Home Blog Page 1117

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga

0

Riyadh(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa Shirka labaad ee Afrika iyo Turkiga

0

Istanbul (SONNA)–Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Maxamed Xayir Maareeye oo ka qaybgelaya shirweynaha Africa/Turkish Business Forum ayaa la kulmay Wasiirka Ganacsiga ee Dalka Turkiga.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadleen sii xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkey, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo sidii sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa in wax soosaarka Soomaaliya oo Canshuur dhaaf loo sameeyey loo keeni lahaa Suuqyada Turkey.

Shirkaasi oo ah kii 2-aad oo ay ku kulmaan Turkiga iyo Wadamada Afrika ayaa soconaya 10- 11 bishan Oktoobar, loogana hadlayo dhaqaalaha iyo ganacsiga, kaasi oo ka soconaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkani ayaa waxaa badanaa loogu talagalay dhiirrigelinta Afrika iyo maalgashiga Turkiga, iyada oo la falanqeynayo xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Afrika iyo Turkiga, waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu muujiyo rajada laga filayo Agenda 2063 oo ah barnaamij loogu talagalay isbedelka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo Afrika ka dhigaysa mid ah barwaaqo, midnimo iyo dhaqaale oo madax-bannaan.

Shirkaasi oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Ordegan, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirada Dalalka Afrika, NGO-yada, Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Golaha Ganacsiga, Ururada, Ururada Xirfadleyda iyo Ganacsatada ka kala socda Turkiga, Safiirada Safaarada Afrika ee Turkiya iyo Warbaahinta Turkiga iyo Afrika.

Shirkani ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo Maanta oo khamiis ah, lana rajeynayo inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Afrika iyo Turkiga.

SAWIRRO.Xildhibaano dhiiri gelin ugu tagey dad iskood ula dagaalamay Shabaab.

0

Dhowr mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho dhiirigelin ah ku tagey islamarkaana deeq raashin ah gaarsiiyay dadka deegaanka Guullane oo si iskood ah isku abaabulay islamarkaana dagaal kala soo hor jeeda maleeshiyada Shabaab oo ay dhowr dagaal la galeen.

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca ciidamada deegaanka ee is abaabulay ayaa xubnahan warbixin ka siiyay dagaaladii ay la galeen Argagaxisada iyo sida uu abaabulkoodu ku bilowday.

Xubnahan ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ballan qaaday iney ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada iyagoo ku dhiiri geliyay ineysan ka niyad jebin sii wadistiisa,sida uu sheegay Cusmaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha gaadiidka Badda ee Hirshabeelle.

Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka mid ah xubnaha deeqdan raashinka ah gaarsiiyay ayaa sheegay in dowladda federaalku gacan ku siin doonto sidii ay kooxaha argagaxisada ah uga xoreyn lahaayeen dhamaan deegaanada u dhow degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo isna goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay isku day loo baahnaa oo waqtigiisa kusoo beegmay waxa uuna xusay in dagaalkan uu gaari doono ilaa gobolka Mudug qeybaha ay Al Shabaab ka joogaan.

Dadkan oo xoolo dhaqato u badan ayaa bilaabay abaabulkan kadib markii ay Shabaab joogteeyeen xoolo boobid iyo cadaadis joogto ah iyadoo xiisado arintaasi ka dhashay lagu dilay dhowr iyo toban katirsan maleeshiyada Shabaab.

 

Qore.Bashiir Gaani.

 

 

Deeq loo qeybiyay dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool Muqdisho.

0

in kabadan 130 ruux oo ka mid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa,iideystay deeq isugu jirta ulaha ay adeegsadaan dadka aan indhaha wax ka arag,biraha ay ku socdaan dadka naafada ah iyo kuraas,kuwaas oo ay soo dhiibeen muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga oo ku midoobey hay,ad lagu magacaabo Igel oo ka dhisan dalka Switzerland.

deeqdan ayaa waxaa dadka u qeybiyay safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar oo wakiil ka ahaa hay,adda deeqdan bixisay waxaana googjoog ka ahaa halka lagu qeybiyay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyay dadkii soo dhiibay iyo walaalaha Turkiga  oo mar weliba garab taagan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka gargaarka iyo horumarintaba.

Qore.Bashiir Gaani

a’iisul Wasaare Khayre oo kulan la Qaatay Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud

0

Riyaadh October 10 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Sacuudiga Mudane Saalim Macow Xaaji

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Ciidammada Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

“Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”.

Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab.

“Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo Kaashanaya Dowladaha Saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa Howlgalo joogto ka wada guud ahaan dalka, waxaana lagu burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Weeraro ay shacabka ku dhibaateeyaan, sidoo kale waxay Ciidammada la wareegeen deegaano dhowr ah, iyagoona dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyo badan oo Nabad diidka ka mid ahaa.

Duqa Muqdisho “Waa in loo midoobaa dagaalka Argagixisada iyadoo maskaxdeena ay weli ka guuxeyso falkii argagaxisada ahaa ee 14 kii Octoober”

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.

“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo la Kulmay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom

0

Muqdisho October 10 (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah ay ka mid yahiin sidii loo dar dargalin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay’addaha UN-KA Soomaaliya.

Wakiilka cusub ee Jimciyada Quruumaha midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in Somaaliya ay horumar badan ka sameysay Arrimaha Buslahda iyo dhaqaalaha, Hergalinta qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo uu xusay in Hay’addaha UN-ka ay ku shaqeyn doonaan muhiimada ku dul xusan.

Mr Nicholas Haysom ayaa uga mahadceliyay Wasiir Jamaal Maxamed Xasan dadaalada kala duwan ee wasaaradiisa ay ka wado dhinaca horuamrinta iyo jiheenta tubta horumarka Soomaaliya oo wasaaradda ay door muuqda ka qaadanayso, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso Hay’addaha UN-ka iyo Wasaaradda qorsheynta in mudada xil hayntiisa ku egtahay in uu dar dargalin doona.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa Wakiilkan ku bogaadiyay sida ay uga go,antahay xoojinta wada shaqeynta uu la yeelanayo Hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka rajeeyay inuu door weyn ku yeesho Isbedelada Hormarka ah ee ka socda Soomaaliya.

Wariye Abdirahsiid Nuur Ibraahiim.

Wardoonayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay.

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdi Salaad Nuur  iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdiczaziiz iyo Wartanabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015 gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1).

Intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay  magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liido  ee  magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale hordhac sahmin u ahaa weeraro  ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale qiray in uu aqoon u leeyahay eedeysanaha labaad Gacal Maxamed Cali Maxamed  oo ay ka wada tirsanaayeen maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsanaayeen hal koox oo ay ku sheegeen in uu horjoogahooda joogo halka loo yaqaan Sabiid,  waxa uu qiray in  ay wada degnanaan jireen degmada Kaaraan  balse Gacal uu isku qariyo shaqada tima jaraha, Maxamed Cabdi Salaad Nuur oo ah eedeysanaha koowaad ayay ciidamada amniga soo xireen  13-ka Bishii labaad (2)- ee sanadkan.

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad  ayna wada deganaayeen hal guri  sidoo kale ay  lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga soo galay sidaad iyo tobanka (18) bishii Afaraad (4) ee sanadkan.

Labadii (2) bishii Sideedaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay  eedda labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa ayna xilligaas weydiisteen Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in xabsiga lagu hayo eedeysanayaasha garsuge ahaan.

Bilowga fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa si wada jir ah loo dhageystay eedda ay soo diyaariyeen xafiiska xeer ilaalinta iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay eedeysanayaasha in ay ka hadlaan goobta maxkamadeyntooda.

Koowdii bishan aynu  ku jirno ayaa la soo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta labaad ee Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo

  • Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana
  • Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta  fursad kale oo ay  ku dalban karo Rafcaan.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay dhaqan gelinta Heshiiyo kal hore ay kala saxiixdeen

0

Ankara (SNTV)- Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim  oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaama ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal oo  Saaxiibtinimo  iyoWalaaltinmo ay ka dhaxeyso iyo arrim kale.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo Qibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane  Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda  Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka  gacan siin doonta  Soomaaliya taageero  ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay  dawladda Turkiga  in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta  iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS  ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.

Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya  labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.