Akhriso: Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Date:

Adis-ababa (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Adi-ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Shirkan oo diirada lagu saaray Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wuxuu ugu baaqay Madaxda Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii.

  Halkaan Hoose Ka Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS:-

Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda,

Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha,

Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Martida Sharafta leh,

Mudanayaal iyo Marwooyin

Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul.

Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida.

Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Mudane Guddoomiye,

Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga.

Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni.

Soomaaliyana waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan.

Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka.

Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca.

Mahadsanidiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...