Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Date:

Duqeymo qasaaro geystay ayaa Maleeshiyaadka Al Shabaab lagula eegtay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in illaa shalay galab dhulka Buuraleyda ay ka dhacayeen duqeymo isdaba joog ah kuwaas oo lala beegsanayay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Horjoogayaal katirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Goobaha ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxaa kamid ah deegaanada Oratan iyo Yabaara-eele oo tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale,dadka deegaanka ayaa arkay Maydadka Al Shabaab kuwaas oo duqeynta haleeshay iyo kuwo kale oo doonayay iney baxsadaan balse waxyeelo soo gaartay.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxibada caalamka ayaa wada qorshe ay dalka kaga ciribtiraan maleeshiyada Al-Shabaab oo dhibaato xooggan ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...