Raโ€™iisul wasaare Khayre oo la kulmay madaxa Hayโ€™adda Lacagta Adduunka

Date:

Washington (SNTV)ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maal mahaan ku sugnaa magalaada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa kulan balaaran la qaatay madaxa hayโ€™adda lacagta adduunka Cristine Lagarde.

Labada dhinac ayaa kulan kooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in soomaliya ay hesho fursadda deyn cafinta.

Wafdiga r/wasaarah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Gudoomiyaha Bangiga dhexe,Hanti dhowrka Qaran iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hayโ€™addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sanadeedka Guga oo ah mid ay si wada jir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hayโ€™adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalkaย  ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ooย  ka warramay kulamadda ay galeen Iyo waxyaabihii kasoo baxay ayaa sheegay in dhamaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii laga rabay in ay hesho deyn cafin,dhawaana la filayo in go,aano laga soo Saaro.

Kulamada uu raโ€™isul Wasaaraha iyo wefdigiisu la yeelanayo madaxda ka qeyb galaysa shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana rajo weyn laga qabaa in guulo wax ku ool ah laga gaaro dadaalada socda.

Dhanka kale Raโ€™iisul wasaare Hassan Cali Qeyre ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kula kulmay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton. Bolton ayaa u hambalyeeyay Raโ€™iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya horumaradda ay ka gaartay hagaajinta maaliyada isagoo sheegay in ay dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...