Home Blog Page 1116

Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo xilkii iska casilay

0

Muqdisho (SNTV);– Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa iska casilay xilka agaasimaha Hay’adda,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya  (NISA) Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/10/2018,sababo isaga u gaar ah owgeed waraaqihiisa iscasilaada u gudbiyey Mdaxweynaha JFS,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta Twitterka Hay’adda NISA.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa Xilka Taliyaha Nabad sugida loo magacaabay 19/2/2018,markaasi oo ay Golaha Wasiirada ay meel mariyaan magacaabista Taliyeyaasha Nabad sugida,Booliska iyo Ciidanka Asluubta.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir uga qeyb galay dalka Morocco

0

Rabat (SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Rabat ee dalka Morocco ka qeyb galay shir ay iskugu yimaadeen Wasiirada Waxbarashada dalalka ku jira hay’adda Islamic Educational Scientific and Cultural Organization (ISESCO).

Kulankan ayaa looga hadlay sidii Wasiirada Waxbarashada dalalkan ay iskaga kaashan lahayeen arrimaha waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasiirada uu kulanka la qaatay uu  kala hadlay sidii  door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

“Dhamaan Wasiirada Waxbarashada dalalka ku jira hay,adda Islaamic Educational scientific and Cultural Organization [ISESCO]  waxaan ka wada hadalnay sidii kaalin mug leh uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada Soomaaliya, waana isku afgarnay “ayuu yiri wasiirada waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada dalka ayaa dhawaan ku guuleystay inay hirgeliso manhajka cusub ee wasaaradda ay soo diyaarisay, iyadoo loo qeybiyay iskuulladii dhawaan ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah

0

Muqdisho October 13 (SNTV):- Golaha shacabka ayaa maanta akhrinta 1-aad marsiiyey hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo ay golaha u soo gudbisay wasaardda Haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ,waxa ay mudanayaashagolaha Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah, waxaana Xildhibaanada sharcigan muhiimada uu leeyahay iyo saameeynta maaliyadeed ee uu ku leeyahay miisaaniyada Dalka u faah faahisay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji, iyadoo golaha ka codsatay in sharcigan la ansixiyo.

Qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda kadhiibtay hindise Sharciyeedka iyagoo qaarkood su’aalo hindise sharciyeedkan la xiriira weydiinayay Wasiirka Haweenka, waxaana Ma’uuliyiinta Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka jawaabeen su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad  oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise sharciyeedkan lagu wareejiyay gudiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka si uu waajibaadkiisu uga guto , sidoo kalena xildhibaan walba oo sharcigan daneynaya uu gudiga kala shaqeyn karo maadaamaa uu u fasaxayo xeer hoosaadka golaha shacabka.

Dowladda Soomaaliya oo gudbineysa codsigeeda kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah.

“In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan.

Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo dhagax dhigay Xarunta Tiyaatarka Qaranka

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha ayaa xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud.

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar oo Muqdisho soo gaaray

0

Muqdisho (SNTV):-Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qadar ayaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray, iyagoo hadda kulumo la leh Madax ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulunka Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga ka socda Dalka Qatar ayaa la sheegay in looga wada hadlayo kaalinta Dowladda Qatar ay ka geysan karto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinacyada Horumarinta iyo maalgashiga.

Taallo lagu xasuusanayo xasuuqii 14-kii October oo laga dhisay Isgooska Soobe

0

Muqdisho (SNTV):-Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa taallo xasuus ah ka taagtay Isgoyska KM 5 oo ah goobtii uu ka dhacay weerarkii argagaxiso ee xasuuq shacab geystay.

Taalladan laga dhisay Isgooska Soobe ayaa ah mid lagu xasuusanayo Dadkii Soomaaliyeed ay argagixisada Al-shabaab ku xasuuqeen halkaasi 14-kii Octoober 2017.

Kulan dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada XFS oo looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 ayaa lagu go’aamiyay in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada xuska sanad-guurada koowaad dadkii ku geeriyooday weerarkii argagaxiso ee dhacay 14 Oktober sanadkii hore, Waxaa ka qeybgali doona xuskaasi mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah qoysaska dhibanayaasha iyo dadka Caasimadda.

14 Oktober, 2017, gaari weyn oo xamuul ah oo lagu soo raray walxo qarxa oo tankoodu cuslaa oo uu kaxeynayay naftii halige ayaa lagu beegsaday Isgoyska Zope ee KM 5 ee Muqdisho, oo ah waddo ganacsi oo ciriiri badan, waxa ayna taasi sababtay geerida Shacab badan oo aan waxba galabsan, oo ay ku jireen dad wadada goynayay, dad ka xoogsanayay ganacsiga waratada, looska iyo cadayga ku iibinayay hab socod wareeg ah, dad suuq-tag iyo wax iibsi ku jiray, arday da’ yar, arday jaamacadeed, dad ka cuntaynayay maqaayado, marti deganayd hoteello iyo dad ku tukanayay seddex masjid.

Xasuuqii Soobe wa ficil aan la fileyn oo reebay  naxdin iyo amakaag,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo  iyo burbur hanti ay soo gaartay dad ka badan 1890-ruux waana mid xasuus gaar ah ku leh qalbiyada dadka,isla markaana dhaxalsiisay dhibaatooyin xoog leh.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo laga gudoomay

0

Addis Ababa (SNTV): – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cali Shariif Axmed, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxa uu sheegay in ay jirto yididiillo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee leh taariikh fog si looga dhabeeyo rabitaanka labada shacab ee Soomaali iyo Itoobiya.

Dhankiisa, Danjire Cali Shariif ayaa boggaadiyay xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo rabitaanka guud ee labada dhinac ee lagu qoto dheereynayo xiriirka iyo iskaashiga oo dhinacyo kasta leh.

Mudane Cali Shariif ayaa sidoo kale gudbiyay farriin salaan ah uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda oo ku socotay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya.

Askar ka soo  baxay aag dagaal oo la xukumay

Muqdisho (SNTV)- Laba iyo toban (12) askari oo soo  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday  dib u xureyn  deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka.

20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad  qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee  dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari  oo  loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa  xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda  taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan  jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood   isla qiray  in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen.

Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada  dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka.

Qareenada u doodayay  eedeysanayaasha ayaa  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa  qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda,  doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda  ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo cadaadis adag kusaaraya dowlada sucuudiga in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo kiiska wariye Jamaal kashoogi

0

Muqdisho October 11 (SNTV);-Waxaa Muddo kudhow isbuuc la la’yahay wariye Jamaal khasooqi oo ah saxafi dhaliili jiray siyaasada sacuudiga,

 

Saxafigan ayaa warbixino uu kudhaliilayo siyaasada dowlada sucuudiga gaar ahaan maamulka boqortooyada ee dalkaas kuqori jiray wargeyska Washington post ee dalka mareykanka, waxaana la waayey kadib markii uu todobaad ka hor galay xarunta safaarada sucuudiga ee dalka turkiga ee ktaalla magaalada istanbuul, halkaasoo oo uu ka rabay document ku saabsan guur uu rabay inuu gabar la sameeyo.

 

Marki uu galayey safaarada waxaa la socotay gabadha uu guursan rabay oo laghu Hatice Cengiz   oo uu usii sheegay in haddii ay wayso ay dadka usheegto.

 

Waxaana dadka ugu wardambeysay xilligi uu safaarada galayey, muuqaalo lasoo dhigay wakaalada wararka ee Reuters ayaa muujinaya isagoo sii galaya xarunta safaarada, iyo isagoo taagan mid kamid ah xafiisyada safaarada iyadooo ay ku hareereysanyihiin rag muuqaaladooda la calaaamadeeyey kuwaasoo loo maleynayo inay sirdoon yihiin.

 

Dowlada turkiga ayaa saraakiil soo baarta udirta xarunta, kuwaasoo mid mid u baaray dhammaan qolalka safaarada iyagoo la arkayey iygaoo baaraya armaajooyinka lagu keydiyo feylashada ee safaarada,

 

Waxaa loo maleynayaa in wariyaha lagu dilay xarunta safaarada hase yeeshee waxaa arintaas beeniyey Shaqaalaha ka shaqeya safaarada kuwaasoo sheegay in wariyaha uu kabaay safaarada isagoo bad qaba.

 

Hadaba dowladaha mareykanka iyo ingiriiska ayaa kucadaadinaya sacuudiga in soo xaqiijiyaan kiiska wariyaha haddii uu dhinto iyo haddii kale.

 

Xoghayaha arimaha dibada ee ingiriiska jermy hunt ayaa qadka telefanka kula hadlay dhigiisa sacuudiga caadil al jubeyri isagoo kala hadlay kiiskaas una sheegay in si deg deg ay arintaas usoo xaqiijiyaan.

 

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee ingiriiska ayaa sheegay in Uk ay dalbatay sucuudiga in wax un ka sheegto xaalada wariyaha taasi ay kusameysan karto in Telefishinka ay kasoo deyso muuqaalkiisa,

 

Dhinaca Labo iyo laabatan xubnood oo ka mid ah aqalka senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa Madaxweyne Trump u diray qoraal ay ku dalbanayaan in la bilaabo baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la waayey iyo suurta galnimada ah cunaqabatayn la saaro Sucuudiga.

Tallaabadan xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa faraysa madaxweyne Trump in uu cunaqabatayn kusoo rogo Sucuudiga, haddii baadhitaanka lagu ogaado in Sucuudigu uu ku lug lahaa in Mr Khashoggi la waayo.

Madaxweyne Trump ayaa weriyasha u sheegay in Mr Khashoggi arrintiisa uu ka la hadlay saraakisha Sacuudiga gaar ahaan kuwa ugu sareeya.