Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada,

Wasiirka waxbarashada  waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.

“Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.”

“Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah  xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw  labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada

Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz wuxuu  ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.

DowladdaTurkiga  waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay  dib u soo kabashada  dalka, waxaan u uga mahad celinayaa  danjiraha  dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...