Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Date:

Washington (SNTV):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...