Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Date:

Marka-(SNTV)-Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...