Madaxweyne Farmaajo oo ugu Baaqay Madaxda Afrika in ay Qaataan Siyaasado Waxtar u leh Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Date:

Addis Ababa (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha.

“Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamkaba.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda.

“Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-gelaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...