Home Blog Page 1065

Shangaani oo ugudubtay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa todobaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Shangaani iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani iyo C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Markii ay soo idlaatay su’aalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, caawa ma jirin su’aalihii dadweynaha ee dhextaalka ahaa.

Shangaani

Tartameyaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen shan su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

C/casiis

Tartamayaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay helen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada C/casiis waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Marka iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo oo dib uga soo laabtay Garowe

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib shirkii magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Xukun dil ah oo lagu riday saddex ka mid ah raggii loo heystay Kiiska Caasho Ilyaas Aadan

0

Muqdisho (SNTV):- Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka raggii ku eedeysnaa Kiiska Caasho Ilyaas Aadan oo dhowaan Kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Maxkamada Sheikh Cabdinuur oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulineyso Maamulka Puntland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay dambi ku wayday,sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xukumay ay heystaan bil racfaan haddii aysan ku qancin xukunka.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Gaalkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Kiiska Caasho Ilyaas Aadan ka hadlay ayaa faray laamaha ammaanka iyo Garsoorkaba in cadaalada la marsiiyo raggii ka dambeeyay Kiiskaasi Foosha xun.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan dhiira gelin ah la qaatay ciyaartooyda naadiga Horseed

0

Muqdisho (SNTV)-  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kulan is xog wareysi iyo dhiiragalin la qaatay ciyaartooyda naagdiga Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed ayaa taliyaha xoogga dalka Soomaaliya uga warbixiyay guulaha iyo tartamada ay ka gaareen ciyaaraha ay sanadkaan ciyaareen

madaxa habmaamuuska ciidanka xoogga dalka ahna gudoomiyaha kooxda Horseed G/sare Maxamed Ahmed Digtoorka ayaa sheegay in kooxda Horseed ay dhawaan ciyaaro saxiibtinimo ay kusoo dheeli doonto dalka dibadiisa

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ciyaartooyda iyo macalimiinta naadiga Horseed kula dar daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda.

Shibis oo Tartan la’aan ugudubtay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa lixaad ee wareegga koowaad qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

 

Sida uu sharciga tartanka qabo degmo kasta waxaa laga rabaa waqtiga tartanka 30 daqiiqo kahor inay ku diyaar garoobaan goobta ay ku tartamayaan, balse Garoowe ayaan soo xaadirin waqtigii sharciga dhigayay, iyadoo tartamayaasha Degmada Shibis ay waqtiga tartanka xaadir ku ahaayeen goobtooda.

Tartamayaasha Degmada Shibis ayaa wareegga labaad ee tartanka si toos ah ugu soo gudbay caawa, kadib markii ay soo xaadiri weysay Garoowe sida ay ku dhawaaqeen guddiga tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

Sanadkii tegay ayay ahayd markii tartamayaasha Shibis ay sidaan oo kale ugu soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay soo xaadiri waayeen dhigooda Jowhar.

Habeen dambe oo ah habeenka 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka C/casiis iyo Shangaani oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Howlgal Miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa Bariire iyo Lambar 50 oo la soo gaba-gabeeyay

Bariire (SNTV):–Ciidammada Xoogga Dalka ayaa soo gebagebeeyey howlgal miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa Bariire iyo Nambar 50 kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku aaseen sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah ugu tababaran walxaha qarxa, kuwaaso maanta si nabad gelya ah uga saaray miinooyin ay aaseen iimaan laawayaasha nabad diidka ah, iyagoo maalmihi lasoo dhaafay ku howlanaa dhaca, boobka, iyo daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed”ayuu yiri Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in si aan kala sooc laheyn argagixisada miinooyinka ugu aasayaan wadooyinka ay isticmaalaan bulshada, taaso uu sheegay in ay tahay mid ku tusineysa in aanay jirin baartilmaameed gaar ah ee ay leeyihiin kaliya ay doonayaan daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Sh/dhexe

0

Muqdisho (SNTV):– Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay Ciidanka Ciidanka Xooga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe,kuwaas oo lagu baacsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa xooggiisa ka dhacay wadada xiriirisa  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,halkaas oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka ku safraya wadadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Maxamed Axmed Tareedisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay fariisin ka sameysteen deegaano ku dhow wadada si ay Shacabka uga difaacaan cadowga halkaas ku dhibaateeya.

Sidoo kale, Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay bur buriyeen saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay dileen 15-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira.

Darawalada Gaadiidka iyo shacabka qeybahooda kala duwan ayaa soo dhoweeyay howlgalada ay ciidanka Xoogga dalka ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho,halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab Shacabka ku dhibaateyn jireen,qaarkoodna inta ay gaariga ka degsadaan kaxeynsan jiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday fariisimo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameysteen deegaanada ku teedsan wadada sida Qalimow iyo Haanta dheer oo ka wada tirsan Gobolka Sh/dhexe oo  markii hore shacabka ay qaati kaga taagnaayeen argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad marsiiyay sharciga Dakhliga dalka

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii 13-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheikh Muudeey wuxuu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf  ‘’Cabdi Waraabe’’.

Intaasi ka dib waxa ay xildhibaanada  Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxa ay Akhrinta seddaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha,waxaana xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda ayaa cod geliyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha ,waxaana haa ku ogolaatay 142-Xildhibaan oo ahaa tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray.

Dooni ku degtay Tunisia oo sababtay tiro badan oo dhimasho ah

0

Muqdisho.(SNTV)…Dooni sidday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo muhaajiriin ah ayaa ku qallibantay biyaha badda Medetereeniyan,gaar ahaan xeebaha kulaala dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen 65-ruux.

Hadal maalinimadii shalay ay sii daayeen Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR),ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-qof oo saarnaa doontaasi ,ka dib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah.

Afar ruux oo meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinaayo dadkii wax ku noqday doontaasi qallibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay warbixin ay sii daayeen Wakaaladda Wararka ee dalka Tuisia TAP  ayaa sheegaya in doontaasi ay sidda 70-Qaxooti ah iyo muuhaajiriin aan la shaacin tiradooda ,waxayna doontaasi ay ku qallibantay meel 270km koonfur kaga beegab caasimadda Tunis.

Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahaan,waxaana dadka saarnaa doontaasi ka mid ahaa Bangladeshi, Moroccan iyo kuwo kale.

R/Wasaasre ku-xigeenka Dalka oo furay imtixaanka Shahaadiga ah

Muqdisho (SNTV) R/Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay rdayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada XUkuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin Arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.