Wasaaradda Waxbarashada XFS oo faahfaahisay imtixaanka maanta loo fariisanayo

Date:

Muqdisho (SNTV) Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

“Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...