Home Blog Page 1064

Dhuusamareeb oo caawa u gudubtay wareegga Labaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sagaalaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jowhar

Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Jowhar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood, waana dhibcihii ugu badnaa ee Degmo ku adkaato inta uu tartanka socday wareegga koowaad.

Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

 

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta SMP3

0

Muqdisho (SNTV ) War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa lagu sheegay in Hay’adda iyo dowladda Federaalka soomaaliya ay isku afgarteen ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta  loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta Wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP.

Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka  dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan.

Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ayaa intii ay wada hadalaada Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka Deyn Cafintu socdeen waxa uu la kulmay madaxda Hey’ada IMF si uu uga dhaadhiciyo in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo waxaa kale oo uu la kulmay waddamada iyo hey’adaha kale ee Soomaaliya ku leh deymaha.

Allison Holland Hogaamiyaha kooxda Wadahadalka ee IMF ayaa madaxda dowladda waxaa ay uga mahad celisay sida ay uga go’antahay hirgalinta shuruudaha Barnaamijka deyn cafinta iyo sida xooggan ay oo ay uga dhiiran yihiin.

Hay’adda lacagta aduunka ayaa markale bogaadisay kororka Dakhliga soo gala dowladda Federaalka iyo dadaalka hagaajinta maamulka maaliyadda.

Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3

“ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii #SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa.  Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada

Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga gudubtay dhamaan shuruudaha Deyn cafinta ee sadaxdii waji ee SMP, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda waxaana haray shirka go’aan gaarista in Soomaaliya deymaha laga cafiyo kaa soo loo madlan yahay in la qabto bisha december ee sanadkaan 2019  ilaa bisha January ee sanadka soo aadan ee 2020 ka.

Duqa Muqdisho oo fal-danbiyeed ku tilmaamay Imtixaanka la xaday

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto

New Zealand:Xoghayaha Guud ee Q.M oo booqday 2-dii masjid ee lagu laayey muslimiinta

Muqdisho (SNTV)…Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa muujiyay taageerada iyo khushuuca uu u hayo bulshada muslimiinta ee ku nool dalka New Zealand ,ka dib markii uu booqday 2-masjid oo bishii Marso lagu dilay 51-ruux oo cibaadeysanaayey.

Guterres oo booqday Masjidyada Al-nuur iyo Linwood ,  Waxaa isaga iyo xubno ka socda hogaamiyaasha muslimiinta iyo dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay labada masjid ay halkaasi joogeen muddo ku dhow saacad,iyadoo la is-dhafsaday hadallo ku aadan naceybka cunsuriyadda iyo kala faquuqa bulshada.

Hadal uu sii daayey intii uu ku guda jiray booqashadiisa oo dhacday saaka ayuu ku baaqay in dadaal lagu bixiyo sidii loo baabi’in lahaa hadalada naceybka ah ee u sii fidaya sida dab qabsaday howdka,kaas oo lagu baahiyo  baraha bulshada.

Abdul Aziz,oo ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay 2-ba daasi masjid,isla markaana isku dayey in uu ka hortago ninkii geystay falalkaasi,oo isna ka hadlay kulankii booqashadaasi ayaa ammaanay dadaalka Xoghayaha Guud ,wuxuuna inta raaciyay in ay sharaf u tahay in bulshada muslimka ah lala qeybsado xanuunka .

xasuuqii ka dhacay magaalada Christchurch  ee dalka New Zealand waa kii ugu xumaa ee loo geysto dad muslimiin ah,kaas oo uu fuliyay Brenton Tarrant oo 28-sano jir ah,una dhashay dalka  Australian,

14 Maleeeshiyadda Al Shabaab oo xalay lagu dilay deegaanka Bariire

Muqdisho (SNTV)- Maleeshiyadda Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho kasoo galay.

 

Ciidanka Xoogga ee Bariire ku sugan oo xogta weerarka Al Shabaab sii hayey ayaa waxaa maleeshiyadii soo qaaday weerarka halkaas loogu geystay qaasaro weyn.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey 14 kamid ah meydadka Shabaabkii Bariire soo weeraray halkaas yaaliin.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiiyey Al Shabaab meydad badan oo dagaalka looga dilay inta qaateen Wabiga ku shubeen.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Maleeshiyadda Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah.

Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sideedaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Hodan iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Marka ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Guddiga tartanka ayaa xaliyay cabasho ay qabeen tartamayaasha Degmada Marka, taasi oo ahayd su’aashii labaad ee tartanka oo ahayd su’aal xisaab ah ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada tartanka.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay Marka, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Marka

Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaashaHodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 8aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi Dhamays-tiraya Qorshaha Dayn Cafinta Dalka

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.

Ciidanka Xoogga dalka oo Gargaar caafimaad u fidiyay shacabka deegaanka Moordiinle

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Xoogga dalka oo tagay deegaanka Moordiinle ee hoostaga deegaanada Sabiib iyo Canoole ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka u geybiyay daawooyin caafimaad xilli dadka ay ka cabanayaan xaalado caafimaad daro.

Sidoo kale, dhaqaatiir ka socota Ciidanka Xoogga dalka ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay dadka jilicsan ka dibna qaar baaritaano gaar ah u sameeyay.

Dhaqaatiirta Ciidanka Xoogga dalka ee Baaritaanka caafimaad u sameynayay shacabka ku dhaqan deegaanka Moordiinle ayaa sheegay in mudo 7-sano ah cadowga ay shacabka ku hayeen cadaadis una diideen wax kasta oo nolosha oo asaasiga u ahaa.

Shacabka ayaa soo dhoweeyay gargaarka caafimaad ee ay ka heleen ciidanka Xoogga dalka,waxayna ku ilaabeen dhibaatadii ay kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibaahim Aadan Cali Najax ayaa kormeeray furumaha hore ee ciidanka Xoogga dalka ay lu leeyihiin deegaanada Sabiib iyo Caanoole si loo dhiira geliyo ciidanka loogana Difaaco cadowga iney dhacabka dhibaateeyaan.

Guddoomiye Najax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaarsan yihiin sidii haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Guud ahaan Gobolka Shabeelaha hoose.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysyada Muqdisho

Muqdisho; Isniin, May 13, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

Wasaaraddda Waxbarashada oo joojisay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare dalka

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.