Home Blog Page 1116

Shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland

0

22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow ula socon doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wajiga labaad ee shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo siin lahaa nolosha dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo deegaanadooda oo ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada iyo Haweenka.

Agaasimaha Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay magaca Dhalinyarada ayaa warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen muhiimada in si dhow loola socdo goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan yahay si aysan saameyn uga soo gaarin dadka rayidka ah.

Shirkaas kadib Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka Switzerland, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo insaaniya , sidoo kale Wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay muhiimada midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u dhiska dalka.

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka

0

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruuxda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

Ku dhawaad 100 qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay Cong

0

War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto.

Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi.

Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaarayso ilaa  shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,dowladda Congo ayaana sheegaysaa in cudurkan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee abid soo mara dalkaasi.

Warka ay soo saartay Hay’adda Save the children ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka.

Wadanka Dalka Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola,hase ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda haatan ay tahay midi ugiu darnayd abid soo marta dalkaasi.

Dhanka kale maleeshiyaadka ka dagaalama dalkaasi Condo ayaa la sheegayaa in ay caqabad ku yihiin amniga dadka dhaqaatiirta ah ee la tacaalayaa cudurkaasi,taasi oo keenysaa in ay is hortaagaan howlwadeenada caafimad.

Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka

0

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.

Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galayaasha shirka u sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhaqan-gelinta qorshaha daynta looga cafinayo dalka, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhiirri gelinta ganacsiga xorta ah, waxa uuna ku dhiirri geliyay dhammaan dhinacyada halbeegyada ku leh Tubta in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan qabashada hawsha kaga aadan gaaridda himilooyinka dhaqaale ee dalka.

Kulanka maanta ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qabto goob ka baxsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshada ayaa waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuq-gaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

Himilooyinka iyo ajandayaasha tubta horumarinta dhaqaalaha waxaa ugu horreeya in guul lagu dhaqan geliyo Barnaamijka hay’adda Lacagta aduunku ay kula socanayso hadafyada iyo siyaasadaha maaliyeed ee dalka (SMP), in sare loo qaado dakhliga gudaha si looga maarmo kaalmo dibadda ah, in la hurumariyo hay’adaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, awoodaynta qaybaha wax soo saarka dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Akhriso: Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika

0

Adis-ababa (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Adi-ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Shirkan oo diirada lagu saaray Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wuxuu ugu baaqay Madaxda Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii.

  Halkaan Hoose Ka Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS:-

Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda,

Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha,

Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Martida Sharafta leh,

Mudanayaal iyo Marwooyin

Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul.

Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida.

Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Mudane Guddoomiye,

Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga.

Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni.

Soomaaliyana waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan.

Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca.

Mahadsanidiin.

Wasaarada Gaadiidka XFS oo dhaqangelinaysa shuruucda badqabka gaadiidka & nabad gelyada waddooyinka

0

Muqdisho (SNTV):- Kulankani oo ujeedkiisu ahaa dhaqan gelinta mashruuca tijaabada badqabka gaadiidka iyo nabad gelyada waddooyinka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda,xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka kala socotay taliska tarafikada,CID,iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gaadiidka iyo ganacsatada.

Agaasimaha waaxda Diwaangelinta Gaadiidka Rayidka ee wasaaradda Fisha gaadiidka Hibaaq Saalax Cumar ayaa sharaxday sharciyada muhiimka ah oo ay tahay in la dhaqan geliyo.

“ Shurudaha gaadiidka laga rabo,tijaabada badqabka Gaadiidka in uu ka gudbo kow,Bareega Gaadiidka dhammaan taageerada Bareega waa inuu u qabtaa si isku mid ah,faroodooyinka horey iyo gadaal waa in Hilibkoodii uu joogo,Bareega A, B iyo C wuxuu u kala saarayaa qeybaha guud ahaan laga rabo in uu ka wanagsanaado,qeybta labaad gaarigu waa in uu ka wanagsanaado Taayeerada Gaadiidka waa in ay yihiin kuwo siman oo aan kala gaabnayn”. Ayay Tiri agaasime Hibaaq.

Dhammaan xubnihii kala duwanaa ee halkaais ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabad gelyada wadooyinka.

Awesy Macalin Yarow taliyah qeybta nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dowrkooda kaga aadan dhaqan gelinta shuruucda nabad gelyada iyo badqabka gaadiidka.

Cali Gacal Gaabow Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa siweyn uga hadlay sharciyadan ay tahay in la dhaqan geliyo si loo ilaaliyo badqabka gaadiidka iyo nabad geliyada wadooyinka..

Haddii aan wada shaqeyn oo boolisku uusan shaqeyn, gobolka uusan shaqeyn,daladda gaadiidka aanay shaqeynin ama ganacsatada gaadiidka, magaari karno minimum standar,waxaa aan rabno marka waxaa waaye in gudiga gaadiidka Xamuulka ah in ay wacyigashan yihiin oo ay shaqeeeyaan,baabuurka Dekedda galaya waa in uu yahay minimum Standar”. Ayuu yiri agaasime Cali Gacal.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Baaqay Madaxda Afrika in ay Qaataan Siyaasado Waxtar u leh Qaxootiga iyo Barakacayaasha

0

Addis Ababa (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha.

“Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamkaba.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda.

“Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-gelaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha.

Ciidanka Badda Soomaaliya oo u dabaal degay Xuska 54 Aad ee kasoo wareegtay Aas aaskooda

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay.

Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan   oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca  Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Admiraal Guuto Cabdi Warsame  Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka.

Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Badda Soomaaliya oo u dabaal degay Xuska 54 Aad ee kasoo wareegtay Aas aaskooda

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay.

Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan   oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca  Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Admiraal Guuto Cabdi Warsame  Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka.

Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.