Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV)-Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari  ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose

Horjoogahaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka, iyadoo dadka shacabka ay billaabeen inay Al-Shabaab iska celiyaan.

Dadka Yaaqbar Weyne ayaa meydka Horjoogaha  la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanlla-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan.

Horjoogaha la dilaya ayaa qaabilsanaa Baada iyo Dhaca loo gayto ilaa iyo Afartan tuulo oo ka tirsan Shabeellaha Hoose dadka ku nool.

Shacabka deegaanada Shabeellaha Hoose ayaa markii ay u dul qaadan waayeen ficilada ka soo horjeeda diinta Islaamka ee Al-Shabaab wadaan ayaa haatan waxay billaabeen inay Hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...