R/wasaare Khayre oo ku wajahan Kismaayo iyo qaban qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socota

Date:

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhawaynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta  wajahan halkaasi.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,  lagu muujinayo soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

Did you like this? Share it:

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...