Home Blog Page 1119

XARUNTA DEGMADA HELIWAA OO DIB UDHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY

0

Muqdisho (SNTV) Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxa ay dib udhis, Qurxin iyo Qalabeyn ku sameeyeen Xarunta iyo Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maamulkaas, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo quruxda ay leheyd degmada Heliwaa.

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Abdulhakiim Omar Abdulle oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in asiga iyo maamulkiisu ay ku howlan yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda iyo amniga degmada, si shacabka ku dhaqan degmada Heliwaa ay ugu dhiiradaan horumarinta deegaankooda maadaama ay saameeyen dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

“Anaga Degmada Heliwaa uma imaan in aan ka shaqeysano ee waxaa u imaanay in aan u shaqeyno shacabka dhibaateysan ee ku dhaqan gudaha degmada Heliwaa. Insha allah waxaa qorsheyneynaa in sanadka soo socdo aan ka shaqeyno arimo badan oo ay ka mid yihiin dib udhiska wadooyinka baaba’san iyo furista Xafiisyo ay ku shaqeeyaan Maamulka Waaxyaha Degmada Heliwaa, si loo daadajiyo nidaamka dowlad wanaaga” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle.

Sidoo kale Gudoomiye Abdihakiin ayaa sheegay in isla sanadkaan ay degmada Heliwaa ka hirgalin doonaan qaar ka mid ah xafiisyada Adeegyada Dowlada Hoose ee ay ka mid yihii xafiiska fasaxyada dhismaha, Xafiiska Dhalashada iyo Sugnaan, Xafiiska Shatiyada Ganacsiha iyo Xafiiska Duplicateka si bulshada ku dhaqan degmada Heliwaa ay u helaan adeeg dowladeed oo dhameystiran.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Md. Abdulhakiim Omar Abdulle ayaa shacabka degan degmada Heliwaa waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga iyo horumarka degmadooda si loo suuliyo fikirka qaldan ee laga qabo degmada Heliwaa oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn Gobolka Banaadir.

War-murtiyeed: Kulan Hawleedka Saddex-Geesoodka ah ee Hay’adaha Dastuurka oo soo xirmay

Muqdisho (SNTV)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka.

Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheeyre oo shirka soo xiray ayaa boGgaadiyay waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen seddexda hay’ad, waxa uuna sheegay in xukuumadda ay ku garab taagantahay hay’adaha sidii loo dhameSAytiri lahaa Dastuurka.

Sidoo kale waxaa dhankooda xiritaanka shirka ka hadlay Wasiir Cabdi Xoosh, Gudoomiye Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiye Maxamed Daahir Afrax iyagoo si wadajir ah u ballanqaaday in hay’adaha ay si labalaabi doonaan howlahooda korna u sii qaadi doonaan wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warbaahinta u akhriyay War-murtiyeedka ka soo baxay shirka oo u qornaa sida tan:-

WAR-MURTIYEED:-

Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-u- eegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -u- Eegisda iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 4 – 7 Febraayo 2019, ayaa lagu qiimeeyay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadkii 2018 iyo sii ambaqaadka sanadka 2019.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’adaha dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga lasocodka Dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayadoo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adaha caalamiga ee UNSOM, UNDP iyo Max Planck.

Saddexda hay’adood ee Dastuurka markii ay si qoto-dheer dib–u –eegis ugu sameeyeen tubta geedi socodka dib -u -eegista Dastuurka isla markaana qodob-qodob loo dul istaagay qorshahaas, waxaa la isla qiray in horumar weyn laga gaaray fulinta tubta geedi socodka dastuurka; waxaase soo baxay caqabado dhowr ah oo isugu jira kuwo la xiriirra qaab-dhismeedka, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Caqabadaha saameeyay habsami usocodka dib-u-eegista dastuurka 2018 waxaa ka mid ahaa:

Khilaafaadka siyaasaadeed ee u dhexeeyey Dowladda Federalka Soomaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, walaac laga muujiyay hay’ado aan dastuuri ahayn oo faraha kula jiray dib-ueegista Dastuurka, ergadii mataleysay Dawlad Goboleedyada kuna biiri lahaa Guddiga Madaxabannaan oo aan wali la dhamaystirin, isbarbar yaac ka jiray arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka, iska warqab la’aan ka jirtay hay’adaha taagera geedisocodka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyaddii loo qoondeeyey dib-u-eegista dastuurka ee 2018 oo aan sidii loo qorsheeyey loo helin iyo qoondadii 2019 ee hay’adaha dastuurku ay gudbiyeen oo aan la tixgalinin.

Hadaba, hay’aduhu waxay soo jeedinayaan in la qaado tallaabooyinka soo socda si loo xalliyo caqabadahaas:

1- In laga fogaado khilaafka siyaasadeed ee dhaawici kara geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka lana dadajiyo Arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, sida qodobada 54aad iyo 122aad, wada hadalka Soomaaliland IWM ah.

2- Geeddi-socodka Dib-u-eegista dastuurka waa inay hogaamiyaan seddexda hay’adood ee heer Federaal ee loo igmaday.

3-In Wasaaradda Arrimaha Dastuurku ay ku soo dhameystirto sida ugu dhakhsaha badan ergadii ku matali lahayd Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.

4-Waxaa lagu heshiiyey in arrimaha wacyigelinta si wadajir ah looga hawl galo ayadoo la raacayo Qorshe-Hawleedka Geeddi Socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

6-Wasaaradda Arrimaha Dastuurku waa in ay u hawl gashaa sidii la isugu keeni lahaa dhammaan hay’adaha caalamiga ee taageera dib-u-eegista dastuurka si loo looga yeesho aragti midaysan taageerada hawlaha geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

7-In Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ay bixiso miisaaniyaddii loo qoondeeyey Dib-uEegista Dastuurka 2019, islamarkaana dib-u-eegista miisaaniyada xiliga dhexe ee 2019 qoondo ku filan loogu daro hay’adaha loo igmaday dib-u-eegista dastuurka.

8-Waxaa la go’aamiyay in la bilaabo latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay laga bilaabo bisha Maarso 2019.

9-Waxaa la isla gartay in ladadajiyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka cutubyada ka harsan.

10-Waxaa lagu boorinayaa dhamaan hay’adaha qaran ee ay quseeyso shuruucda iyo hay’adaha hortabinta u leh dib-u-eegista dastuurka inay soo dhamaystiraan shuruucda iyo dhismaha hay’adaha looga baahanyahay.1

1-Waxaa lagu balamay in kulanka xiga ee qiimaynta dib-u-eegista dastuurka ee hay’adaha dastuurka inuu qabsoomo 1da Juun 2019.

Gabagabadii, hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay ugu bishaaraynayaan ummadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista dastuurka laga gaaray horumar wayn lana dhamaystiri doono inta dhiman sida ugu dhaqsiiyaha badan. Kulanka waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Ballan Qaaday Dhamaystirka Dastuurka

Muqdisho (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, ayaa sheegay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista, uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka, isaga oo ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo halbeegyada la doonayo in sannadkaan lagu dhaqan geliyo ayaa waxaa qayb ka ah dhameystirka hannaanka dib-u-eegista iyo qabya tirka dastuurka.

Danjiraheenna Suudaan oo la kulmay dhiggiisa Dalka Tuniisiya ee fadhigiisu yahay Khartoum

0

Khartuum-(SNTV)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan,Mudane Cabdrisaaq Axmed Shoole, ayaa Xarunta Safaaradda ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Tuniisiya ee Khartoum Mudane Al-Haashimii Cujeylii.

Labda Danjire ayaa iska xog wareystay xaaladaha Gobolka iyo sidii loo kobcin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal.

Danjire, Shoole ,ayaa uga warbixiyey dhiggisa Tunisia hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Soomaaliya iyo horumarka ka socda, isagoona dul istaagay dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu shacabka Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in ay dalkooda dib u dhistaan.

Danjiraha, Dalka Tunisia ee Khartoum ayaa bogaadiyey dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka, waxa uuna xusay in argagixisadu ay caqabad ku yihiin dhammaan caalamka, loona baahan yahay in la iska kaashado ciribtirkooda.

Labada Danjire ayaa wada jir ugu tacsiyeeyay qooysaskii iyo qaraabadii ay ka shahiidiin muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxii argagixisanimo ee maalinnimadii Isniinta ka dhacay Caasimadda Muqdisho, iyagoona Alle uga baryey naxariis, dadka dhaawaca ahna caafimad deg deg ah.

Danjire, Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa wada dadaal ku aaddan sidii loo xoojin lahaa kaalinta diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay dalkan, maadaama Jamhuuriyadda Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dhaq-dhaqaaqyada diblumaasiyadeed ee Afrika iyo dalalka Carabtaba.

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.

“Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta.

Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen.

“Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.”

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah.

Danjire Tarsan “Cunna qabataynta hubka ee Soomaaliya waxay yaraynaysaa awoodda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi wayn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika.

Wareysi uu siiyay Wargeysta Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay “Waxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan. Laakin ciidankeennu waxa uu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar. Ciidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada AL-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?”

Danjiraha ayaa sii raaciyay “Tusaale, Mareykanka -oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka- ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xataa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaa dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaab”.

“Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjire Tarsan yiri “Aragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayay ahayd in ay naga caawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda. Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaas”.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee dagaal kula jira laba urur argagixiso oo caalami ah.

“Kaliya lama dagaallamayno Al-Shabaab, laakin waxaan sidoo kale la dagaallamaynaa ISIS ama Daacish. Soomaaliya waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo ku jira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna. Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen. Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aanan hubeyn karin ciidankeenna? Sidaas darted, waxaan jeclaan lahayn in dowladaha gobolku oo ay Kenya ugu horreyso nooga ololeeyaan fagaarayaasha caalamiga ah si cunaqabataynta hubka looga qaado waddankeenna.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga ganacsi iyo ammaan ee labda dal iyo waliba horummarada dhaqaale, siyaasadeed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira waddanka Soomaaliya.

Hay’adda NISA oo faah faahisay howlgal lagu dilay maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan

0

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ballaaran oo ka dhacay xarumo maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ay ku leedahay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Farsoolya laguna dilaya ilaa 40 xubnood oo k atirsanaa Alshabaab.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood”. Ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo isugu jira weeraro circa iyo dhulkba leh

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo ka qayb galaya wareega 3-aad ee Barnaamijka Isxilqaan

0

Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ka qayb qaadaneysa  Barnaamijka Isxilqaan oo Lagu dhisayo xarumaha danta Guud ee dalka .

Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta ayaa maanta uga  qayb galay Tiyaatarka iyo Maktabadda Qaranka Barnaamijka Isxilqaan, oo u Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo  u dhawaan ku dhawaaqay qorshahan isxilqaan kaas oo lagu dhirigalinayay  Iska wax uqabso  Bulshada Soomaaliyeed ,waxaa u  sheegay Farmaajo  inuu yahay  mid muhiim u ah dib u dhiska dalka madaama u mudo labaatan iyo sagaal sanaadood ah  u dalku ku jiray burbur una baahan yahay in dib loo dhiso goobaha danta guud ee dalka.

Baraamijkan ayaa waxaa ka qayb galay qaar kamidah  shaqaalaha dowladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa hogaaminayo Shaqaalaha  saakay kaqab qadanaya Baraamijka isxilqaan ee dhismaha xaruumaha danta guud ee dalka ,waxaa uu  tilmaamay iney waajib ku tahay muwaadin kasta inuu ka qayb qaato dhismaha dalka.

dav
dav
dav

 

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 5-aad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta

0

 Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February ,  iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan.

Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Dadka aqoonta uleeh sameeynta agabka hidaha iyo dhaqanka soomaalida oo sii yaraanaya

0

Dadka Reer miyiga ayaa wali magaalooyinka dalka ka iibsada agabka hidaha iyo dhaqanka oo ay farsameyaan haweenka, rarooyinka  laga sameeyo cawada ayaa ah mida dhidibada loogu tago aqal soomaaliga.

Agabyada kale ee loo is ticmaalo dhaqanka waxa ay wali leeyihiin suuq waxayna dadka reer guuraaga  ay aad u iibsada  xiliyada ay doonayaan in ay  yagleelan qoys cusub waxay taasi muujinaysa sida dadkeenu uga qayb qaadanayaan sii jirista dhaqankeena soojireenka ah oo wali dalkeena kudanbeeya.

Haweenka sameeya  Agabka aqal soomaaliga loo is ticmaalo waxay ku qaadataa mudo sameeynta Agabka  waxaa loo  iibgeeyaa  magaalooyinka gobolada dalka sii halkas loogu iibiyo aalaabaha hidaha iyo dhaqanka ay soo saaran.

Haween badan ayaa dhaqaale aan badneen  kasoo gala sameeynta iyo iibinta alaabaha hidaha iyo dhaqanka waxa ayaa waxaa ay  ku maareeyan nolosha qoysaskooda.

Abaaraha kajira gobolka dalka  ayaa  saameyn kuyesheen suuqyada lagu iibiyo agabka xiliga jiilaalka waxaa hoos udhac ku yimada dadka iibsanaya alaabaha dhaqanka iyo hidaha ,waxaan sii yaaranaya  dadka aqoonta uleeh wax soo saarka agabka dhaqanka iyo hidaha ee ay isticmaalan dadka reer guuraga ah.