Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam โ€œAxmed Madoobeโ€ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyay,isagoonaย sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la yeelan doono Madaxda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...