Home Blog Page 1066

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo faahfaahisay imtixaanka maanta loo fariisanayo

Muqdisho (SNTV) Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

“Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

Wadajir oo wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan isgeeysay

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa shanaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Garbahaareey iyo Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Markii ay soo idlaatay su’aalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, ayaa waxaa lagu nastay su’aal dhextaal ah oo loogu talaglay dadweynaha la soccda tartanka, taasi oo ahayd, Sheeg magaca duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-tii?

Su’aasha ma jirin cid si sax ah uga jawaabtay, balse guddiga tartanka ayaa ka jawaabay, taasi oo ahayd Caaqil Axmed Raage waxa uu ahaa duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-kii.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareermartay tartamayaasha Garbahaareey sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 6aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

Dowladda Soomaaliya “go’aanka dowladda Kenya ee lagu joojiyey duulimaadyadii tooska ahaa waa mid siyaasadeysan”

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

Mog Nairobi Press Release

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

0

Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.

Madaweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa marxuum Cabdi Waraabe Allah uga baryay naxariistii janno, dhammaan ehelka uu ka baxay iyo umadda Soomaaliyeedna uu Samar iyo Iimaan Ka siiyo.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo salaadii Jimcaha kadib ku geeriyooday Hargeysa ayaa waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad waxa uuna kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Puntland

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidamada Mareykanka ,gaar ahaan qeybra Africom ayaa dilay 13-argagixiso oo ka  tirsanaa  kooxda daacishta Soomaaliya,ka dib kolkii duqeyn xagga cirka ah ay ka fuliyeen Buuraha Golis  ee deegaanada maamulka Pubti land.

Saraakiisha taliska Africo ayaa goor dambe oo Khamiis ah sheegay in duqeyn ay ciidamadaasi sameeyeen maalinimadii  Arbacadii lagu bartilmaameedsaday xero ku tiillay Buuraha Golis,halkasi  oo ay ku sugnaayeen argagixisada kooxda Daacish.

Duqeyntan lala beegsaday argagixisada Daacish ,ayaa daba joogta weerar ka dhacay gobolka Sh/Hoose  oo lagu dilay 3-maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in Qiimeyn lagu sameeyay weeraradaasi xagga cirka ah ay muujinaayaan  in la dilay 13,argagixiso,isla markaana aysan jirin waxyeello kale oo looga baqaayo in ay ku timid dadweynaha.

Ciidamada Mareykanka ee  Africom ayaa xoojiyay weerarada dhinaca cirka ah ee lala beegsabaayo kooxaha argagixisada,waxaana tan iyo markii uu talada dalka Mareykanka uu qabtay Donald Trump la sheegay in duqeyn lagu dilay 8-boqol oo maleeshiyo ah.

Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Marka-(SNTV)-Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.

Dharkeenley oo isgeeysay wareegga 2-aad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan (Daawo)

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa afaraad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynleey iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeynleey iyo Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dharkeynleey

Tartameyaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen lix su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareermartay tartamayaasha Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynleey ay heleen waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan  su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir.

 

Wasiir Saadiq Warfaa iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo ah horumarinta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa   iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn.

Heshiisyada ayaa diirrada saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano.

“Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay 2 milyan oo  euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Saadiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, oo u mahadceliyo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad  ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay wasiir Saadiq Warfaa.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ,Carlo Campanille  ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada.

Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa  uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho.