Home Blog Page 1117

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan miro- dhal ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

0

Izmir (SNTV)- Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga  gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay  Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.

Kulanka oo yimid kadib marti qaad  uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga  u fidiyey  Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray  iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen,  Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo  mashruuca biyo xireenka  magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.

Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay  in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo  qeybaha kala duwan ee beeraleyda  Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan  kana kooban 10 qof.

Ugu dambeyn labada Wasiir  ayaa kawada qaybgalay  bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir,  iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan  , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay.

Madaxweyne Farmaajo oo Addis-Ababa kula kulmay Antonio Guiteres

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Bilal Cusmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo halkaasi ka furmaya,kaasi oo sanadkan lagu lafo-gurayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaarada Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran

Wax ka baro:Taariikhda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

0

Muqdishu-(SNTV)-Ciidaliyamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxay  ka midyihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuu ka kooban Afar tiir oo kala ah:- ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo ciidanka difaaca cirka.

Sanadkii 1963kii waxaa safar magaalada Moosko dalkii hore ee Midowga Soofiyeeti ku tagay ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay xukuumaddii rayidka ahayd ee Soomaaliya Dr.C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Gen. Daauud C/lle Xirsi waxayna heshiisyo la soo galeen daowladii  Midowga Soofiyeeti.

Heshiiskaa oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab milatari oo dhanka Badda ah sida maraakiibta dagaalka,muddo yar kadibna Ciidamada Badda waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysay 40-askari oo isugu jiray Saraakiil ,S/xigeen iyo Dabley,tiradaasi yar ee ciidanka Badda Soomaliya lagu aasaasay ayaa waqti gaaban kadib isku bedelay Ciidamo tiro iyo tayo ahaanba lagu aamini karay ilaalinta Xeebta dheer  ee Soomaaliya.

Bishii febaraayo sanadkii 1965kii dowlada Midowgii Soofiyeeti waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowladda soomaaliya waxayna ku wareejisay ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya maraakiibtii ugu horaysay ee ciidanku ku howlgalay,maalintaasi  ayaa loo aqoonsaday maalinta ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha  jamhuuriyada Soomaaliya.

Ciidamada Badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Midowga Soofiyeeti, mudo sanad ka yar kadibna waxaa ciidanka Badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxayna ciidanka Badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo markii loo baahdo ka dagaalami karay dhulka.

Sanadkii 1977kii ciidamada Badda ee Soomaaliya waxa ay lahaayeen 20-markab,10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berigaba ka dagaalama 15-bar oo xeebaha ku tixnaa, iskuul lagu barto Culuumta badaha oo ay ka soo baxaan ciidanka Badda oo ku yaallay magaalada Baraawe.

Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinka Muqdisho Kismaayo iyo Baraawe.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa soo  hoggaamiyay Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Macoow Col- Cali Xaashi Barre Admiral Maxamed Cumar Cismaan Admiral Saciid C/lla Cumar (Saciid Mariino) Admiral Faarax Qare Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow.

Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii dhamaan saameeyay dalka, waxayna iminka ku howlgalaan Doonyo dheereeya, kuwaa oo sameeya sahan,  kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow,  waxayna fuliyaan  waajibaadka sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada Baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si Badda Soomaaliya looga ilaaliyo baylahada.

Mudnaanta ay leedahay maalintaan qiimaha leh ee sanadguuradii 54aad ee Ciidamadda Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed  awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Aliflayda, dablayda ciidamada Badda iyo Xaasaskooda Madaxwaynaha J.F.S  Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha B.F.S Max’ed Mursal Shiikh C/raxaam, Ra’iisalwasaaraha X.F.S Xasan Cali Khayre iyo  madax kale, dhamman masuuliyiintaan waxay u rajeeyeen Ciidamada Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed inay sanadguuradaan teeda kale  ku gaaraan horumar iyo in ay ku guulaystaan waajibaadka qaran ay dalkooda  iyo dadkooda u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Badda ugu Hambalyeeyay Xuska 54 Aad ee Aas Aaskooda oo Beri ku beegan

Dhanka kaleTaliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse  ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadan  Cilmi Indhaqarshe

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kii,

W/D. Abukar Gobdoon.

Akhriso: Warmurtiyeedka laga soo saaray shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- 6-7da Febraayo 2019, ayaa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay magaaladda Muqdisho ku martigalisay shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ah markii u horaysay ee la qabto ka dib burburkii dawladdii dhexe ee dalka.

Shirka waxa ka soo qaybgalay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah federaalka, hay’addaha kale ee dawlada oo marti-sharaf ahaan uga soo qaybgalay,jaamacaddaha, culimada, bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada caalamka.

Shirka waxa maalintiisii labaad ka qayb galay Madaxweynaha JFS oo hadal-jeedin qiimo badan ka jeediyey madasha shirka isla markaana su’aalo Garsoorka iyo cadaaladda la xidhiidha lagu waydiiyey.

Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962, waxa diiradda lagu saaray wax-qabadka garsoorka sanadkii tagay, caqabadaha ka hor yimid ama hor taagan iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka waxa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib-u-yagleelida garsoorkii dalka

  • madax banaan, karti u leh gudashada xilkiisa, xaqiijinna kara dhowridda saraynta sharciga, isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.

Ka qaybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya waxay soo saareen war-murtiyeedkan

  1. Ka qeybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxa ay Maxkamadda Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka.

2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto.

3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib-u-habeynta balaadhan ee ka soo socota garsoorka, waxaanu soo jeediyey in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dib-u-habeynta Garsoorka.

4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga garsoorka dalka.

5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamaaha wareega iyo bixinta adeeg sharci oo lacag la’aan ah, si ay bulshadu u hesho adeeg. caddaaladeed oo ay gaadhi karaan.

6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka.

7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo dayactirka xabsiyada dalka.

8. Shirku wuxuu soo jeediyay in dib loo yegleelo xafiiska tirakoobka iyo xog ururninta garsoorka Soomaaliya.

9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya.

10. Gunaanad, shir-sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda aadmaha..

  ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiyaha Aqalka sare oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Seoul

0

Muqdisho (SNTV):– Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Xukuumadda ayaa waxay shir caalami ah uga qeyb galeen magaalada Seoul ee caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Nabadda Adduunka (world Peace Federation UPF),ayaa waxaa looga hadlayaa nabad galyada iyo horumarka adduunka.

Shirkan ayaa soconayaa 7-11 Febraayo 2019,waxaana ka soo qeyb galay wafuuf ka kala socotay 110 dal,waxaana si qoto dheer diirada loogu saarayaa sidii dadyawga adduunku ugu wada noolaan lahaayeen nabad galyo iyo horumar dhinac waliba ah, isla markaasna isaga kaashan lahaayeen ilaalinta arrimahaas kor ku xusan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaasi.

Madaxweyne lafta gareen ayaa maalmihii u danbeeyay safar shaqo u joogay magaalada Muqdisho,waxaana intii uu ku sugnaa Muqdisho uu la kulmay madaxda Dowladda Federaalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ku sheegay muhiimada safarkiisii sidii la isugu furi lahaa deegaanada Maamulka Koonfur galbeed loogana xoreyn lahaa kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa wada qorshe la isugu furayo wadooyinka deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaasi oo ay argagixisada ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safraya.

Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay Shirka Nabadda iyo Arrimaha Binu -aadantinimada ee Seoul

0

Muqdisho (SNTV):- Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabsi Mocallim iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaasi kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani-aadanimada.

Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ad magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation, xarunteeduna tahay magaaladan Seoul,waxaana ka soo qeyb galay madax iyo wufuud ka kala socota 110 wadan tiradooduna kor u dhaafayso 700-ruux.

Marwada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay haweenayda ugu sarreysa hay’adda, haweenka martida ah iyo sidoo kale madaxda dalalka qeybta ka ahaa shirweynahan sanadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan nabadda dunida iyo si gaar ah Arrimaha Soomaaliya dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhallaanka.

Marwo Saynab Macallin, Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa lagu sharfay in ay khudbad taariikhi ah ka jeediso kulankan,Iyadoona sanadkan  abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye, iyadoona lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.

Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaareyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku-xigeenno, siyaasiyiin, qoraayo iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah. Sanadkan waxa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyay billado.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Xarunta Bangiga Dhexe ee Dalka

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta halbeegyada ugu jira tubta horumarinta dhaqaalaha.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir oo dib Loo dhisay

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay.

Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-gelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

0

Addis Ababa (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika.