Ku dhawaad 100 qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay Cong

Date:

War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto.

Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi.

Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaarayso ilaa  shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,dowladda Congo ayaana sheegaysaa in cudurkan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee abid soo mara dalkaasi.

Warka ay soo saartay Hay’adda Save the children ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka.

Wadanka Dalka Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola,hase ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda haatan ay tahay midi ugiu darnayd abid soo marta dalkaasi.

Dhanka kale maleeshiyaadka ka dagaalama dalkaasi Condo ayaa la sheegayaa in ay caqabad ku yihiin amniga dadka dhaqaatiirta ah ee la tacaalayaa cudurkaasi,taasi oo keenysaa in ay is hortaagaan howlwadeenada caafimad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...