Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo booqday goobta shilka diyaaradeed uu ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo si loo ogaado waxyaabaha sababay shilka diyaaradeed loona qanciyo ehalada dadkooda ku geeriyooday shilka.

Rakaab gaaray 149-ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa saarnaa waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay xaqiijisay inay wada geeriyoodeen 149-kii rakaabka ahaa iyo 8 shaqaalaha ee saarnaa Diyaaraddii ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

Rakaabka Diyaaradda saarnaa ayaa lagu sheegay iney ka soo kala jeedaan 33-dal,waxaana goobta diyaaradda ay ku bur burtay gaaray kooxo ka socota shirkadda Ethiopian Airlines,kuwaasi oo wada howlo lagu qaadayo meydadka goobta yaala.

32-Kenyan ah,18-Qof oo u dhashay dalka Kanada,9-Ethiopian ah,8-dalka Shiinaha u dhashay,8-Mareynkanka u dhashay iyo 7-ruux oo muwaadiniin Britain ayaa ka mid noqday dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed,sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda Ethiopian Airlines.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...