Home Blog Page 1096

Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Puntland oo la dhaariyey

0

Muqdisho (SNTV) Golaha Xukuumadda Dowlad Gobaleedka Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland  iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda Puntland, waxaana ay kula dardaarmeen Wasiirada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dastuuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Ugu dambay, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin.

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada muhiimka u ah.

Midowga Afrika ayaa soo saaray go’aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea, Uganda iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, isaga oo kala hadlay sidii uu u dhexmari lahaa xiriir iyo iskaashi miradhal ah.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga iyo xaaladda Gobolka

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey Dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan, ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka shacabka iyo dowladda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Suudaan heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada Dowladood.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo cilmi barista iyo mideynta dadaallada lagaga hortagayo tahriibta iyo argagixisada.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Burburiyay Saldhigyo ay lahaayeen Argagaxisada Alshabaab

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay Argagaxisada Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon, iyagoona Burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay Wakaalada SONNA ayaa xaqiijiyay Howlgalkan Ciidanka Xoogga ay ku qaadeen Al shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa looga dilay Argagaxisada tiro Maleeshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka, sida ay sheegeen Saraakiisha horkaceysay Howlgalka.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.

Dhaq dhaqaaqyada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday Argagaxisada Al-shabaab.

DAAWO SAWIRADDA MIINOOYINKA LAGU GUULEYSTAY IN LAGA SOO SAARO GOOBAHA AY GALIYEEN ARGAGAXISADA

Taliyeyaasha Militariga Midowga Afrika oo Maalintii 2-aad Muqdisho uga socdo shirka Istaraatijiyadda ka bixitaanka Ciidamada.

0

MUQDISHO (SNTV)-Taliyeyaasha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM oo muqdisho uga socdo shir afar maalmood ah ayaa kaga doodaya sidii loo dejinlahaa qorsho dhammeeystiran oo lagu dejinayo istaraatijiyadda ka bixitaanka Ciidamada Amisom ee dalka Soomaaliya.
Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Madaxa AMISOM ayaa sheegay in qorshaha lagu cadeeynayo howlaha howlgalada la hirgelinayo oo qaybta ka ah Fekerka Cusub ee Howlgalada ee loo soo gaabiyo (CONOPS) islamarkaana lagu dejinayo xilliyada iyo taageerada lojistikada ee loo baahan yahay si loo hirgeliyo howlgalada.
“Waxaan u baahan nahay inaan dejino kheyraadka si aan u hirgelino howlgalka fekerka cusub ee CONOPS si looga taageero AMISOM si ay u fuliso waajibaadkeeda suggidda amniga ee Soomaaliya,” Mulongo ayaa ku sheegay bayaan uu kasoo saaray furitaanka rasmiga ah ee shirka.
Howlgalkan ugubka ah, ayaa qayb ka ah istaraatijiyadda ka bixitaanka AMISOM, waxaana lagu hagi doonaa dhammaan howlgalada militari ee Midowga Afrika ee xilliga 2018-2021.
Kulanka waxa uu si wadajir ah meel isagu keenay taliyeyaasha hogaamiya cutubyada militariga ee wadamada ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM, Wakiilo ka socda Ciidamada Qaranka Soomaaliya, SNA, Qaramada Midoobay iyo ururada saaxiibada la ah.
Mulongo ayaa ku boorriyay taliyeyaasha in ay la yimaadaan qorsho dhab ah oo kusaabsan howlgalada kaasi oo lagu xaqiijin doono qaybna ka noqon doona howlgalka cusub the CONOPS, iyadoo loo baahan yahay in la hirgeliyo dhammaan waxyaabaha looga hadlo shirkan.
Kulankan ayaa yimid xilli ay AMISOM filayso in 1,000 (kun askari) oo kamid ah ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya 28-ka bishan Febraayo ee sanadkan 2019-ka taasi oo la waafajinayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishii Julaay sanadkii 2018-kii.
Sida uu qabo qaraarka, AMISOM waxa ay u baahnaan doontaa in ay dhinto heerka ciidamada oo ay tiradoodu noqonayso illaa 20,626 marka la gaaro 28-ka bishan aynu kujirno ee Febraayo, 2019-ka iyadoo dib u dhac lahayn.
howlgalka cusub ayaa waxaa suurtagal ah in qaar kamid ah saldhigyada horusocodka ee howlgalada ee loo soo gaabiyo (FOBs) dib loo qaabeeyo halka dhowr kamid ah saldhigyada iyaguna la laabi doono maadaama ay tirada ciidamada AMISOM ay is dhimi doonto, sidaasi waxaa sheegtay AMISOM.
Si kastaba aha ahaatee, AMISOM waxa ay hubisay in isbedellada la ballanqaaday iyadoo la tixgelinayo badbaadada iyo amniga dadweynaha kunool gobollada ay ku yaalaan saldhigyada Amisom.
Tigabu Yilma, oo ah taliyaha ciidamada AMISOM, ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabab si loo awoodda kooxda, islamarkaana loo diido in ay helaan xorriyad ay ku sameeyaan wax dhaq dhaqaaq ah. iyadoo ciidamada saaxiibada ah ay si nabadgelyo leh usugi karaan amniga iyadoo ay muuqato saameynta hirgelinta howlgalka cusub ee AMISOM ee loogu magacdaray CONOPS.
Howlgalkan ayaa CONOPS ayaa ah wejigii ugu dambeeyay ee howlgalka Midowga Afrika ee xilliga kala guurka ee ay uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo la kulmay madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana, Botswana

0

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi.

Hogaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Albashiir.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb  galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

Shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland

0

22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow ula socon doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wajiga labaad ee shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo siin lahaa nolosha dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo deegaanadooda oo ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada iyo Haweenka.

Agaasimaha Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay magaca Dhalinyarada ayaa warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen muhiimada in si dhow loola socdo goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan yahay si aysan saameyn uga soo gaarin dadka rayidka ah.

Shirkaas kadib Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka Switzerland, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo insaaniya , sidoo kale Wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay muhiimada midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u dhiska dalka.

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka

0

Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruuxda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

Ku dhawaad 100 qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay Cong

0

War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto.

Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi.

Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaarayso ilaa  shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,dowladda Congo ayaana sheegaysaa in cudurkan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee abid soo mara dalkaasi.

Warka ay soo saartay Hay’adda Save the children ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka.

Wadanka Dalka Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola,hase ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda haatan ay tahay midi ugiu darnayd abid soo marta dalkaasi.

Dhanka kale maleeshiyaadka ka dagaalama dalkaasi Condo ayaa la sheegayaa in ay caqabad ku yihiin amniga dadka dhaqaatiirta ah ee la tacaalayaa cudurkaasi,taasi oo keenysaa in ay is hortaagaan howlwadeenada caafimad.

Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka

0

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.