka ee magaalada Muqdisho gaadiid Mooto Bajaajka ah oo cusub.
Guddoomiyaha ayaa u muddeeyey labo bilood oo maanta ka bilaabanaysa, dadka ay haatan kaga jiraan gaadiidkaasi dekedda iyo kastmyada magaalada Muqdisho.
Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay wadeyaasha gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya Caasimadda in ay ka digtoonaadaan khataraha shilalka oo marar badan ay soo diiwaan geliyeen Ciidanka Ilaalada Waddooyinku shilal sababay khasaare nafeed iyo mid maalba.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadeyaasha Bajaajku ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, una hoggaansamaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo hannaanka waddo marista Caasimadda.
Go’ankan ayaa salka ku haya talo soojeedin ka timid Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo odoroosay tirade xad dhaafka ah ee gaadiidka Bajaajka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga Caasimadda.